TOOS , Xuutiyiinta oo weeraray warshadda sifaynta shidaalka ee ugu weyn Sacuudiga.

Xuutiyiinta Yemen ayaa sheegay inay weerareen warshadda sifeynta shidaalka ee Ras Tanura iyo xarunta maaliyadeed ee magaalada Riyadh ee dalka Sacuudiga.

Kooban

Tebin toos ah

  1. Iiraan oo sheegtay inay diyaar u tahay inay wajahdo cunaqabateynta Mareykanka, iyadoo isku dayaysa inay xakamayso sicir-bararka

    Madaxweyne ku-xigeenka koowaad ee Iiraan ayaa Arbacadii sheegay in Tehran aysan ka walaacsanayn xayiraadda militari ee Mareykanku ku soo rogay dekedaha dalkaas. Waxa uu xusay in si weyn uu u kordhay dhoofinta badeecadaha ee mara xuduudaha kale ee dalka. Waxa uu sidoo kale sheegay in dowladdu ay qaadayso tallaabooyin lagu xakameynayo sicir-bararka.

    Mareykanka ayaa bishii Luulyo dib u soo celiyay xayiraaddii dhinaca badda ee dekedaha Iiraan. Horaantii bishan, wuxuu ku dhawaaqay howlgal militari oo loogu magac daray Task Force Iron Gate, kaas oo ujeeddadiisu tahay in laga hortago isu-socodka hubka iyo badeecadaha cunaqabateyntu saaran tahay ee mara xuduudaha dhulka ee Iiraan iyo Badda Caspian.

    Iiraan ayaa wajahaysa mid ka mid ah xilliyadii ugu adkaa ee sicir-bararka ba'an muddo tobannaan sano ah. Xaaladdan waxaa sii xumeeyay dagaalka Iiraan iyo Ciraaq oo socday ku dhowaad sagaal bilood, iyadoo qiimaha cuntadu uu si ka dhaqso badan u kordhayo.

    “Kororka badeecadaha laga dejiyo laguna raro dekedaha dalka, iyadoo la adeegsanayo xuduudaha aan dhanka koonfureed ahayn, wuxuu muujinayaa inaanan ka walaacsanayn xayiraadda militari ee dhinaca badda ee cadowgu nagu soo rogay,” ayuu yiri Mohammad Reza Aref.

    Waxa uu intaas ku daray in kaydka dalka ee badeecadaha muhiimka u ah istaraatiijiyadda uu wanaagsan yahay, isla markaana badeecadahaasi si badan loo heli karo. Hase yeeshee, ma uusan soo bandhigin tirooyin caddeynaya sheegashadiisa.

    Aref ayaa sheegay in dowladdu ay doonayso inay ka hortagto kororka qiimaha badeecadaha daruuriga ah ugu yaraan saddexda bilood ee soo socda.

    Kulan kale oo gaar ah, madaxweynaha Iiraan Masoud Pezeshkian ayaa sheegay in dowladdu ay raadinayso habab lagu kordhinayo qaybta miisaaniyadda iyo lacagaha laga kaydiyo isticmaalka tamarta ee loo weecinayo horumarinta nolosha dadka ku nool deegaannada dakhligoodu hooseeyo.

    Sida ay sheegtay Xarunta Tirakoobka Iiraan, qiimaha badeecadaha iyo adeegyada ee bisha Oktoobar ayaa 88.7 boqolkiiba ka sarreeyay isla muddadii sannadkii hore.

    Dhanka kale, celceliska sicir-bararka sannadlaha ah ayaa gaaray 76.8 boqolkiiba, halka qiimaha cuntada iyo cabitaannadu uu sannad gudihii kordhay 112.6 boqolkiiba.

    Sii akhri sheekooyinka kale

    Maraakiib
    Qoraalka sawirka, Maraakiib
  2. Safiirka Mareykanka: Washington waxay taageeraysaa dhammaan dadaallada lagu jarayo ilaha dhaqaale ee Xuutiyiinta

    .
    Qoraalka sawirka, .

    Danjiraha Mareykanka ee Yemen ayaa sheegay in dalkiisu taageerayo dhammaan dadaallada lagu joojinayo ilaha dhaqaale ee Xuutiyiinta.

