Dadka ka badbaaday dhibaatada Afrikada Dhexe

Published

Dadka ka badbaaday dhibaatada Afrikada Dhexe

Kimene Kapakanale, oo 22 sano jir ah, waxay ka mid tahay dumarka nasiibka badan ee Jamhuuriyadda Afrikada dhexe. Waxay ku dhashay isbitaal, dumarka intooda badan ma helaan fursad taas la midh ah.
Qoraalka sawirka, Kimene Kapakanale, oo 22 sano jir ah, waxay ka mid tahay dumarka nasiibka badan ee Jamhuuriyadda Afrikada dhexe. Waxay ku dhashay isbitaal, dumarka intooda badan ma helaan fursad taas la midh ah.
Kapakanale iyo qoyskeeda waxay ku nool yihiin magaalada Obo, oo ay ka howlgalaan dagaallamayaasha fallagada LRA, ee ka soo jeeda dalka Ugaandha, waxay sheegaysaa in magaalada ay ka go'antahay dalka intiisa kale.
Qoraalka sawirka, Kapakanale iyo qoyskeeda waxay ku nool yihiin magaalada Obo, oo ay ka howlgalaan dagaallamayaasha fallagada LRA, ee ka soo jeeda dalka Ugaandha, waxay sheegaysaa in magaalada ay ka go'antahay dalka intiisa kale.
Qeybaha kale ee dalka, beeca cuntada ayaa cirka isku shareeray, siiba magaalada Batalimo. Takhtar ayaa Isbitaalka magaalada ku daweynaya dad ka soo cararay qalalaasaha Jamhuuriyadda Dimuquraadiga ee Kongo.
Qoraalka sawirka, Qeybaha kale ee dalka, beeca cuntada ayaa cirka isku shareeray, siiba magaalada Batalimo. Takhtar ayaa Isbitaalka magaalada ku daweynaya dad ka soo cararay qalalaasaha Jamhuuriyadda Dimuquraadiga ee Kongo.
Boobka ka socda magaalooyinka ayaa ku qasbay shaqaalaha caafimaadka inay ka tegaan goobaha shaqada.
Qoraalka sawirka, Boobka ka socda magaalooyinka ayaa ku qasbay shaqaalaha caafimaadka inay ka tegaan goobaha shaqada.
Waxaaba jirtay mar daawada ku soo hartay Isbitaalka ay ku filnayd 75 maalmood oo kaliye. Hay'adda Merlin oo dhistay Isbitaalkan ayaa u gudubtay dhanka Jamhuuriyadda Dimuquraadiga ee Kongo.
Qoraalka sawirka, Waxaaba jirtay mar daawada ku soo hartay Isbitaalka ay ku filnayd 75 maalmood oo kaliye. Hay'adda Merlin oo dhistay Isbitaalkan ayaa u gudubtay dhanka Jamhuuriyadda Dimuquraadiga ee Kongo.
Lix bilood kaddib markii ay fallaagadu qabsadeen dalkaas, takhtarka ka shaqeeya Isbitaalkan, waxaa iridda ku qaabila dad tira badan oo ku jira safaf, oo sugaya in la daweeyo.
Qoraalka sawirka, Lix bilood kaddib markii ay fallaagadu qabsadeen dalkaas, takhtarka ka shaqeeya Isbitaalkan, waxaa iridda ku qaabila dad tira badan oo ku jira safaf, oo sugaya in la daweeyo.
Saddex meelood hal meel dadka ku nool Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe ayaa u baahan gargaar.
Qoraalka sawirka, Saddex meelood hal meel dadka ku nool Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe ayaa u baahan gargaar.
Hay'adda Merlin ayaa ka walaacsan in tirada carruurta ee ay dilaan cudurrada ay sii kordhayaan, iyadoo dad gaaraya 3.2 milyan aanay helin daryeel caafimaad.
Qoraalka sawirka, Hay'adda Merlin ayaa ka walaacsan in tirada carruurta ee ay dilaan cudurrada ay sii kordhayaan, iyadoo dad gaaraya 3.2 milyan aanay helin daryeel caafimaad.