Maxamed Bin Zayed oo qaabilay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya

Tebinta tooska ah

Tebin toos ah

  1. Maxamed Bin Zayed oo qaabilay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya

    Amiirka Abu Dubai
    Qoraalka sawirka, Amiirka Abu Dubai

    Sheekh Maxamed Bin Zayed Ala Nahyan oo ah Amiirka Abu Dubai ahna ku xigenka taliyaha saree e ciidanka Imaaraadka Carabta ayaa qaabilay Ra’iisul Wasaaraha Soomaliya Maxameed Xuseen Rooble oo haatan booqasho rasmi ah ku jooga dalka Imaaraadka Carabta waxayna ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dal si ay u hormariyaan danahooda.

  2. Dagaal Balanbale ka dhacay oo ay dhowr qof ku dhinteen

    Ugu yaraan 10 qof ayaa lagu dilay, tiro intaa ka badanna waa lagu dhaawacay ka dib dagaal miliishiyo beeleedyo ku dhexmaraya maalintii labaad duleedka degmada Balanballe ee gobolka Galgaduud.

    Dagaalka oo xooggiisu ka dhacayo, xadka Balanbal ay la wadaagto dawlad deegaanka soomaalida ee Itoobiya ayaa soo bilowday shalay galinkii dambe.

    Dagaalka ayaa salka ku haya, aanooyin dil ahaa oo horey u dhexmaray, reeraha dagaalamayaiyo dhul daaqsimeed ay isku hayaan.

    .
    Qoraalka sawirka, .
  3. Dagaal Al-shabaab iyo dadka deeganka ku dhexmaray Sanaag

    Al-shabaab
    Qoraalka sawirka, Al-shabaab

    Hal qof ayaa ku dhintay dagaal galabta AL Shabaab iyo dadka degaanka ku dhexmaray degaanka Milxo oo ka tirsan gobolka Sanaag .

    Al shabaab ayaa muddo aan sii fogeyn laga sheegay degaano ka tirsan Sanaag in kastoo aan hore looga baran joitaankooda halkaasi

    Dagaal ayaa Galabta deegaanka milxo ee gobolka sanaag ku dhex maray Shabaab iyo Dadka deegaanka, inta la xaqiijiyey hal qof ayaa ku dhintay

  4. Dhammaan xabsiyada Federaalka Maraykanka oo xannibaad lagu soo rogey, maxay tahay sababta?.

    Xabsiga Dhexe
    Qoraalka sawirka, Xabsiga Dhexe

    Dhammaan Xabsiyada Mareykanka ee Federaalka oo la xirayo ka dib markii uu ka dhacay dagaal qaraar oo u dhaxeeya kooxo burcad ah Dhammaan xabsiyada Federaalka ee Mareykanka ayaa la xiray ka dib markii dagaal qaraar oo dhexmaay kooxo burcad ah uu sababay in labo ka mid ah maxaabiistii ku jirtay xabsigaas ay dhintaan , xabsigaa ay dhacdadu ka dhacday oo ku yaalla Texas .

    Labo maxbuus oo kale ayaa iana si xun loogu dhaawacay rabshad ka dhacday xabsiga aadka loo ilaaliyo ee Boumont maalinimadii Isniinta , Hoganka Federaalka ee xabsiyada ayaana sidaas sheegay. Hoggaanka xabsiyada ayaa sheegay in ay kaga jawaabayaan arrintan shaki badan sida ay yiraahdeen , iyaga oo intaa raaccinaya in xiritaanka xabsiga ay tahay tallaab ku meel gaara . Waa wax aad u yar in la arko tallaabo tan oo kale a h oo lagu soo rogo dhamaan xabsiyada Federrraaka . Inta badan maxaabiista Marreykanka waaa lagu hayaa xabsiyo gobol walba uu gaar u leeyahay taas lid ku ah dwoladda Federaalka.

    Hoggaanka xisbiyadda Mareykanka ayey hos tagana 134 xabsi oo ay ku jiraan in ka badan 150 kun oo maxbuus dalka Mareeykanka oo dan , sid alagusheegay warbixinadii ugu dambeeyey oo lagu quoro website-kooda .

    Xabsiga Dhexe
    Qoraalka sawirka, Xabsiga Dhexe

    Markii maxabiista loo diiday wax dhaqdhaq ah , taas waxay saameysay maxaabiista gudha ku jirta oo lagu koobay qolalkooda iyadoo ay jiraan xannibaado lagu soo rogay dadka u imaanaya ee soo booqanaya .