    Safaaradda Mareykanka ee Yemen ayaa baahisay sawir muujinaya ku-simaha safiirka, Neil Hope, iyo wasiirka shidaalka Yemen, Mohammed Bamqa.

    Safaaraddu waxay sheegtay inay wada hadal miro-dhal ah la yeesheen wasiirka, kaas oo looga hadlay xasilinta waaxda shidaalka iyo gaaska iyo xaaladda dhaqaale ee Yemen.

    “Dowladda Mareykanku waxay si xooggan u taageeraysaa dhammaan dadaallada lagu jarayo ilaha dhaqaale ee Xuutiyiinta, kuwaas oo ay ku maalgeliyaan falalkooda rabshadaha wata ee ka dhanka ah shacabka Yemen iyo gobolka.”

    Sii akhri sheekooyinka kale

  3. Dowladda Suudaan oo diidday baaqa Itoobiya ee nabadda

    Jeneraal Cabdifitaax Al-Burhaan iyo Abiy axmed
    Qoraalka sawirka, Jeneraal Cabdifitaax Al-Burhaan iyo Abiy axmed

    Dowladda Suudaan ee uu hoggaamiyo Jeneraal Cabdifitaax Al-Burhaan ayaa diidday baaq uu Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, u jeediyay dhinacyada ku dagaallamaya Suudaan, kaas oo ahaa in la qabto wadahadallo dib-u-heshiisiin ah.

    Suudaan ayaa diidmadeeda ku sababaysay shaki ay ka qabto madax-bannaanida Itoobiya iyo sida ay u ixtiraamayso madaxbannaanida Suudaan.

    Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa Talaadadii ugu baaqay dhammaan dhinacyada milatariga, siyaasadda iyo rayidka ee Suudaan inay ka qaybgalaan wadahadalka.

    Waxa uu sheegay in dowladda Itoobiya ay diyaar u tahay inay martigeliso oo isku dubbariddo wadahadallada, iyadoo kharashkooda iska bixinaysa, si loo helo nabad waarta oo soo afjarta dagaalka.

    War ay soo saartay dowladda Suudaan ayaa lagu sheegay inaysan ku qanacsanayn madax-bannaanida iyo ixtiraamka ay dowladda Itoobiya u hayso xuduudaha qarannimo ee Suudaan.

    Waxay intaas ku dartay in arrimahaasi ay yihiin shuruudo muhiim u ah in Itoobiya ay door ku yeelato geeddi-socodka wadahadallada.

    Dowladda Suudaan ee uu hoggaamiyo Al-Burhaan ayaa marar badan Itoobiya ku eedeysay inay taageerto ciidamada gurmadka degdegga ah ee RSF, isla markaana qaar ka mid ah weerarrada diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee lagu qaaday Suudaan ay ka soo duuleen gudaha Itoobiya.

    Itoobiya ayaa si adag u beenisay eedeymahaas, iyadoo sheegtay inay doonayso xoojinta xiriirka taariikhiga ah iyo saaxiibtinimada ka dhexaysa shucuubta labada dal.

    Sii akhri sheekooyinka kale

  4. Garsoorayaasha Israa’iil oo xeer-ilaaliyeyaasha kula taliyay inaysan Netanyahu ku soo oogin dacwado la xiriira laaluush

    Benjamin Netanyahu
    Qoraalka sawirka, Benjamin Netanyahu

    Garsoorayaasha qaadaya dacwadda musuqmaasuqa ee ra’iisul wasaarihii hore ee Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa bixiyay talo iyaga oo xeer-ilaaliyeyaasha, kula taliyay inaysan ku soo oogin dacwado la xiriira laaluush.

    Garsoorayaasha maxkamadda qaadaysa dacwadda Netanyahu ayaa la sheegay inay xeer-ilaaliyeyaasha u sheegeen in fursadda lagu heli karo xukun dembi.

    Kiiska labaad, garsoorayaashu waxay su’aal geliyeen in falalka Netanyahu uu gaarsiisan yahay heer dembi.

