Ciidamada Ruushka oo kordhiyay duqeymaha ay ka wadaan gobolka Kherson

Ku soo dhawaada tebinta tooska ee BBC Somali

Tebin toos ah

  1. Morgan Freeman iyo Ghanim Al Muftax labada nin ee indhaha caalamka qabsaday

    .

    Xafladdii furitaanka Koobka Aduunka ee Qadar ayaa loo arkaa mid ka mid ah kuwii ugu fiicnaa ee in muddo ah soo mara adduunka.

    Munaasabadda waxaa ka soo muuqday halyeyga Hollywood-ka Morgan Freeman oo uu weheliyo 20 jir u dhashay Qadar oo YouTuber ah (oo aan lahayn qaybta hoose ee jirka).

    Jilaaga ku guulaysta abaal marinta Oscar Morgan Freeman ayaa hal gacan u fidiyay danjiraha FIFA ee Koobka Adduunka oo la ildaran xanuun ku dhaca laf dhabarta oo naadir ah.

    Labdan nin ayaa qabsaday warbaahinta iyo baraha bulshada Caalamka. Waxay soo jiteen quluubta Malaayiin qof oo daafaha caalamka ku kala nool.

    Halkaan ka daawo sawirada soo jiidashada leh ee Morgan Freeman iyo Ghanim Al Muftax.

    .
    .
    .
    .
    .
  2. Beelo ku diriray deegaanada hoos taga Cadale oo nabad qaatay. Maxay ku heshiiyeen?

    Wadahadallo dhexmaray cuqaasha iyo odayaasha beelo dhawaan ku dagaalamay, tuulooyin hoostaga degmada Cadale ee gobola Shabeellaha Dhexe, ayaa heshiis horudhac ah ku gaaray in la sameeyo xabad joojin dhexmarta miliishiyooyinka dagaalamay, isla markaana dib loogu celiyo deegannadoodii dadkii colaaddu barakicisay.

    Colaadda ka aloosan tuulooyinka hostaga degmada Cadale, dhawrkii todobaad ee la soo dhaafay waxa ku dhintay dad ku dhaw sodon qof.

    Weriyaha BBC-da ee Muqdisho Ibraahim Maxamed Aadan, ayaa taleefanka ku wareystay wasiirka dibu heshiisiinta maamulka Hirshabeelle, Cabdillaahi Maxamed Cumar oo ku magac dheer Cabdillaahi Cadde oo hadda jooga degmada Cadale.

    Qoraalka Codka, .
  3. Sidee loo arkay guuldaradii Qadar ee xalay bilowgii Koobka Adduunka?

    Ciyaaraha koobka Kubadda Cagta Adduunka ayaa xalay fiidkii si si rasmi ah uga furmaya dalka Qatar, waa dalkii u horreeyey ee ku yaalla dunida Carabta iyo Bariga Dhexe ee martigeliya Ciyaaraha Adduunka oo afartii sanaba mar la qabto.

    Xaflad heerkeedu sarreeyo ayaa lagu daah furay koobka aduunka, iyadoo aayadaha quraanka kariimka ah markii ugu horreysay lagu furay kobka adduunka taasi oo ka dhigeysa mid taariikhi ah.

    Ciyaartii ugu horeeysay ee koobka aduunka lagu furay ayaa dhexmartay dalka martida loo yahay ee Qadar iyo dalka ecuador, waxa ayna guushu raacday dalka ecuador.

    Ciyaarta ayaa ku soo dhamaatay labo iyo eber looga badiyay dalka Qadar.

  4. Dhul gariir khasaare dhaliyay oo ka dhacay Jasiirada Java ee dalka Indonesia

    .

    Dhul gariir ayaa ku dhuftay Jaziirada Java ee dalka Indonesia, waxaa ku dhintay ugu yaraan 14 qof, boqolaal kalena waa ay ku dhaawacmeen, sida ay sheegeen saraakiisha dalkaasi.

    Dhulgariirkan oo cabirkiisu ahaa 5.6 ayaa ku dhuftay magaalada Cianjur ee Galbeedka Java, waxaana dhul gariirku uu gaaray 10km (6 mayl), sida lagu sheegay xogta la shaaciyay.

