Itoobiya oo u soo dhigatay saraakiishii hore ee ciidammada

Sareeye Gaas Kinfe Dagnew
Qoraalka sawirka, Sareeye Gaas Kinfe Dagnew
Published
Waqtiga akhriska: 1 daqiiqo

Madaxii hore ee Shirkadda Injineeriyadda iyo biraha ee ciidammada Itoobiya hoostagta ayaa la xiray, maalin ka dib markii xeer Ilaaliyaha Guud uu sheegay in baaritaan la sameeyay lagu ogaaday musuqmaasuq hareeyay shirkadda, sida ay ku warrantay warbaahinta Fana ee lala xiriiriyo dawladda.

Sareeye Gaas Kinfe Dagnew ayaa la qabtay insaga oo isku dayaya in uu Suudaan u tallaabo isaga oo sii marayay magaalada waqooyiga ku taalla ee Humera ee gobolka Tigreega.

Waxaa la filayaa in uu maxkamad ka soo muuqan doono wax aan ka badnayn 48 saac ka dib, sida warbixintaas lagu sheegay.

Xeer ilaaliyaha Guud Berhanu Tsegaye ayaa Isniintii sheegay in la xiray 28 ruux oo lala xiriiriyay musuqmaasuqa shirkadda Metec.

Dadka laga shakisan yahay ayaa maxkamad la horkeenay waxaase dhagaysiga laga dhigay 26 Nofeembar.

Ka bood X boggan
Oggolow X macluumaadka

Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

Digniin: Waxaa suuragal ah in macluumaadka dad kale ay ku jiraan xayaysiin

Dhammaadka X boggan

Metec ayaa mar haysatay qandaraaska lagu dhisayo biyo xireenka wayn ee Abay looga yaqaanno dalka Itoobiya, balse waxaa bishii Agoosto ka kansalay ra'iisulwasaaraha isbadalka wada ee Itoobiya Abiy Axmed.

Berhanu ayaa saraakiishaas ku eedeeyay in ay wax isdabo marin ku sameeyeen dhaqaalihii hawshaas loogu talagalay.

Soddon iyo lix sarkaal oo kale oo laamaha ammaanka iyo sirdoonka isugu jira ayaa loo xiray eedaymo ka dhan ah xuquuqda aadanaha

Isbadallo waawayn ayaa Itoobiya ka dhacay tan iyo markii uu xilka qabtay Abiy bishii Abriil.

Wuxuuna xayiraaddii ka qaaday xisbiyadii siyaasadee, wuxuuna sii daayay maxaabiistii siyaasadeed, wuxuuna heshiis nabadeed la galay dalka Eritrea oo ay inbadan colaadi dhextaalay.