    War uu soo saaray hoggaankaasi ayaa lagu sheeay in sidaas loo sameyey badqabka iyo sababo ammaanka la xiriira. Laakiin faahfaahin dheeraad ah lagama bixin go’aanka , iyaoo intaas lagu daray in la rueysan yahay in tallaabadaas ay noqon doonto mid waqti gaaban ah. Rabshadahaa ka dhacay xabsiga Beaumont ee ku yaalla Texas oo ah xabsi ay ku jiraan 1,372 maxbus aya lagu warramay in ay ka qeybaateen xubno ka tirsa kooxda burcadda ee loo yaqaano MS-13 Koox ah aad u adag oo ka dhisan los Angeles oo asal ahaan ka soo jeedda El Salvador.

    Dagaalka ayaa sababay in ay dhalato cabsi ah in ay dhici karaan aargoosiyo kuwaas o ku fidi kara xabsiga oo dhan . MS-13 : Sheekada mid la mid ah kooxaha ugu xun ee buracdda caalamka Labo ka mid ah maxaabiista oo ku dhintay gudaha ayaa kala ahaa Guillermo Riojas, oo 54 jir ah oo ku xukunaa dambiyo la xiriira qalqal galin markii uu hub isticmalay iyo Andrew Pineda, oo 34 jir ah aas oo la sheegay in xubin ka ahaa kooxo burcad ah oo loo yaqaano Maafiyada Mexico .

    Xabsiga Dhexe
    Qoraalka sawirka, Xabsiga Dhexe

    Ma jirto cid ka tirsan shaqaalaha xabsiga oo ku daawacanay intii ay socdeen dagaaladi xabsiga gudihiisa kadhacay , sida ay sheegeen hoggaanka Xabsiyada .

    Kooxda Maafiyada Mexico ayaa la rumeysan yahay in ay gaaryaan ilaa 300 oo ubnood marka laga hadlayo xabsiyada MAREYKANKA Kooxdan ayaa ka kooban kuwo hadda la xukumay iyo kuwo hore u xukunaa kuwaas oo xilal awoodeed ku leh xabsiga gudihiisa iyo sidoo kale heshiisyo kale oo ka shaqeynta mukhaadraadka ah .

    Kooxdan yaa ka aasaasantay kana kooban kooxo tahriibeyaal ah oo ka soo cararay dalka eLsalvador dagaalkii dheera ee sokeeye e ka dhacay waxaana lgu yaqaanaa in ay yihiin kuwo rabshado aad xun ku kaca .

    FBI aya ku qiyaaseysa in kooxdaa ay leyihiin ilaa iyo 10 kun oo xubnood oo joga gudaha Mareykanka , taas oo ka dhigeysa koxda ugu ballaran eeshabakad dambiileyaal oo waddan ka jira .

  5. Rasaas laga maqlay madaxtooyada Guinea-Bissau

    Wararka ka imanaya caasimadda dalka Guinea Bissau ee Bissau ayaa sheegaya in rasaas xooggan laga maqlay agagaarka madaxtooyada dalkaas xilli ay shir ku jireen madaxweynaha dalkaas Cumaro Embalo iyo Ra’isulwasaarihiisa Nuno Gomes Nabiam.

    Wararkii ugu dambeeyay waxa ay sheegayaan in hal askari uu ku dhintay rasaasta iyada oo ciidamo ay hareereen ku sameeyeen dhismaha.

    Hase yeeshee waxaa la sheegay in rasaasta ay qaboowday , iyada oo la arkayay dad ka cararaya aagga madaxtooyada.

    Gaadiid militari ayaa dariiqyada lagu arkayaa, lamana oga sida ay wax u socdaan xilli dalal dhawr ah oo Afrikaan ah uu afgembi ka dhacay.

    Bissau
    Qoraalka sawirka, Bissau
  6. Dalka ay haweeney madaxweyne ka tahay guddoomiyaha baarlamaankana loo doortay haweeney

    Dr Tulia

    Dr. Tulia Ackson ayaa ku guuleysatay doorashada kursiga guddoomiyaha baarlamaanka ee dalka Tanzania, arrintaas oo bog cusub u fureysa waayaha siyaasadeed ee xildhibaanaddan laga soo doortay degmada Mbeya.

    Waxa ay tartan loollan adag ah uga guuleysatay siddeed murashax oo kale, iyadoo heshay 376 cod.

    Dkt.Tulia waxa ay noqoneysaa haweeneydii labaad ee af hayeen ka noqota Baarlamaanka Tanzania.

    Balse waxaa taas sii dheer in waddankaas ay xilligan madaxweyne ka tahay haweeney kale oo lagu magacaabo Samiya Suluxu Xasan, oo xilka qabatay markii uu geeriyooday madaxweynihii dalkaas, bishii March ee sanadkii 2021-kii.

    Samiya oo xilligaas madaxweyne ku xigeen ahayd ayaa noqotay haweeneydii ugu horreysay abid ee qabatay jagada ugu sarreysa dowladda.

