Maxay ka tiri Shabaab dadka ay ku laysay gobolka Hiiraan?

Wararka degdega ah

Tebin toos ah

  1. Madaxweynaha Soomaaliya oo ka hadlay dadkii Shabaab ku laayeen gobolka Hiiraan

    Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud
    Qoraalka sawirka, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud

    Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa cambaareeyay falkii Al- shabaab ku dileen saaka waabarigii dad rayad ah oo ka baxay magaalada Baladweyne kuna sii jeeday degmada Maxaas ee gobalka Hiiraan.

    Madaxweynaha ayaa dhacdadaas ku tilmaamay fal arxan darro ah oo aan sal iyo raad toonna ku lahayn diinta Islaamka.

    Warkaan ka soo baxay Aqalka Madaxtooyada ee Villa Somaaliya ayaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya ay qaadayso tallaabooyin degdeg ah oo lagu beegsanayo Al-shabaab.

    Madaxweynaha ayaa Al-shabaab ku eedeyay in ay ka soo horjeedaan nolasha iyo xasilloonida shacabka Soomaaliyeed,isaga oo shacabka ugu baaqay in ay garab siiyaan ciidamada dowladda.

  2. Waxyeellada daadadka Pakistan ku dhuftay oo isa soo taraya

    .
    Qoraalka sawirka, .

    Wasiir ka tirsan xukuumadda Pakistan ayaa sheegay in daadadka ba’an ee ka dhashay roobabka mahiigaanka ah ee dalkaasi ka da’ ay yihiin musiibadii ugu xumayd ee is beddelka cimiladu uu sababu.

    Wasiirka oo lagu magacaabo, Ahsan Iqbal, ayaa sheegay in soddon iyo saddex milyan oo qof ay dadadku saameeyen in ka badan hal milyan oo gurina ay waxyeelo soo gaartay.

    Ugu yaraan labo kun labo boqol iyo konton qof ayaa ku dhintay guudahaan dalka Pakistan. Wasiir Iqbal ayaa sheegay in Pakistan aysan haysan dhaqaale ay wax kaga qabato dhibaatada. Saraakiisha mid ka mid ah meelaha ugu daran ee ay dhibaatadu ka dhacday - degmada koonfurta ee Daadu - ayaa sheegay in rubac milyan qof oo kale ay hadda halis ugu jiraan heerka biyaha oo sare u kacaya.

    Hay'adaha gargaarka ayaa ka digaya cudurro ka dhasha deegaannada daadadku halakeeyeen. Sidoo kale dadka ku barakacay fatahaadaha ayaan haysan hooy iyo cunto ku filan.

  3. Madaxweynaha Hirshabeelle oo faray saraakiisha amniga in ay ka jawaabaan weerarkii Al-shabaab dadka ku laayeen

    Kulanka madaxweyn Guudlaawe iyo saraakiisha amniga
    Qoraalka sawirka, Kulanka madaxweyn Guudlaawe iyo saraakiisha amniga

    Madaxweynaha mamaulka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen oo maanta ka qayb galay kulan looga hadlayay amniga deegaannada mamaulkaasi ayaa faray saraakiisha ciidamada amniga in howgallo laga bilaabo meelaha y Al-shabaab haystaan oo ka tirsan Hirshabeelle.

    Cali Guudlaawe ayaa sidoo kale saraakiisha amniga u jeediyay inay ka jawaabaan dadkii Al-shabaab saaka ku dileen deegaanka Afar irdoodka ee gobolka Hiiraan.

    Al-shabaab ayaa weerarkaasi ku dilay dad ka badan 20 qof iyagoo sidoo kalana gubay gawaari sidday raashin gargaar ah maadama waqti adag oo abaari ay saameysay dad iyo duunyaba lagu jiro.

