Dowladda Soomaaliya oo war ka soo saartay dagaal saaka ka dhacay Baydhabo

Ku soo dhawaada tebinta tooska ee BBC Somali

Tebin toos ah

  1. Waa sidee xaaladda magaalada Laascaanood xilli xalay rasaas googoos laga maqalayey?

    .

    Waraka naga soo gaaraya magaalada Laascaanood ayaa sheegaya in xaaladda magaalada ay saaka deggan tahay balse ilaa iyo xalay saqdhexe ay socdeen dibadbaxyo goos goos ah.

    Ciidamada ayaa magaalada laga saaray oo ku noqday saldhigyadooda, inkasta oo rasaas goos goos ahna la sheegay in xalay magaalada laga maqlayey, wax khasaara ah oo rasaastaasi ka dhashayna lama soo sheegin.

    Mudaharaadayaashana waxaa la arkayey iyaga oo waddooyinka suraya calammada Soomaaliya iyo kan Khaatumo. Maamulka Somaliland waxay bixiyeen kharashka duugta dadki ku dhintay mudaharaadyadi ka dhacay magaaladaasi, waxayna ballanqaadeen iney bixinayaan magta dadki halkaasi ku dhintay.

    Magaalada Laascaanood maalmihi u dambeeyey waxaa ka dhacayey mudaharaadyo rabshado wata oo ay dhigayeen dad ka careysan dilalka isdaba joogga ah ee magaaladaasi ka dhaca waxaa ku dhintay 5 qof, qaar kalana waa ay ku dhaawacmeen.

  2. Asalaamu Caleykum!

    Kulanti wacan kusoo dhawaada tebinta tooska ah oo aan idiin kuugu soo gudbinno wararkii ugu dambeeyay ee Soomaalida iyo Caalamka.

  3. Benjamin Netanyahu oo markii lixaad noqonaya Ra'iisul wasaaraha Israa'iil

    Dowladda cusub ee garabka midig ee Israel ayaa loo arkaa mid taariikhi ah oo la isku raacay iyadoo xukunka uu ku soo laabtay raysal wasaraihii hore Benjamin Netanyahu.Netanyahu, oo ku guuleystay doorashadii bishii November,ayaa nooqnaya markii lixaad taariikhada raysal wasaare

  4. War deg deg ah, Weerar toogasho ah oo ka dhacay bartamaha Paris

    Nin hubeysan ayaa rasaas ku furay bartamaha magaalada Paris ee xarunta dalka Faransiiska, halkaasi oo uu ku dilay labo qof tiro kalena uu ku dhaawacay.

    Toogashada ayaa ka dhacday meel ku dhow xarun dhaqameed ay leeyihiin Kurdiyiinta.

    Eedaysanaha oo da'diisu lagu sheegay 69 jir ayaa waxaa gacanta ku dhigay booliiska.

    Maamulka ayaa ka codsaday dadka inay ka fogaadaan aagga xarunta Rue d'Enghien, ee degmada 10-aad ee Strasbourg-Saint Denis.

    "Waa argagax, waxaan isku soo xirnay gudaha," ayuu yiri mid ka mid ah dukaanleyda oo la hadlay wakaaladda wararka ee AFP.

    Qof goob jooge ah ayaa sheegtay in ay maqashay todobo ilaa sideed xabadood oo qarxay.

  5. Baydhabo: Wasiirkii hore ee maaliyadda oo ka warramay weerar uu sheegay in gurigiisa lagu soo qaaday

    Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in saakay halkaa uu ka dhacy iska hor imaad u dhaxeeya ciidamo ka tirsan mamaulka koonfur galbeed iyo ilaalada wasiirkii hore ee maaliyadda dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Aadan Fargeeti.

    Fargeeti ayaa ku eedeyay maamulka Koofur Galbeed iyo ciidamada dowladda dhexe weerarka uu sheegay in lagu qaaday hoygiisa ku yaalla Baydhabo, waxaana uu intaa raaciyay inuu jiro khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

    Haddaba Maxamed Aadan Fargeeti oo ku suga Muqdisho ayaan qadka telefoonka kula xiriiray.

    Qoraalka Codka, .

    Waxaan isku daynay in aan la hadalno mamaulka Koofur galbeed hase yeeshee kama jawaabin wicitaannadii aan smaeynay mararka qaarna telafoonnadooda ayaa hawada ka maqnaa, bals ila madax banaan ayaa BBC-da u xaqiijiyay inuu jiro khasarae dhimahso iyo dhawaaca hase yeeshee tiro rasmi ah wali lam ahayo.

    Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay waxa ay ku sheegtay inay ka xun tahay shaqaaqooyin gacan ka hadal ah oo saaka ka dhacay magaalada Baydhabo ee xarunta Dowlad Goboleedka Koonfuur Galbeed, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee SONNA.

    Bayaanka ka soo baxay dowladda Federaalka ayaa ku booriyay dhammaan qeybaha siyaasadda inay miiska "wadahadalka ku xaliyaan kala aragti duwanaanshahooda, isla markaana ay ka fogaadaan in dhiig la daadiyo."

