Trump oo ka qayb galay saxiixa “heshiiska nabadeed ee taariikhiga ah” ee Thailand iyo Cambodia

Ku soo dhowaada tebinta tooska ah ee BBC Somali

Kooban

Tebin toos ah

  1. PKK oo sheegtay inay ciidankeeda kala baxday Turkiga

    Turkiga

    PKK ayaa ku dhawaaqday inay go’aansatay inay ciidamadeeda hubaysan kala baxdo dalka Turkiga.

    Hadalkan ayaa lagu sheegay bayaan kaoso baxay Maamulka Dhaqdhaqaaqa Xoriyadda Kurdiyiinta kadib markii PKK ay burburtay bishii May.

    Shirka jaraa’id ee lagu qabtay magaalada Qandiil, ayaa nuqulka Turkiga ka soo baxay bayaanka waxaa akhriyay Xildhibaan Sabri Ok oo ka tirsan Golaha Sare ee KCK.

    PKK ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in ay "la baxayso dhammaan ciidamada ku sugan dalka Turkiga ee khatarta ku ah iska horimaadyada ka dhaca xudduudaha Turkiga, una nugul daandaansi suurtagal ah."

  2. RSF oo sheegtay inay qabsatay saldhigga ciidamada Sudan

    Sudan

    Ciidamada Gurmadka Degdegga ah ee Sudan (RSF) ayaa sheegay in ay qabsadeen xaruntii ciidamada ee magaalada go’doonsan ee El-Fasher, taasi oo muujinaysa marxaladda uu isu beddelay dagaalka sokeeye ee dalkaasi.

    War ay kooxdu soo dhigtay baraha bulshada ayay ku sheegtay in ay burburisay “Gaadiid dagaal oo aad u badan, isla markaana ay ka qabsadeen qalab ciidan oo yaallay xarunta taliska qaybta 6-aad ee ciidanka.

    BBC Verify ayaa xaqiijisay xaqiiqada muuqaallada ku wareegaya baraha bulshada ee muujinaya dagaalyahannada RSF ee ku sugan gudaha saldhigga ciidanka.

    Khasaaraha soo gaaray xarunta ayaa dhabar jab weyn ku ah ciidamada dowladda iyadoo el-Fasher ay tahay xaruntii ugu dambeysay ee ay ciidanka Sudan ka joogeen gobolka Darfur, taasoo keentay in RSF ay si hufan gacanta ugu dhigto deegaanka. Ciidanka ayaan weli ka hadlin arrintan.

  3. Faa'iidooyinka laga helo cunidda calooleyda

    Calooleyda ayaa inta badan la jar jaraa, waxay dadka inta badan isticmaalaan midda ariga iyo idaha.

    Bulshooyinka qaar ee adduunka ayaa muddo dheer u adeegsanayay calooleyda. Waxaana laga helaa maqaayadaha ku yaalla Asia, Afrika, qeybo kamid ah Amerika iyo Yurub.

    Waana laga helaa faa’iidooyin badan oo caafimaad marka loo barbardhigo hilibka kale ee caadiga ah.

    Waxaa la cabaa fuudka calooleyda, dadka qaar waxy shiilaan calooleyda oo ay dhadhan u yeelaan.

  4. Qaxootigii kufsiga loo heystay ee la weysanaa oo lasoo xiray

    London

    Nin qaxooti ah oo si khalad ah xabsiga looga sii daayay ayaa laga helay waqooyiga magaalada London, waxaana dib loogu celiyay xabsiga ka dib markii ay baadigoob u galeen dad badan, sida ay sheegeen booliska magaalada.

    Hadush Kebatu waxaa laga helay aagga Finsbury Park 08:30 GMT subaxnimadii Axadda, labo maalmood ka dib markii lagu sii daayay khalad ka yimid HMP Chelmsford.

    Kebatu, oo u dhashay Itoobiya isla markaana lagu xukumay bishii hore inuu faraxumeeyay gabar 14 jir ah iyo haweeney Epping oo ku nool hotel magangalyo, ayaa lagu sii daayay si khalad ah beddelkii la musaafurin lahaa.

    Bilayska ayaa sheegay in Kebatu ay xireen booliisku "isla markaana lagu celin doono xabsiga".

  5. Afar khuraafaad oo shaambada ku saabsan oo aad iska illoobi doonto

    Dhamaanteen waxaan doonaynaa in aan lahaanno timo qurxoon oo caafimaad qaba, qaabab kala duwanna loo hagaajin karo.