  4. Madaxweynaha Turkiga oo doonaya inuu dhexdhexaadiyo Ruushka iyo Ukraine

    Madaxweynaha Turkiga
    Qoraalka sawirka, Madaxweynaha Turkiga

    Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa la sheegay inuu soo bandhigay qorshe uu ku dhexdhexaadinayo Ruushka iyo Ukraine gaarahaan muranka ka taagan warshadda tamarta Nukliyeerka ee Zaporizhzhia ee Ukraine, taasoo ay ciidamada Ruushka ku sugan yihiin hadda.

    Ankara ayaa sheegtay in Mr Erdogan uu dalabkan gudbiyay kadib markii taleefoon uu kula hadlay madaxweynaha Rushka Vladimir Putin.

    Aqalka Kremlin-ka ayaa xaqiijiyay in labada dhinac ay ka wadahadleen warshadda Zaporizhzhia, balse ma aysan sheegin wax dhexdhexaadin ah. Duqeymihii ugu dambeeyay ee aaggaas ayaa sare u qaaday cabsida laga qabo musiibo nukliyeer ah.

    Ukraine waxay ku eedaysay Ruushka argagixisinimo dhanka nukliyeerka ah. Kormeerayaal ka socda hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan ilaalinta Nukliyeerka, IAEA, ayaa booqday warshadda, waxayna damacsan yihiin inay joogteeyaan booqshadaas.

  5. Itoobiya oo markii ugu horeysay dalkeeda u oggolaanayso bangiyada caalamiga iney ka howlgalaan

    Golaha Wasiiradda xukuumadda Itoobiya
    Qoraalka sawirka, Golaha Wasiiradda xukuumadda Itoobiya

    Golaha wasiirrada ee xukuumadda Itoobiya, ayaa meel mariyey siyaasad qabyo ah, oo uu soo jeediyay Bangiga Dhexe, kaasoo u oggolaanaya in qeybta maaliyadda loo furo Bangiyada Shisheeye.

    Tani ayaa waxay muujinaysaa isbedel weyn oo ku yimid hannaanka dhaqaalaha ee dalkani dhaca Geeska Afrika.

    Wuxuu albaabada u furey shirkadaha shisheeye ee caalamiga ah, kuwaasoo ay ka xirnaayeen ka qeyb qaadashada hannaanka dhaqaalaha dalkani muddo dheer.

    Talaabadan ayaa daba socotay furitaankii suuqa isgaarsiinta.

    War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska ra’iisul wasaare Abiy Ahmed Sabtidii, ayaa lagu sheegay in tallaabadani ay lagama maarmaan tahay, si loo horumariyo isdhexgalka dhaqaalaha Itoobiya ee suuqa caalamiga ah.

    Sidoo kale, tallaabadani waxey ka qeyb qaadan doontaa kordhinta tartanka, iyo hufnaanta waaxda maaliyadda ee dalka Itoobiya.

  6. Daawo: Markii Iiraan ay la wareegtay dooni militari oo uu Mareykanku leeyahay oo maraysay biyaha caalamiga

    Qoraalka Muuqaalka, Iran says it seized US surface drones from Red Sea

    Iran ayaa sheegtay in ciidamadeeda badda ay Badda Cas ku qabteen labo dooni, oo nooca aan naaquudaha lahayn ah, iyadoo uu milkayaddeeda leeyahay Mareykanka.

    Telefishinka qaranka ee dalkaasi, ayaa sheegay in ciidamada badda ay la wareegeen gacan ku haynta doonida.

    Waxey intaa ku dareen iney u qaadeen tallaabadani, si ay uga hortagaan shil, ka dib markii ay " digniino u direen" maraakiibta Mareykanka. Markii dambe waa la sii daayay doonidii.

    Muuqaal la baahiyey, ayaa muujinayey dhowr qof oo kamid ahaa shaqaalihii doonida, oo ku riixaya doonida badda, si ay mar kale safarkeeda socdaalka usii wadato.