  7. Ra’isalwasaare Boris Johnson oo loogu baaqay in uu iscasilo

    Boris Johnson

    Hoggaamiyaha mucaaradka ee hor kacaya xisbiga shaqaalaha UK ee Labour-ka, Sir Keir Starmer, ayaa mar kale ku celiyey dalabkiisa ku aaddan in Ra’isalwasaare Boris Johnson uu baneeyo xafiiska.

    Baaqan ugu dambeeya ayaa ku soo aadaya daabacadii warbixinta baaritaankii hormuudka ay ka aheyd gabadha lagu magacaabo Sue Gray ee baaraysay in xafladihii lagu qabtay xafiiska Ra’islawasaaraha intii lagu jiray xayiraadaha Covid-ka ay ka soo hor jeedeen sharuucdii dalka loo dajiyey ee ku aadanaa xakameynta fayraska Corona.

    Sir Kier Starmer ayaa Ra’islawasaaraha ku eedeeyay inuu yahay “nin naftiisa badbaadinaya”, isagoo sheegay in danta dalka ay ku jirto in Boris Johnson uu is caliso.

    Hoggaamiya haxisbiga Labour-ka wuxuu sheegay in codbixiyayaashu ay ka caraysan yihiin sida Ra’isalwasaaruhu uga mashquulay arrimo muhiim ah oo ay ka mid yihiin sicir bararka, uuna ku hawlan yahay inuu “xilkiisabadbaadso”.

    Sir Kier wuxuu carabka ku adkeeyay in ay tahay wax “malaayacni ah” in Boris Johnson uu yiraahdo baaritaanka Booliiska ayaa ii diiddan in uu u sheego xildhibaanada Baarlamanka in uu joogay xafladdii ka dhacday xafiiskiisa 13-kii November 2020.

    “Si wanaagsan ayuu u og yahay inuu joogay goobta, wuxuuna ina gadhigayaa dad aan caqli laheyn”, ayuu yiri hogaamiyaha mucaaradka oo BBC-da la hadlayey.

    Dhanka kale, inkastoo Boris Johnson wajahayo baaritaan iyo cadaadis adag ayna ka soo horjeesteen qaar ka mid ah xisbigiisa Conservative-ka hadana wali wuxuu haystaa taageerada xubnaha ugu cad cad xisbiga talada haya.

    Ku xigeenkiisa ahna xoghayaha caddaalada, Dominic Raab, ayaa BBC-da u sheegay in Boris Johnson uu si dhab ah u qaadanayo warbixinta Sue Gray, uuna isku dayayo in uu wax saxo.

    Mr Raab wuxuu farta ku fiiqay in Ra’isalwasaaruhu raaligalin bixiyey, islamarkaana shaqo wanaagsan qabtay marka ay timaado qaybinta tallaalka Covid-ka iyo dib u soo kabashada dhaqaalaha.

  8. Gabar maxkamad u dacwootay si loogu fasaxo inay Xijaab ku dhigato Fasalka

    Ardayda gabdhaha ah ayaa doonaya inay xijaab ku dhigtaan fasalka
    Qoraalka sawirka, Ardayda gabdhaha ah ayaa doonaya inay xijaab ku dhigtaan fasalka

    Mid kamid ah gabdhaha wax kabarta jaamacad ku taala dalka Hindiya, gaar ahaan degmada Udupi, ayaa maxkamad dacwad u gudbisay si loogu oggolaado xirashada xijaabka marka ay fasalka ku jirto.

    Codsiga qoraalka dacwada ah waxaa gudbisay Resham Faaruuq, oo uu qareen u yahay walaalkeed Mubaarak Faaruuq.

    Waxay ku doodayaan in xaq ay u leedahay xirashada xijaabka ayna tahay xuquuq uu siinayo dastuurka dalka.

    Guddoomiyaha Udupi iyo guddiga jaamacadda K Raghupati Bhat, oo la kulmay ardaydii jaamacadda oo ka mudaaharaadayay in loo diiday xirashada xijaabka, ayaa si cad u sheegay in ardayda xijaaban aan loo oggolaan doonin in ay fasalka xaadiraan.

  9. Kenya oo UK u gacan gelisay "Soomaali" loo heysto inay dilal geysteen

    Kenya Directorate of Criminal investigation
    Qoraalka sawirka, Maxamuud Siyaad Abdixakiim oo 24 jir ah iyo Monteiro Tariq Kennedy Mangal, oo 21 jir ah

    Kenya ayaa tarxiishay muwaadiniin u dhashay dalka Britain, kuwaasi oo loo haysatay dacwad dil ah oo ka geysteen dalkaasi Britain.