    Kiiska saddexaad, oo la xiriira eedeynta ah inuu qaatay hadiyado qaali ah, garsoorayaashu waxay soo jeediyeen in lala galo heshiis garnaqsi ah oo lagu soo afjarayo dacwadda.

    Xeer-ilaaliyaha guud ee Israa’iil ayaa sheegay inuu dib u eegi doono talooyinkaas.

    Arrimahan ayaa soo baxay xilli Netanyahu uu u halgamayo sidii uu u badbaadin lahaa mustaqbalkiisa siyaasadeed, kaddib doorashadii guud ee bishii hore, taas oo aanu xisbi keliya ku helin aqlabiyadda looga baahan yahay inuu keligiis dowlad soo dhiso.

    Gadi Eisenkot, oo ah siyaasiga ay loollamaan, ayaa loo xilsaaray dhismaha dowladda kaddib doorashada.

    Sii akhri sheekooyinka kale

  5. Xuutiyiinta oo ku hanjabay inay weerari doonaan dekedaha dalka Sacuudiga

    Xuutiyiinta
    Qoraalka sawirka, Xuutiyiinta

    Xuutiyiinta Yemen ayaa ku hanjabay inay bartilmaameedsan doonaan dhammaan dekedaha Sacuudiga ee ku yaalla xeebta Badda Cas, kaddib markii isbahaysiga milatari ee uu Sacuudigu hoggaamiyo, kaas oo taageera dowladda Yemen ee caalamku aqoonsan yahay, uu sheegay inuu howlgallo ka fuliyay gobollada Hodeidah, Saada iyo Amran ee Yemen.

    Afhayeenka milatariga Xuutiyiinta, Yahya Saree, ayaa bayaan uu ku baahiyay barta X ku sheegay in haddii isbahaysiga Sacuudigu uu fuliyo hanjabaaddiisa ah inuu duqeeyo dekedda Hodeidah, ciidamada Xuutiyiintu ay bartilmaameedsan doonaan dekedda Jeddah iyo dhammaan dekedaha Sacuudiga ee ku yaalla xeebta Badda Cas.

    Wuxuu kula taliyay dadka ka shaqeeya dekedaha Sacuudiga inay si degdeg ah uga baxaan goobahaas.

    “Waxaan uga digeynaa shaqaalaha iyo dadka ka hawlgala dekedahan, iyo sidoo kale dadka ku sugan agagaarkooda, inay si degdeg ah uga baxaan oo ay ka fogaadaan,” ayuu yiri.

    Sidoo kale, Xuutiyiinta ayaa shirkadaha maraakiibta ka codsaday inay si degdeg ah maraakiibtooda uga saaraan dekedahaas.

    Sii akhri sheekooyinka kale

  6. Mareykanka oo ku dhawaaqay canshuuro cusub oo lagu soo rogayo dalalka uu ganacsiga la leeyahay

    War deg deg ah
    Qoraalka sawirka, War deg deg ah

    Mareykanka ayaa ku dhawaaqay canshuuro cusub oo kala duwan, kuwaas oo lagu soo rogayo qaar ka mid ah dalalka ugu waaweyn ee uu ganacsiga la leeyahay.

    Canshuurahan ayaa la soo rogay kaddib baaritaan lagu sameeyay awoodda wax-soo-saarka xad-dhaafka ah iyo wax-soo-saarka warshadaha ee dalalkaasi, kaas oo lagu sameeyay qodobka 301-aad ee sharciga ganacsiga Mareykanka.

    Dalalka baaritaanka lagu sameeyay waxaa ka mid ah Shiinaha, Midowga Yurub, Singapore, Switzerland, Indonesia, Malaysia, Cambodia, Thailand, Kuuriyada Koonfureed, Vietnam, Taiwan, Bangladesh, Japan iyo Hindiya.

    Canshuuraha kala duwan ayaa lagu dabaqi doonaa dal kasta iyo badeecadaha uu u dhoofiyo Mareykanka.

    Shiinaha ayaa wajahaya canshuurta ugu sarreysa oo gaareysa ilaa 40%, waxaana ku xiga Vietnam oo canshuurta lagu soo rogi karo ay gaareyso ilaa 35%. Dalalka kale qaarkood waxaa lagu soo rogi doonaa canshuur dhan 20% ama 25%.