  7. Booliiska Kenya oo heegan sare la geliyay xilli la sugayo go'aanka maxkamadda ee muranka doorashada

    Doorashada guud ee Kenya
    Qoraalka sawirka, Doorashada guud ee Kenya

    Dhammaan madaxda gobollada iyo degmooyinka dalka Kenya, ayaa laga codsaday inay u diyaar garoobaan xaalad kasta oo ka dhalan karta go'aanka Maxkamadda Sare ee Isniinta lagu dhawaaqayo, taasoo ku beegan 5-ta bishan Sebtember ee aynu ku jirno.

    Ku xigeenka booliiska ee dalka Kenya, Edward Mbugua, ayaa warqad u diray madaxda laamaha ammaanka, isagoo ku booriyay iney feejignaadaan, oo ay u diyaar garoobaan amaro la xiriira amniga, iyo sida laga yeelayo go’aanka maxkamada kadib.

    Warqad ku suntaneyd 1-da bisha Sebtembar, Mbugua, ayaa waxa uu sidoo kale ka codsaday saraakiisha amniga iney nuqullo kamid ah qorshahe hawleedkooda usoo gudbiyaan xarunta adeegga booliiska Kenya, inta aan la gaarin kahor 3-da galabnimo ee Jimcaha, ee ku beegneyd shaley.

    “Iyadoo ay ku xiran tahay go’aanka Maxkamadda Racfaanka Kenya, waxaan fileynaa falcelinno kala duwan oo ay ka bixiyaan dadka shacabka ah ee ku sugan goobaha kulul, sida rabshadaha iyo burburka hantiyeed, waxaa la idin farayaa inaad diyaarisaan howlgallo lagaga hortagayo dhibaatooyinka ka dhalan kara go’aanka maxkamadda,” ayaa lagu yiri warqadda qeyb ka mid ah.

    Arrintan ayaa timid saacado kaddib digniin kasoo baxday safaaradda Mareykanka ee Nairobi, oo ku wajahan muwaadiniinteeda u socdaalaya iyo kuwa ku sugan ismaamulka Kisumu, ka hor inta aan la xukumin Isniinta.

    Isagoo ka falcelinaya isla talobixin lamid ah, barasaabka Kisumu Anyang' Nyong'o, ayaa waxa uu u xaqiijiyay dadka deegaanka ineysan fileyn in wax isbedel ah uu ku yimaado xaalada amniga.

    Si kasta oo ay ahaataba natiijada kasoo baxda xukunka ee ku tilmaamay gobolka in ay tahay bulsho nabad ah oo jinsiyado badan iyo isir ah.

    "Waxaan ka qabnaa walaac qoraalkan sida gaarka ah u tilmaamaya Kisumu, kaasoo lagu xusay in magaaladu ay ka dhici karaan rabshado, ka dib 5-ta Sebtembar oo la gaarayo go’aanka maxkamadda, kaasoo ku saabsan dacwada doorashada madaxweynaha," Nyong'o ayaa sidaasi ku sheegay hadal uu soo saaray.

  8. Colaada Itoobiya: Seddax arrin oo uu Mareykanku doonayo in si deg deg loo sameeyo

    Colaadda Tigreega
    Qoraalka sawirka, Colaadda Tigreega

    Dowladda Maraykanka, ayaa Jimcihii u dirtay dalka Itoobiya ergey, si uu u soo afjaro dagaallada kasoo cusboonaaday dalkaasi, iyadoo cambaaraysay dawladda ay dariska yihiin ee Ereteriya, oo dib u soo gelisay colaadda gobolka Tigreega ciidankeeda.

    Mike Hammer, oo ah ergeyga gaarka ah ee Maraykanka u qaabilsan Geeska Afrika, ayaa todobaadkan u kicitimi doona dalka Itoobiya.

    "Wuxuu gudbin doonaa in dhammaan dhinacyada ay joojiyaan hawlgallada milatari, iyo inay isku soo hor fariistaan wada hadal nabadeed," ayay tiri xoghayaha warfaafinta ee Aqalka Cad, Karine Jean-Pierre.