  6. Ururka Alshabaab ee kasoo ifbaxay dalka Mozambique

    Qeybta baarista BBC-da ee Africa Eye ayaa baaritaan ay samaysay ku ogaatay caddeymo muujinaya kuwaay yihiin hoggaamiyeyaasha ururka Alshabaab ee kasoo ifbaxay dalka Muzambiqeu.

    Qoraalka Muuqaalka, .
  7. Madaxtooyada Puntland ayaa soo dhaweyn u sameysay Ilhaan Cumar oo shalay gaartay Garowe

    Ilhan Cumar oo shalay soo gaartay magaalada Garoowe ayaa xalay kulan soo dhaweyn ah halkaasi loogu qabtay.

    Ilhan ayaa la filayaa in ay maalmo ku sugnaan doonto halkaasi iyadoo la filayo in ay booqasho ku tagto meelo kale inkastoo aan weli la shaacinin.

    Qoraalka Codka, .
  8. Dowladda Soomaaliya oo war ka soo saartay dagaal saaka ka dhacay Baydhabo

    .

    Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay waxa ay ku sheegtay inay ka xun tahay shaqaaqooyin gacan ka hadal ah oo saaka ka dhacay magaalada Baydhabo ee xarunta Dowlad Goboleedka Koonfuur Galbeed, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee SONNA.

    Bayaanka ka soo baxay dowladda Federaalka ayaa ku booriyay dhammaan qeybaha siyaasadda inay miiska "wadahadalka ku xaliyaan kala aragti duwanaanshahooda, isla markaana ay ka fogaadaan in dhiig la daadiyo."

    Warbaahinta maxalliga ayaa tabinaysa in saaka uu halkaas ka dhacay dagaal u dhexeeya laba dhinac.

    Maalmihii la soo dhaafay waxaa taagnayd hadal hayn ka dhalatay kordhinta muddo xillileedka maamulka Koonfur Galbeed taasi oo siyaasiyiinta qaar ay ka soo hor jeesteen, 20-kii bishan ayay ahayd markii uu maamulka ku darsaday sanad dheeri ah.

  9. FIFA oo warqad u dirtay Guddiga Doorashada Guddoonka Xiriirika Kubadda Cagta Soomaaliya

    Xiriirka kubadda cagta adduunka ee FIFA ayaa warqad ay soo saareen kaga dalbaday xiriirka kubadda cagta Soomaaliya in ay qabtaan doorasho loo dhan yahay oo hufan.

    FIFA ayaa warqadda u dirtay guddiga doorashada ee xiriirka kubadda cagta iyo wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha Soomaaliya kadib markii ay horey cabasho uga soo gaartay wasaaradda iyo qaar ka tirsan xubnaha guddiga doorashada.

    Horey, ayaa wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha iyo qaar ka mid ah musharraxiinta guddoomiyaha xiriirka kubadda cagta uga soo hor jeesteen go’aan kasoo baxay guddiga doorashada oo lagu sheegay in kaliya hal musharrax uu buuxiyay shuruudaha musharraxnimo.

    Ibraahim Geeddow Cawaale ayaa ka waraystay arrintan agaasimaha isboortiga wasaaradda dhaliyarada iyo isboortiga, Siciid Maxamed Xasan.

  10. Jarmalka oo gacanta ku dhigay shaqaale ka tirsan hay’addeeda sirdoonka dibadda oo u basaasayay Ruushka

    .

    Mas’uuliyiinta Jarmalka ayaa xiray shaqaale ka tirsan hay’addeeda sirdoonka dibadda ee BND iyaga oo looga shakiyay in uu sirta dowladda u gudbiyay Ruushka. Eedeysanaha, oo magaciisa lagu sheegay Carsten L, ayaa lagu xiray Berlin ka dib markii looga shakiyay kiis suurtagal ah oo khiyaano qaran ah.

    Maamulka ayaa baaray gurigiisa iyo goobtiisa shaqada iyo sidoo kale guriga qof kale leeyahay. Madaxa sirdoonka dibadda Bruno Kahl ayaa sheegay in sii deynta tafaasiil dheeri ah oo ku saabsan kiiskaan ay faa'iidi karto Moscow.

    Carsten L ayaa xabsiga lagu sii hayay maalintii Khamiista, maalin ka hor markii lagu xiray caasimadda Jarmalka. Waxaa looga shakisan yahay in sannadkan uu Ruushka la wadaagay xogta oo uu helay intii uu ku guda jiray hawlihiisa shaqo.

    Dacwad oogayaasha federaalku ma aysan faah faahin in taasi ay ahayd ka hor ama ka dib duulaankii Ruushka ee Ukraine.

    Chancellor Olaf Scholz ayaa lagu wargeliyay arrinta dhowr toddobaad ka hor, sida laga soo xigtay website-ka Spiegel, waxaana amar lagu soo xirayo la soo saaray 16 December.