    Hase yeeshee, canshuuraha qaarkood ayaa dhab ahaantii ka yaraan doona heerarkan, sababo la xiriira xaddidaadaha canshuuraha ee uu madaxweyne Donald Trump horey ugu heshiiyay dalalka qaarkood.

    Sii akhri sheekooyinka kale

  7. Lieberman oo xulafo siyaasadeed la ah Eisenkot :Ma jirto sabab Iran hadda weerar loogu qaado

    Waxaan horay u soo sheegnay in wasiirka difaaca Israa’iil uu Iran ku eedeeyay inay horumarinayso hub kiimiko ah, isla markaana uu ka hadlay muhiimadda ay leedahay in weerar lagu qaado dalkaas.

    Hase yeeshee, mid ka mid ah xulafada ugu muhiimsan ee Gadi Eisenkot, oo loo xilsaaray dhismaha dowladda cusub, ayaa diiday in Iran si degdeg ah weerar loogu qaado.

    Avigdor Lieberman, oo shalay saxiixay heshiis uu kaga mid noqonayo isbahaysiga uu hoggaamiyo Gadi Eisenkot, ayaa sheegay in ra’iisul wasaaraha ku-meelgaarka ah Benjamin Netanyahu iyo wasiirka difaaca Israel Katz ay aad ugu hamuun qabaan xukunka, ilaa heer ay “miyirkooda lumiyeen”.

    Qoraal uu ku baahiyay barta X ayuu ku yiri:“Hubka kiimikada ah ee gacanta Iran ku jira waa arrin halis ah, balse marka laga eego dhinacyada sirdoonka iyo awoodda hawlgalka, ma jirto sabab loo qaado weerar madax-bannaan oo degdeg ah oo Israa’iil ku qaaddo Iran muddada dhow.”

    Avigdor Lieberman ayaa hore u ahaa xulafo dhow oo Benjamin Netanyahu ah, wuxuuna muddo soo noqday wasiirka arrimaha dibadda ee Israa’iil. Wuxuu xilligaas aragtiyo la mid ah kuwa Netanyahu qabay, balse markii dambe wuxuu noqday mid ka mid ah dadka sida weyn u dhaliila.

    Sii akhri sheekooyinka kale

  8. Sawirrada dayax-gacmeed oo muujinaya qiiq ka baxaya warshadda sifeynta shidaalka ee Ras Tanura, Sacuudiga

    Qiiq
    Qoraalka sawirka, Qiiq

    Xuutiyiinta Yemen ayaa sheegay inay weerareen warshadda sifeynta shidaalka ee Ras Tanura iyo xarunta maaliyadeed ee magaalada Riyadh ee dalka Sacuudiga.

    Yahya Saree, oo ah afhayeenka milatariga Xuutiyiinta, ayaa sheegay in weerarka lagu qaaday warshadda shidaalka uu sababay dab, isla markaana xarunta maaliyadeed ee Riyadh lagu weeraray saddex marxaladood.

    Warshadda sifeynta shidaalka ee Ras Tanura, oo ah tan ugu weyn Sacuudiga, ayaa ka mid ah xarumaha ugu muhiimsan ee dalkaasi uu shidaalka ceyriin laga hoofiyo suuqyada caalamka.

    Isbahaysiga uu Sacuudigu hoggaamiyo ayaa horay u sheegay in nidaamyadiisa difaaca cirka ay qabteen oo burburiyeen afar diyaaradood oo aan duuliye lahayn, kuwaas oo lagu arkay agagaarka Ras Tanura ee gobolka Bari ee Sacuudiga.

    Nidaamka NASA ee la socda dababka ayaa diiwaangeliyay koror heerkulka ah oo laga arkay aagga warshadaha Ras Tanura.

    Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sidoo kale baahisay sawir dayax-gacmeed oo muujinaya qiiq cirka isku shareeray.

    Waxay ku qiyaastay in aagga uu qiiqa madow ku fiday uu gaarayo ku dhowaad 600 oo kiiloomitir oo laba jibbaaran.

    Sii akhri sheekooyinka kale

  9. War deg deg ah, Xog sir ah oo la soo dusiyay oo sheegaysa in ciidamada Ruushku ay la kulmeen dhimasho badan

    .