    “Waxaan cambaareyneynaa ku soo noqoshada Eritrea ee colaadda, duullaanka TPLF ee ka socda meel ka baxsan gobolka Tigreega, iyo duqeymaha cirka ee dowladda Itoobiya,” ayay u sheegtay suxufiyiinta.

    Dagaalada ayaa todobaadkii hore dib uga soo cusboonaaday gobolka waqooyi ee Itoobiya, kadib muddo shan bilood ah oo uu hakad ku jiray.

    Tani ayaa meesha ka saartay rajadii laga qabay in si nabad ah lagu xaliyo dagaalka mudada labada sano ku dhaw socday, iyo in lasoo afjaro dhibaatada bini’aadantinimo ee gobolka Tigreega ka jirta.

    "Ma jiro xal militari oo lagu soo gaba gabeyn karo khilaafka," ayey tiri Jean-Pierre.

    "Dhammaan dhinacyadu waa inay is-xakameeyaan, waxaana ku boorrinaynaa inay xaaladda dejiyaan, gaar ahaan si ay u suurogasho in dib loo bilaabo gargaarka bani'aadannimada iyo adeegyada aasaasiga ah."

    Waaxda arrimaha dibadda Mareykanka, ayaa sheegtay in Hammer, oo ah dublamaasi ruug-caddaa ah oo shaqadiisu ay sidoo kale kamid tahay arrimaha Sudanta cakiran iyo Soomaaliya, uu u safri doono Axadda.

  9. Maxay ka tiri Shabaab dadka ay ku laysay gobolka Hiiraan?

    Alshabaab
    Qoraalka sawirka, Alshabaab

    Al shabaab, ayaa ka hadlay dadka lagu laayey gobolka Hiiraan maanta, iyagoo sheegay iney halkaasi ku dileen maleeshiyaad ka tirsan Macawiisleeyda.

    Waxey intaa ku dareen Al Shabaab, iney sidoo kale gubeen gawaari ka baxday magaalada Baladweyne, oo sida ay sheegeen u waday sahay iyo saanad maleeshiyaadka Macawiisleyda.

    Hase yeeshee, dadka deegaanka oo la hadlay BBC-da, ayaa sheegay in Shabaab ay laayeen dad rayid ah.

    Alshabaab ayaa waayadan ka waday hawlgallo gobolada Hiiraan, Galgaduud iyo Mudug.

    Toddobaadkii hore, ayey weerareen Alshabaab tuulooyin katirsan Galgaduud iyo Mudug, iyagoo burburiyey xarumo isgaarsiineed iyo ceelasha biyaha.

  10. Madaxweynihii ay shacabkiisa ka eryeen dalkiisa oo dib usoo noqday

    Rajapaksa
    Qoraalka sawirka, Rajapaksa

    Madaxweynihii hore ee Sri Lanka, Gotabaya Rajapaksa, oo dibadda u cararay kadib mudaaharaadyo waaweyn oo dhacay bishii Luulyo, ayaa dalka dib ugu soo laabtay.

    Rajapaksa, ayaa wuxuu ku sugnaa dalka Thailand, si ku meel gaar ah, wuxuu dib ugu soo noqday dalkiisa, isagoo soo marey dalka Singapore.

    Qaar kamid ah Wasiirada dowladda Sri Lanka, ayaa lagu soo waramayaa inay kula kulmeen garoonka diyaaradaha.

    Dadka reer Sri Lanka, ayaa waxay dawladiisa ku eedeeyaan inay masuul ka aheyd dhaqaale xumadii ugu darnayd ee soo marta taariikhda dalkaasi.

    Lacagtii qalaad oo dhamaatay, ayaa keentay cunto yari iyo shidaal yari.

