Somaliland oo sameysatay baasaboor cusub

Published

Somaliland ayaa waxay markii ugu horreysay bilowday inay dadku qaataan baasaboor cusub oo ah E-passport oo somaliland u gaar ah. madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo ayaa bassportkii ugu horeeyay qaatay.

Haddaba sidee u shaqeynayaa E-Bassportkan Somaliland iyadoo aan la aqoonsan? muxuuse kaga duwanyihiin passport-kii hore ee caadiga ahaa ee Somaliland samaysatay 1996?

Weriyaha BBC ee Hargeysa Axmed Saciid Cige ayaa booqday xarunta waaxda socdaalka Somaliland ee laga soo saaro E-Bassportkan cusub , wuxuuna nooga soo diray warbixintan.

Madaxweynaha Somaliland oo noqday qofkii ugu horeeyay ee qaata E-baasaboor.
Qoraalka sawirka, Madaxweynaha Somaliland oo noqday qofkii ugu horeeyay ee qaata E-baasaboor.
Baasaboorka cusub ee Somaliland ay sameysatay
Qoraalka sawirka, Baasaboorka cusub ee Somaliland ay sameysatay
Qeybta gudaha ee Baasaboorka cusub sidan ayuu u eg yahay
Qoraalka sawirka, Qeybta gudaha ee Baasaboorka cusub sidan ayuu u eg yahay
baasaboor ka ayaa ah seddax nooc oo kala ah, sida Diblumaasi, shaqaalaha dowladda iyo dadka rayidka ah
Qoraalka sawirka, baasaboor ka ayaa ah seddax nooc oo kala ah, sida Diblumaasi, shaqaalaha dowladda iyo dadka rayidka ah