    Xog dowladeed oo laga helay Ruushka, isla markaana la dusiyay, ayaa muujinaysa in ku dhowaad 500,000 oo askari oo Ruush ah ay dhinteen tan iyo markii uu billowday dagaalka Ukraine.

    Laanta BBC-da ee afka Ruushka ayaa falanqeysay diiwaanno dhimasho oo ay weeraryahanno dhanka internetka ah ka heleen Belarus iyo Ukraine, kuwaas oo muujinaya baaxadda khasaaraha ciidamada Ruushka.

    Xogta ayaa tilmaamaysa in ku dhowaad 20,000 oo askari oo Ruush ah lagu dilay dagaallo lagu doonayay in lagu qabsado toban tuulo oo keliya, kuwaas oo tirada dadkoodu ka hor dagaalka aanay ka badnayn 12,000 oo qof.

    Dowladda Ruushka ayaan ilaa hadda si rasmi ah u shaacin tirada askarta looga dilay ama looga dhaawacay dagaalka Ukraine.

  10. War deg deg ah, Ra'iisul Wasaare Abiy oo qaaday tallaabo muhiim u dalka Suudaan

    Abiy Axmed

    Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, ayaa ugu baaqay dhinacyada siyaasadeed, milatari iyo bulshada rayidka ah ee Suudaan inay ka qaybqaataan wadahadallo nabadeed oo uu dalkiisu martigelinayo, si loo soo afjaro dagaalka dalkaas ka socda.

    Farriin uu ku baahiyay baraha bulshada, kuna qoray afka Carabiga, ayuu Abiy ku sheegay in dowladda Itoobiya ay diyaar u tahay inay kharashkeeda ku martigeliso shir ay isugu yimaadaan dhammaan dhinacyada Suudaan, si loo helo xal siyaasadeed oo lagu soo afjaro colaadda.

    Wuxuu sheegay in dagaalka Suudaan oo galay sannadkiisii afraad uu sababay burbur xooggan iyo masiibo bani’aadannimo oo sii xumaanaysa, taas oo saameyn ku yeelan karta dalalka gobolka.

    Abiy ayaa xusay xiriirka taariikhiga ah ee ka dhexeeya Itoobiya iyo Suudaan, isaga oo sheegay in labada dal ay wadaagaan xiriir bulsho, derisnimo iyo danaha gobolka. Wuxuu intaas ku daray in Itoobiya ay masuuliyad ka saaran tahay inay ka qaybqaadato dadaallada lagu doonayo nabadda Suudaan.

    Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu ugu baaqay ciidamada milatariga, xisbiyada siyaasadda iyo ururrada bulshada rayidka ah inay ka qaybqaataan wadahadallo loo dhan yahay oo furan, kuwaas oo ujeeddadoodu tahay joojinta dagaalka, colaadda iyo kala qaybsanaanta, iyo in la gaaro heshiis qaran oo saldhig u noqda nabad waarta.

    Wuxuu carrabka ku adkeeyay in hindisaha Itoobiya aanu ahayn mid dano siyaasadeed ama faa’iido gaar ah laga leeyahay, balse dalkiisu diyaar u yahay inuu dhex-dhexaad ka ahaado dhinacyada, isla markaana abuuro jawi ay si daahfuran oo ixtiraam leh ugu wada hadli karaan.

    Baaqan ayaa imanaya xilli dowladda Suudaan ay Itoobiya ku eedeysay inay la shaqeyso xoogagga RSF, eedeymahaas oo dowladda Itoobiya ay beenisay.

    Abiy ayaa sidoo kale beesha caalamka, dalalka saaxiibka ah iyo ururrada gobolka iyo kuwa caalamiga ah ugu baaqay inay taageeraan dadaallada nabadeed iyo gurmadka bani’aadannimo ee loogu gargaarayo dadka ay saameeyeen dagaallada, oo ay ku jiraan barakacayaasha iyo qaxootiga.

    Wuxuu sheegay in nabadda Suudaan aanay ahayn oo keliya arrin dan u ah dalkaas, balse ay muhiim u tahay amniga iyo xasilloonida Itoobiya iyo guud ahaan gobolka.