    Mudaaharaadyada ayaa billowday bishii Abriil, kadib koror xooggan oo ku yimid qiimaha cuntada iyo shidaalka.

    Boqolaal kun oo qof oo isugu jira qeybaha kala duwan ee bulshada, ayaa ka qeyb qaatay mudaaharaadyada sida nabdoon ee lagu dalbanayay in Rajapaksa iyo walaalkiis Mahinda, oo ka weyn ay is casilaan.

  11. Daanyeero loo sameeyey xaflad si magacyo looggu bixiyo

    ALT
    Qoraalka sawirka, ALT

    Labaatan kamid ah daanyeero dhowaan dhashey, gaar ahan nooca

    Gorilla-laha, ee buuraha kunool,ayaa magacyo looggu bixiyay xaflad aad u heer sareysa, oo ka dhacday gunta hoose ee seeraha qaranka Volcanoes, ee degmada Musanze ee dalka Rwanda ee waqooyiga dalkaasi.

    Qaabeynta qoyskan cusub ee daanyeerada, ayaa sidoo kale looggu sameeyey xafladii 18-aad ee magac bixinta Gorilla-laha.

    Magacaabistani waa astaan gaar ahaaneed, iyadoo daanyeerada Gorilla-laha ah aaney si jir ahaaneed u joogin xafladda.

    Kumanaan reer Ruwanda ah, ayaa isku soo baxay, si ay ugu dabaaldegaan maalinta gaarka ah ee loo asteeyay Daanyeerada buuralayda naadirka ah.

    Qeybo kamid ah daanyeerada Gorilla-laha ah, ayaa loo bixiyay magacyo u leh muhiimad dhaqameed reer Rwanda, iyadoo la tixraacayo muhiimada ilaalinta inaaney dabar go’in.

    Xafladda magac bixinta, ayaa waxaa ka qeyb galey dad caan ah oo dunida isaga kala yimid, oo ay kamid yihiin dadka dadka u dhaq dhaqaaqa arrimaha deegaanka iyo xayawaanka, wariyeyaasha, bahda isboortiga, jilayaal iyo fannaaniin.

    Amiir Charles, ayaa sidoo kale qeyb ka ahaa ah dhacdada, wuxuu ku magacaabay daanyeer oo dhowaan dhashey Gorilla-le ah Ubwuzuzanye - oo macnaheedu yahay wada noolaansho.

    Farriin kooban oo uu ka jeediyay xafladda, ayuu Amiirka Wales ku sheegay in dib u soo celinta, is-waafajinta iyo isu-dheellitirka dabeecadda, dadka iyo meeraha/dhulka aynu kunool nahay ay tahay arrinta ugu daran ee soo food saartay aadanaha.

    Ka bood X boggan
    Oggolow X macluumaadka

    Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

    Digniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahan

    Dhammaadka X boggan

  12. Alshabaab oo dad ku laayey gobolka Hiiraan

    Alshabaab
    Qoraalka sawirka, Alshabaab

    Al shabaab ayaa xalay inta u dhaxeysa degmooyinka Maxaas iyo Baledweyne ee gobolka Hiiraan ku weerarey gawaari.

    Gawaaridan ayaa siday raashin iyo dad Rakaab ah. Alshabaab ayaa dilay inta badan shacabkii saarnaa gawaaridaasi

    Waxey sidoo kale gubeen raashin loo waday degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.

    Mid kamid ah Dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta, ayaa sheegay in weerarka gaadmada ah uu dhacay xalay.

    Xigasho: SNTV

  13. Sharciyo lagu soo rogay ajnabigii caashaqa qof Falastiini ah

    Shisheeyuhu wuxuu haystaa soddon maalmood oo ay ku soo gudbinayaan xiriirka jaceyl ee Falastiiniyiinta
    Qoraalka sawirka, Shisheeyuhu wuxuu haystaa soddon maalmood oo ay ku soo gudbinayaan xiriirka jaceyl ee Falastiiniyiinta

    Shisheeyaha tagaya Falastiin, ayaa laga dalbadey iney iska diidaan galiyaan wasaaradda gaashaandhigga Israa’iil, haddii uu jacayl dhex maro mid kamid ah falastiiniyiinta ku nool Daanta Galbeed ee la haysto, sida uu qabo xeer cusub oo lasoo saarey.