    Dhul gariirka ayaa laga dareemay magaalada caasimadda ah ee Jakarta oo qiyaastii 100km u jirta, halkaas oo dadkii ku sugnaa dhismayaal dhaadheer laga saaray.

    Saraakiisha ayaa ka digay in tirada dhimashada ay sii kordhi karto iyo suurtagalnimada dhulgariir ka dib.

    Muuqaalo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinaya burbur soo gaaray guryaha iyo dukaamada dadka.

    Ugu yaraan 300 oo qof ayaa lagu daweynayaya isbitaal ku yaalla Cianjur, Herman Suherman, oo ah sarkaal ka tirsan dowladda oo halkaas ku sugan, ayaa u sheegay kanaalka wararka ee MetroTV.

  5. Beeraleyda DDS oo sanadkaan filaynin wax dalag ah oo ka soo go'i doona beerahooda

    Ku dhawaad 25 kun oo beeraley ah oo ku yaalla deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaan filayn in beeraha ay uga soo go'aan dalag ku filan kadib markii ay roob yaraan la soo daristay beeraleyda.

    Waxa ay arrintan si gaar ah u saameysay beeraleyda Degmada Tuli guuleed oo caan ku ah beerashada qamadiga islamarkana hormuud u ah waxsoosaarka beeraha ee deegaanka.

    Beerleyda ayaa wax ay sheegeen in ka dib markii ay saddex xilli roobaad ay baaqdeen ay taasi keentay in dalagyadooda ay ak baa'ba'aan.

    Ismail burgabo ayaa tagay degmada Tuli-guuleed lana kulmay qaar ka mid ah dadkii ay beeruhu ka ba’een ee saameesay roobyaraanta ka dhalata isbadalka cimilada.

  6. Maxay yihiin qaxootiga laga soo musaafurinayo dalka Canada?

  7. Booliska oo gacanta ku dhigay nin lagu eedeeyay inuu muuqaallo caro dhaliyey ka duubay gabadh

    Warrarka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in taliska Ciidanka Booliska degmada Kaaraan ay gacanta kusoo dhigeen xalay eedeysane 24-kii saac ee lasoo dhaafay lagu faafiyey muuqaalkiisa baraha bulshada isaga oo tacadi u geysanaya gabdho aan qaangaar aheyn, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee SONNA.

    SONNA ayaa sidoo kale sheegtay in eedeysanaha oo lagu magacaabo Xuseen Xasan Gaabow ay ciidanku soo qabteen kadib markii shacabka degmada ay soo gudbiyeen xogtiisa, isla markaana sharcigga la horgeyn doono.

  8. Ciidamada Ruushka oo kordhiyay duqeymaha ay ka wadaan gobolka Kherson

    .

    Ciidamada Ruushka ee ku sugan Koonfurta dalka Ukraine ayaa kordhiyey duqeymaha ay ku hayaan gobolka Kherson ee dhawaan la xoreeyey.

    Magaaladu ayaa inta badan koronto la'aan ama biyo la’aan la daalaa dhacaysa.

    Waxaa markale la duqeeyay, warshadda nukliyeerka ee Zaporizhzhiya ee waddanka Ukraine ayaa ah midda ugu weyn ee ku taal qaaradda Yurub, xilli mas'uuliyiinta Ruushka iyo Ukraine ay isku eedaynayaan weerrarka.

    Wakaaladda wararka ee Ruushka ayaa ku warrantay in 15 gantaal lala dhacay goobta.

    Wakaaladdu waxa ay soo xiganaysaa sarkaal sheegay in gantaalladaasi ay ku soo agdhaceen qeybta qashinka lagu kaydiyo ee warshadda, iyo guri lagu xareeyo shidaalka nukliyeerka loo adeegsaday.

  9. Assalaamu Calaykum

    Subax wanaagsan.

    Halkan kala soco wararkii ugu dambeeyay ee dhulka Soomaalida iyo wararka gobolka iyo calaamka intiisa kalaba.