    Sii akhri sheekooyinka kale

  11. War deg deg ah, Israa'iil oo eedeyn culus oo aaney caddeyn u keenin u jeedisay

    Isreal

    Wasiirka Difaaca Israa’iil, Israel Katz, ayaa Iiraan ku eedeeyay inay horumarinayso hubka kiimikada, isaga oo sheegay in Israa’iil aanay oggolaan doonin in Tehran ay hesho awooddaas.

    Katz ayaa eedeyntan u sheegay saxafiyiin Israa’iiliyiin ah intii uu socday kulan warbixin ah oo Talaadadii qabsoomay, hase yeeshee ma uusan soo bandhigin wax caddeyn ah oo taageeraya sheegashadiisa.

    Sida ay baahisay BBC Persian, hadalka Katz waxaa sidoo kale qoray warbaahinno kale oo Israa’iil laga leeyahay, oo ay ku jiro telefishinka dowladda ee Kan.

    Horey ayay warbaahinta Israa’iil u tabisay in saraakiisha dalkaasi ay Mareykanka la wadaageen xog ku saabsan suuragalnimada in Iiraan ay samaysato hub kiimiko ah.

    Dhanka kale, Iiraan ayaa si joogto ah u beenisay eedeymaha noocaas ah.

    Sii akhri sheekooyinka kale

  12. War deg deg ah, Markabkii Ruushka ee Liibiya lagu weeraray oo faahfaahin dheeraad ah laga helay

    .

    Saraakiil Liibiyaan ah ayaa sheegay in laba askari oo ka tirsan ciidamada dalkaas lagu dilay weerar diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Ukraine ay Axaddii ku qaadeen markab laga leeyahay Ruushka, kaas oo ku sugnaa dekedda Benghazi.

    Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in ugu yaraan 10 qof ay ku dhaawacmeen weerarka.

    Dowladda fadhigeedu yahay bariga Liibiya iyo dowladda caalamku aqoonsan yahay ee xarunteedu tahay Tripoli ayaa labaduba cambaareeyay weerarka.

    Sii akhri sheekooyinka kale

  13. Dib u milicso: markii Fahad Yaasiin shaqo joojinta lagu sameyay ee Farmaajo xil kale u magacaabay

    Farmaajo

    Warbixintaan waa mid hore maaha mid hadda ah sidaas la soco:

    Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) ayaa taliyihii shaqa joojinta lagu sameeyay ee Fahad Yaasiin u magacaabay la-taliyihiisa amniga qaranka.

    Ra'iisal wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, ayaa Isniintii shaqo joojin ku sameeyay Fahad Yaasiin oo sanadihii dambe ahaa agaasimaha hay'adda sirdoonka Soomaaliya ee NISA.

    Fahad iyo hay'adda uu hogaaminayay ayaa lagu eedeeyay kiiska Ikraan Tahliil oo la la'aa muddo dhowr bilood ah. NISA ayaa sheegtay in gabadhaas ay dileen xooggaga Al-Shabaab, warkaas oo uu beeniyay ururka dagaalka kula jira xukuumadda Soomaaliya iyo ajaaniibta taageerta.

  14. War deg deg ah, Agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin oo weerar afka ah ku qaaday madaxweyne hore Farmaajo

    Fahad Yaasiin

    Agaasimihii hore ee Hay’adda Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ee Nisa, Fahad Yaasiin, ayaa dhaliilay soo dhweyntii madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu soo dhaweyay aqbalaadda Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni in uu booqasho ku yimaaddo Muqdisho.

    Qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook, ayuu Fahad Yaasiin, isku waydiyay su’aashaan“ Saaxiibkay hore Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, aaway wadaniyaddii iyo shisheeye nacaybkii muddo dheer astaanta siyaasadeed u ahayd”?.

    Wuxuu sidoo kale muujiyay in tallaabada Farmaajo ku soo dhaweyay imaanshiyaha Muqdisho ee madaxweynaha Uganda iyo arrinta uu imaanayo in ay tahay wax aan laga fileynin,”“run ahaantii, lagama filaynin inuu si fudud uga guurayo mabaadi’dii siyaasadeed ee ay dad badan darteed ku taageereen. Dadka qaar waxay moodayeen inuusan sidaas mutuxan banaanka isku soo dhigaynin.