    Timo hagaajintu waa suuq weyn oo ku kacaya £5.8 bilyan UK oo kaliya. Waxaa jira waxyaabaha timaha loogu tala galay oo aan xad lahayn, iyo xayeysiimo baraha bulshada lagu arko, kuwaasoo qofka ka weeciya in uu helo waxyaabaha aasaasiga ah ee uu u baahan yahay.

    Runtu waxay tahay in helitaanka timo caafimaad qaba aysan ku xirnayn lacag badan oo la kharash gareeyo ama in la raaco qaabab adag. Waa in la helo waxa loo baahan yahay ee sahlan.

    Eva Proudman oo ah khabiir baratay caafimaadka timaha iyo maqaarka madaxa, iyo Tracey Walker oo ka tirsan xarun ka shaqaysa caafimaadka maqaarka madaxa iyo timaha, ayaa kashifay afar khuraafaad oo ku saabsan sida aad timahaaga u xanaanaynayso.

  6. Sidee loo go'aaminayaa abaalmarinta nabadda ee Nobel ee 2025?

    Waxaa lagu wadaa in ku guuleystayaasha abaalmarinta nabadda ee Nobel Peace Prize ee 2025 lagu dhawaaqi doono 10 Oktoobar.

    Haddaba yaa go'aaminaya cidda ku guuleeysata? Guddiga Nobel ee Norway ayaa ka kooban shan qof oo uu soo magacaabay baarlamaanka Norway. Xubnaha ayaa inta badan ah siyaasiyiin hawlgab ah, laakiin had iyo jeer ma aha siyaasyiin. Gudigga hadda xilka haya ayaa waxaa hogaaminaya madaxa laanta Norway ee PEN International oo ah koox difaacda xoriyatul qawlka. Xubin kale ayaa ah aqoonyahan.

    Dhammaantood waxa soo bandhigay xisbiyada siyaasadda Norway, magacaabistoodu waxay ka tarjumaysaa dheelitirka awoodda baarlamaanka Norway.

  7. Rag daroogo safrinayay oo lagu qabtay Badweynta Hindiya

    Daroogo

    Maandooriye aad u badan oo qiimihiisa lagu qiyaasay 63 milyan oo doollar ayaa lagu qabtay magaalo xeebeedka Mombasa ee dalka Kenya Sabtidii, iyadoo xabsiga la dhigay lix qof oo Iiraan u dhashay.

    Ciidamada Badda Kenya ayaa shixnadda ka qabtay meel 630 kilomitir (391 mayl) u jirta xeebta Mombasa ee Badweynta Hindiya, waxayna markabka si nabad ah ugu galbiyeen dekedda iyadoo ilaalo hubeysan ay saaran yihiin.

    Agaasimaha Agaasinka Dambi Baarista Amiin Maxamed Ibraahim, ayaa sheegay in baaritaanno horudhac ah oo dambi baaris ah lagu xaqiijiyay walaxda daroogada methamphetamine crystal.

    Kenya ayaa wajaheysa dhibaato sii kordheysa oo la xiriirta maandooriyaha macmalka ah, gaar ahaan dhanka xeebta, halkaasoo boqollaal dhalinyaro ah ay la daalaa dhacayaan balwadda meth iyo heroin-ka.

    Maamulka ayaa ammaanay faragelinta rikoorka ah ee in ka badan tan (1,024 kiiloogaraam) oo methamphetamine ah inay tahay horumar weyn oo laga gaaray dagaalka joogtada ah ee Kenya ay kula jirto ka ganacsiga maandooriyaha iyo balwadda.

    Sannadkii hore, shixnad yar oo 1.15 kiiloogaraam ah (2.54 rodol) oo methamphetamine ah ayaa lagu qabtay gegida dayuuradaha ee dalka.

  8. Sida nin Muslim ah u guursaday haweeney Yuhuudi ah

    Markii Kabul ay gacanta u gashay Taliban bishii Agoosto 2021, adduunku wuxuu arkay sawirro muujinaya jahawareerka ay dadka Afgaanistaan ku jireen iyagoo ku soo daadanaya garoonka diyaaradaha, si degdeg ahna u isku dayaya inay baxsadaan.

    Washington D.C., caasimadda Maraykanka, nin hore uga tirsanaa ciidamada badda oo lagu magacaabo Safi Rauf ayaa bilaabay hawl uu isagu gaar u qaaday: inuu caawiyo asxaabtiisii iyo dadka uu la shaqayn jiray ee ku xanniban Afgaanistaan.

    Marnaba ma uusan filayn in intii uu ku jiray hawshaas badbaadinta nolosha uu la kulmi doono jacaylkiisa noloshiisa, isla markaana isagoo Muslim ah uu jeclaan doono haweeney Yuhuudi ah oo diinteeda iyo nolosheedu si weyn uga duwanyihiin tiisa.