    Haddii uu dhaco guur, ayaa waxaa loogga baahan doonaa inay halkaasi isaga baxaan 27 bilood ka dib, oo u dhiganta sanad iyo bar.

    Waa qayb kamid ah adkaynta xeerarka shisheeyaha ku nool, ama doonaya inay tagaan, Daanta Galbeed.

    Falastiiniyiinta iyo ururada aan dowliga ahayn ee Israa’iil, ayaa ku eedeeyay maamulka Israa'iil "inay ku dhaqaaqeen xayiraado cusub oo adag".

    Xeerarka cusub, ayaa lagu wadaa inay dhaqan galaan maalinta isniinta ah ee soo socota.

    Xeerarka oo lagu soo gudbiyey dukumeentiyo dhaadheer, ayaa waxaa ka mid ah in loogga baahan yahay shisheeyaha inay ku wargaliyaan maamulka Israa’iil soddon maalmood gudahood, marka ay bilaabaan xiriir ama jaceyl ay la sameynayaan qof heysta aqoonsiga Falastiin.

    Xayiraadaha cusub ee jaamacadaha Falastiin, ayaa waxaa kamid ah qoondeynta fiisaha ardayda ee 150 illaa iyo 100 macalimiin ajaanib ah, halka aan la xaddidayn kuwa Israa’iil.

    Ganacsatada iyo hey'adaha gargaarka, ayaa sheegay in sidoo kale uu saameyn xooggan ku yeelan doono sharcigan cusub.

    Sharciyadan ayaa waxay soo rogayaan dadja xaddidaad adag muddada fiisaha iyo fiiso kordhinta, iyadoo tallaabadani ay ka hortageyso dadka inay si mutadawacnimo ah uga shaqeeyaan Daanta Galbeed muddo ka badan dhowr bilood.

    Ka bood X boggan
    Oggolow X macluumaadka

    Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

    Digniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahan

    Dhammaadka X boggan

  14. Weerarada ay Alshabaab ku hayaan Gobolada Dhexe Soomaaliya oo kordhay

    Al Shabaab
    Qoraalka sawirka, Al Shabaab

    Weeraradii ugu dambeyay ee ay ururka Al-shabaab ka gaysteen deegaanno ka tirsan goballada Hiiraan iyo Galgaduud, ayaa la sheegay inay ku burburiyeen ceelasha biyaha iyo xarumaha shirkadaha Isgaarsiinta.

    Arrintaas ayey qaar kamid ah khubarada falanqeeya arrimaha ammaanka ee Soomaaliya, ayaa waxay ku tilmaameen inay tahay cadaadis ay Al-Shabaab saarayaan dadka deegaannadaas si dantooda u gaaraan.

    Dhacdooyinkaana ayaa waxay kusoo beegmayaan xilli ay jirto abaar kulul oo ay adag tahay in biyo la helo.

    Sidoo kale, dhawaan ayey aheyd markii Al shabaab ay qabsadeen hotel Xayaat oo ku yaalla magaalada Muqdisho, iyagoo halkaasi ka sameeyey is qarxin iyo dagaal.

  15. Assalaamu Calaykum

    Subax wanaagsan. Kusoo dhawaada tebinta tooska ah ee BBCSomali.com

    Halkan kala soco wararkii ugu dambeeyay ee dhulka Soomaalida, iyo deegaamadooda qurbaha, wararka gobolka iyo calaamka intiisa kalaba. Wararka waxaa idiin soo gudbin doona aniga oo ah Said Anteno.