Maxay suurtagal u tahay in Canada ay xaraashto ama la wareegto hantida Iraan ka taal dibadda?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Maxkamad ku taal dalka Canada ayaa 84 milyan oo doolar iyo lacago dulsaar ah u xukuntay qoysaska lix qof oo ku dhintay diyaarad sanadkii 2020 lagu soo riday meel u dhow magaalada Tehran ee dalka Iran.
Xubnaha qoyskani ay maxkamadda sare ee caddaaladda ee Ontario ay lacagtaasi u xukuntay ayaa shilkaasi ku waayay eheladooda.
Diyaarada Ukraine International Airlines ee tirsigeedu ahaa PS752 ayaa lagu dhuftay labo gantaal kaddib markii ay duushay garoonka magaalada Tehran. Dowladda Iran ayaa sheegtay in diyaaradan ay ku khalaldantay oo ay u maleysay gantaal uu ku soo riday Mareykanka.
Dhammaan 176-kii qof ee saarnaa diyaaraddaasi ayaa shilkaasi ku dhintay.

Xigashada Sawirka, EPA
Dadkaasi waxaa ku jiray 55 qof oo reer Caanda ah iyo 35 qof oo kale oo haystay degganaashaha rasmiga ah ee dalkaasi Canada. Ehelada dadkani dhintay ayaa dacwad madani ah ka gudbiyay Iran iyo saraakiil kale oo ay sheegeen in ay mas'uul ka yihiin dhacdadaasi.
Ilaa hadda si rasmi ah looma oga sida lacagtan looga qaadi doono dowladda Iran balse qareenka u doodaya qaraabada dadka dhintay, Mark Arnold, ayaa sheegay in kooxdiisu ay eegi doonto suurtagalnimada in la xaraasho oo lala wareegto hantida dowladda Iran ka taal dalka Canada iyo waddamada kale ee dibadda sida maraakiibta sida saliidda.
Sida ay sheegtay warbaahinta dowladda Canada, waa markii ugu horreysay oo magdhow la siiyo qoysaska dhibanayaasha shilkaasi diyaaradeed, waxana ay intaa ku dartay in Iran aysan iska difaacin maxkamadda xukunkaasi ku ridday.

Xigashada Sawirka, Reuters
Warbixin ay soo saartay dowladda Canada Sanadkii la soo dhaafay ayay ku sheegtay in Iran ay si buuxda mas'uul uga ahayd soo rididda diyaaraddaasi laga lahaa Ukraine, waxa ayna sheegtay in ay ka dhalatay "karti la'aan" iyo "taxaddar la'aan" ka timid dowladda Iran.
Mas'uuliyiinta dowladda Iran ayaa markii hore beeniyay mas'uuliyadda dhacdadaasi oo dhacday 8-dii Janaayo 2020.
Haseyeeshee caddaymo badan kaddib, ciidanka cirka ee ilaalada kacaanka ayaa sheegay in cutubka difaaca hawada ee ciidamadaasi ay diyaaraddaasi ku khaldeen in ay tahay gantaalka uu ku soo riday Mareykanka.
Ciidamada difaaca cirka ee Iran ayaa xilligaasi heegan sare ku jiray maadaama waddankaasi uu xilligaa gantaallada riddada dheer ku garaacay laba saldhig oo ciidamada Ciraaq ay ku leeyihiin gudaha Ciraa isla markaana ay ku sugnaayeen ciidamo Maraykan ah.
Arrintaasi ayaa aargoosi u ahayd dilkii Jeneraalkii ugu sarreeyay Iran, Qasem Suleymaani oo shan maalmood ka hor ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Maraykanka ku dileen magaalada Baqdaad.





