    "Waan yara ka labalabeeyay ka hor inta aan caawin qofkii ugu horreeyay," ayuu xasuustaa. "Laakiin taas ayaa wax walba i beddeshay. Markaas ka dib waxaan caawiyay qof kale, dabadeedna qof kale.

  9. Miyey u fiicantahay nimanku inay sarajoog ku kaadshaan?

    .
    Qoraalka sawirka, .

    Dhaqamo badan, caruurta waxa la baraa in wiilashu kaadshaan iyagoo taagan halka hablahana ay tahay in ay fadhiistaan.

    Laakiin arrintan baahday- sida muuqatana iska qasabka noqotay- ayaa imika ay su'aal gelinayaan khubarada caafimaadka ee dhawr dal.

    Kiisaska qaarkood, sababta la bixiyo in dib loo eego sida nimanku u kaadshaan waxay ku salaysantahay caafimaadka iyo fayo dhawrka laakiin kuwo kale waxay sidoo kale u tahay arrin xuquuq siman ah.

    Haddaba yaa sax ah? waxaana intaa ka sii muhiimsan, maxaa nimanka u wanaagsan?

  10. Trump “waa joojinay” colaaddii xaduuda ee u dhaxaysay Cambodia iyo Thailand

    .
    Qoraalka sawirka, .

    Madaxweyne Trump ayaa sheegay inay jireen “wicitaano telefoon oo dhexmaray afartooda” ka dib “dhiigii daatay” ee ka dhashay dagaalkii dhexmaray Thailand iyo Cambodia bishii July, laakiin wuxuu sheegay in maamulkiisu "ay joojiyeen".

    Xusuusin ahaan, bishii Luulyo, dagaalkii Thailand iyo Cambodia wuxuu ku dhammaaday "xabad joojin degdeg ah oo shuruud la'aan ah" ka dib maalmo dagaal ah.

    Madaxweynaha Mareykanka ayaa sheegay inay aad u wanaagsan tahay in heshiis nabadeed la gaaro.

    Ra'iisul Wasaaraha Thailand Anutin Charnvirakul iyo Ra'iisul Wasaaraha Cambodia Hun Manet ayaa hadda wada saxiixday "heshiis nabadeed" oo wadajir ah, kaas oo uu kormeerayo madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.

    Trump ayaa goob joog ka ahaa heshiiska nabadda ee ay gaareen Thailand iyo Cambodia

  11. Halka ay ku taallo tuulo boqolaal rag ah ay dileen xaasaskii ay qabeen

    .
    Qoraalka sawirka, .

    Bishii Disembar 14 keedii, 1929, wargeyska Mareykanka ee 'The New York Times' ayaa daabacay war ka yaabiyay Ameerika iyo sidoo kale dadka Hungary oo kumanaan kilomitir u jira Maraykanka.

    Sida warku sheegayay waxaa la bilaabay dacwad ka dhan ah ilaa 50 haween ah.

    Dhammaan haweenkan ayaa lagu eedeeyay in ay sumeeyeen oo ay dileen inta badan ragga ku noolaa tuulo ku taalla dalka Hungary ee qaaradda Yurub.

    Dabcan, warkani wuxuu ahaa mid gaaban, laakiin wuxuu ka koobnaa macluumaad badan.

    Warbixintu waxa ay sheegtay in intii u dhaxaysay 1911 iyo 1929, dhawr dumar ah ay sumeeyaan in ka badan 50 nin degaanka lagu magacaabo Nagyrev, oo qiyaastii 130 kiiloomitir koonfur ka xiga Budapest, caasimadda Hungary.

    Haweenkan waxaa loo yaqaan 'malaa'ig-sameeyayaal'. Waxay dileen niman kadib markii ay maadada arsenic solution iyo sun isugu qaseen.

  12. Dibad-baxyo ka dhana Trump oo lagu arkay Kuala Lumpur

    .
    Qoraalka sawirka, .

    Dibadbaxyo looga soo horjeedo Trump ayaa lagu arkay magaalada Kuala Lumpur, iyadoo qaar ka mid ah dibadbaxayaasha ay siteen boorar ay ku qoran yihiin inaan madaxweynaha lagu soo dhaweynayn Malaysia.

    Booqashada Trump ee 5-ta maalmood ah ee diblumaasiyadeed ee Aasiya ayaa waxa uu booqan doonaa Malaysia, Japan iyo South Korea, iyadoo ajandaha ugu sarreeya uu yahay ganacsi. Sida wariyaheena Tess Wong uu ku sharaxay qoraal hore, qaar badan oo ka mid ah Muslimiinta Malaysia ayaa aad u dhaliilay taageerada Maraykanka ee Israa'iil ee dagaalka Qasa.