    Madaxweyne hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa qoraal uu soo saaray ku tilmaamay in tallaabada madaxweynaha Uganda ay tahay mid muhiim ah isagoo yiri:" waa mid muhiimadda u leh dalka si loo helo wadahadallo dhab ah oo loo dhan yahay, kuna qotoma dastuurka iyo go’aanka Maxkamadda Sare ee ka dhanka ah muddo kororsiga sharci darrada ah ee Madaxweynaha".

    Hase-yeeshee Fahad Yasiin, ayaa nasiib darro ku tilmaamay hadalka madaxweyne hore Farmaajo oo mar ay aad isugu dhawaayeen: “taagero badan oo uu shacabka Soomaaliyeed ka helay Madaxweyne Farmaajo waxaa saldhig u ahaa diidmadii ka dhalatay 2011. Waa nasiib darro in sanadka 2026, uu Madaxweyne Farmaajo soo dhaweeyo , iyadoo Xasan lagu xumaynayo”. Wuxuu intaa raaciyay”Wadaniyadda waa mabaadi’ ee maahan afkaar is rog-rogta oo hadba danta shakhsiga ah la jaanqaadda ama Aqalka Madaxtooyada logu soo hilmaamo”.

    Fahad Yasiin ayaa la soo shaqeyay dowladdii madaxweyne hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxaana ka mid ahaa xilalka uu ka soo qabtay agaasimaha Hay'adda Sirdoonka Qaranka ee Nis, waxaana markaa dadka ka aragtida duwanaa maamulkiisii ku tilmaami jireen Fahad ninkii ugu awodda badanaa dowladdaas.

    Sii akhri sheekooyinka kale

  15. War deg deg ah, Dowladda Imaaraadka oo ammaantay tallaabo ay qaadeen dalal qaarkood Soomaaliya deris la yihiin

    Imaaraadka

    Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa si diirran u soo dhaweeyay heshiiska ay gaareen dowladaha Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo iyo Kenya ee ku aaddan dib u soo celinta xiriirkooda diblomaasiyadeed, iiyadoo ku tilmaantay tallaabo lagu xoojinayo nabadda iyo xasilloonida qaaradda Afrika.

    Imaaraadku wuxuu ammaanay dadaallada iyo hoggaaminta madaxweyne William Ruto ee Kenya iyo madaxweyne Félix Tshisekedi ee Congo.

    Wasaaradda Arrimaha Dibadda Imaaraadka ayaa sheegtay in dalku xiriir taariikhi ah oo qoto dheer la leeyahay Kenya iyo Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo, ayna ka go’an tahay xoojinta iskaashiga, wada-hadalka iyo dadaallada lagu horumarinayo amniga, nabadda iyo horumar waara.

    Warar kale oo dheeraad ah

  16. War deg deg ah, Trump oo ku dhawaaqay war cusub oo ku saabsan dagaalka Iran iyo sanadka soo socda

    Trump

    Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in dhaqaalaha lagu maalgelinayo dagaalka Iiraan la sii diyaariyay ilaa dhammaadka bisha Janaayo ee sannadka 2027.

    Wareysi uu siiyay wargeyska New York Post ayuu Trump ku sheegay in ciidamada Mareykanka ay haystaan dhaqaale ay ku sii wadaan howlgallada milatari muddadaas.

    Wuxuu sidoo kale ka digay in haddii xisbiga Dimuqraadiga uu bisha Janaayo la wareego gacan ku haynta Kongareeska, ay xaddidi karaan awoodda maamulkiisa ee sii wadista dagaalka.

    Trump ayaa ku andacooday in Mareykanku guul ka gaaray dagaalka, balse uu sheegay in ujeeddadiisa ugu weyn ay tahay in Iiraan laga hor istaago inay hesho hub nukliyeer ah, ee aysan ahayn in xukunka dalkaas la beddelo.

    Hadalka Trump ayaa imanaya iyadoo kharashka dagaalka iyo mustaqbalkiisa ay dood ka dhex abuureen siyaasiyiinta Mareykanka.