  13. Maxay tahay inaad sameyso haddii uu kaa soo horbaxo libaax?

    .
    Qoraalka sawirka, .

    Ilaaliyeyaasha keymaha ayaa ka digaya in hababka looga badbaado libaax buureedka ay aad uga duwan yihiin hababka looga badbaado orso bunniga.

    Maxaa la sameeyaa haddii aad la kulanto libaax buureed - iyo sida is badbaadintaadu uga duwanaanayso marka aad la kulanto duurjoogta kale.

    Weerar dhawaan ka dhacay buuraleyda gobolka California ee dalka Mareykanka ayaa sababay dhimashada hal qof oo ugaarsade ahaa mid kalana dhaawac culus ayaa kasoo gaaray. Sida laga soo xigtay bayaan ka soo baxay xafiiska taliska degmada El Dorado, wiil dhalinyaro ah ayaa wacay taliska subaxnimadii sabtida si uu u sheego isaga iyo walaalkii oo 21 jir ah in la weeraray iyaga oo ugaarsi guranaya.

    Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ayaa goobta kusoo gaaray dhaawaca 18-sano jir ka hor inta aysan is helin walaalkii ka weyn oo ku sugnaa meel u dhow halka uu libaax buureedku ku hela. Xafiiska taliska ayaa ku waramaya in ku ciidamadoodu ay hawada xabado u rideen si ay uga bajiyaan libaaxa oo uu u cararo, iyagana ay ugu fududaato inay u soo gurmadaan dhaawaca si ay usiiyaan gargaar caafimaad. Balse, waxay soo gaareen xili ninkii dhalinyarada ahaa uu u dhintay dhaawacii soo gaaray.

  14. Nin loo xiray isku day kufsi ka dib muuqaal si weyn ugu faafay baraha bulshada

    .
    Qoraalka sawirka, .

    Sida ay sheegtay warbaahinta maxaliga ah, tuhmane nin ah ayaa la xiray ka dib markii muuqaal si weyn baraha bulshada loogu faafiyey uu muujiyey isku day kufsi oo lagu sheegay in lagu sameeyay haweeney kaas oo la sheegay inuu ka dhacay tareen ku socday magaalada Paris.

    Jhordana Dias, oo ah haweeney 26 jir ah oo u dhalatay Brazil, ayaa la weeraray horraantii bishan. Waxay u sheegtay wargeyska Le Parisien in ninku uu soo galay tareenka, uu riixay, isla markaana uu isku dayay inuu jiido dharkeeda hoose.

    Qof rakaab kale ah, oo maqalay qayladeeda, ayaa soo bixiyay taleefankiisa si uu u duubo muuqaalkaas kaas oo muujinaya ninka oo baxsanaaya iyadoo tareenku istaagayo saldhig.

    Dhacdadan ayaa soo noolaysay doodihii ku saabsanaa badqabka haweenka ee Faransiiska.

    Ma wadan warqado aqoonsi ah markii la xirayay, balse waxa uu booliiska u sheegay in uu yahay 26 jir u dhashay dalka Masar, sida ay sheegtay warbaahintu. Waxaana uu ku sii jiraa xabsiga.

  15. Trump ayaa sheegay in ‘heshiis nabadeed oo weyn’ lagu saxiixi doono Malaysia

    Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa hadda ka soo degay diyaarada Air Force One ka dib markii uu gaaray garoonka caalamiga ah ee Kuala Lumpur, waxaana halkaas ku soo dhaweeyay Ra’iisul Wasaaraha Malaysia Anwar Ibrahim.

    Waxaa uu gacan qaaday wasiirro iyo saraakiil sar sare oo ka tirsan dowladda Malaysia oo halkaas ku soo dhaweeyey.

    Trump ayaa Malaysia u gaaray si goob joog ugu noqdo saxiixa heshiis nabadeed oo ay wada gaaraan dalalka Thailand iyo Cambodia ka dib dagaalkii xadka ee dhexmaray bishii Luulyo.

    Mr Trump ayaa ku tilmaamay "heshiis nabadeed oo weyn oo uu ku faanay inuu dhexdhexaadinayey."

    Sidoo madaxwene Trump waxa uu ka qayb gelayaa shirka madaxda Ururka Koonfur Bari Aasiya (ASEAN), iyo sidoo kale wadahadal uu la yeellanayo hoggaamiyaha Shiinaha, Xi Jinping, halkaas oo ay labadooduba uga qayb gelayaan shirka iskaashiga dhaqaalaha ee Asia-Pacific (APEC). Mr. Trump waxa kale oo uu booqan doonaa Japan.

    .
    Qoraalka sawirka, .