    War qoraal ah oo ka soo baxay waaxda dambi baarista dalka Kenya ayaa lagu sheegay in dambi-baarayaashu ay raggan ka soo qabteen xaafad ku taala mgaalada Nairobi oo lagu magacaabo Kilimani, halkaasi oo ay ku dhuumaaleysanayeen.

    Maxamuud Siyaad Abdixakiim oo 24 jir ah iyo Monteiro Tariq Kennedy Mangal, oo 21 jir ah ayaa lasoo xiray kaddib markii ay laamaha ammaanka heleen xogo sirdoon ah.

    Raggan ayaa waxaa loo heystaa inay dileen wiil 16 jir ah oo magaciisa lagu sheegay Alex Smith, kaas oo toori lagu dilay gudaha xaafadda Camden sanadii 2019-kii.

    Kenya Directorate of Criminal investigation
    Qoraalka sawirka, Tooreeydii uu watay mid kamid ah raga la soo xiray

    Booliska Britian ayaa rumaysan in mid ka mid ah labada nin ee baxsadka ahaa ee la qabtay uu fuliyay weerarka toorida, halka midka kalena uu saarnaa mid ka mid ah labo baabuur oo la xaday oo ku lug lahaa dhacdadaasi.

    Falkan ayaa la sheegay in uu ka dhashay xifaaltanka burcadda. Dambi baarayaasha ayaa sheegay in Tariq uu watay kaarka aqoonsiga Soomaaliya oo uu ku qoran yahay magaca Cabdulahi Abshir Maxamed iyo tooreey. Labo nin oo kale oo iayaguna lala xiririnayay dilka wiilkaasi 16-jirka ah oo haray loo xukumay ayaa xabsi ku yaalla UK ku dhameystay muddadii lagu xukumay

  10. Faahfaahin: Dagaal khasaare geystay oo ka dhacay duleedka degmada Balanbal

      • Author, Ibrahim Aden
      • Role, BBC Africa, Mogadishu

    Ugu yaraan 10 qof ayaa lagu dilay, in kabadan labaatan kalena waa lagu dhaawacay, dagaal miliishiyo beeleedyo iska soo horjeeda ku dhexmaraya duleedka degmada Balanbal ee gobolka Galgaduud. Dagaalka oo xooggiisu ka dhacayo, xadka Balanbal ay la wadaagto dawlad deegaanka soomaalida ee Itoobiya ayaa soo bilowday shalay galinkii dambe.

    Dagaalka ayaa salka ku haya, aanooyin dil ahaa oo horey u dhexmaray, reerraha dagaalamaya iyo dhul daaqsimeed ay isku hayaan.

    Weriyaha BBC-da ee Muqdisho Ibraahim Maxamad Aadan ayaa taleefanka kula hadlay gudoomiyaha degmada Balanbal, Jaamac Xayle, wuxuna marka hore weydiiya bal inuu sheego halka dagaalku ka socdo, iyo khasaaraha uu dhaliyay.

    Qoraalka Codka, Dagaal khasaare dhaliyay oo ka dhacay degmada Balanbal
  11. Waddan ka carooday in magaciisa lagu daray liis ay Soomaaliya ku jirto

    Bogota

    Dowladda Colombia ayaa ka carootay in waddankaas lagu daray liiska warbixinta Qaramada Midoobay ee 20 dal oo ay ka jirto “baahi daran”, sida ay tebisay Wakaaladda Wararka ee AFP.

    War Isniintii kasoo xukuumadda Bogota ayaa lagu dalbaday in Colombia laga saaro liiska waddamada lagu tilmaamay inay halis ugu jiraan “raashin la’aan.”

    Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Colombia ayaa xafiiska hay’adda FAO ee magaalada Rome u gudbisay go’aanka ku saabsan sida ay uga soo hor jeedaan war bixintaas, sida ay ku warrameen warbaahinta dalkaas.

    Warbixinta carada dhalisay waxaa isbuucii lasoo dhaafay si wadajir ah u shaaciyay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Cuntada iyo Berraha iyo hay’adda Caafimaadka Adduunka.

    Waxaa lagu sheegay in “dad ay tiradoodu gaareyso 7.3 milyan oo reer Colombia ah ay heystaan dhibaatooyin cunto la’aan ah ayna u baahan yihiin in raashin lagu caawiyo 2022-ka.”

    Waddamada kale ee liiska ka muuqda waxaa ka mid ah Soomaaliya, Suudaanta Koonfureed, Itoobiya, Madagascar iyo Yemen.

  12. Lix dhallinyaro ah oo xukunno kala duwan loogu riday Puntland

    Xukun

    Lix dhallinyaro ah ayaa xukunno kala duwan lagu riday kaddib markii ay dacwaddii ku socotay go'aan kasoo saartay Makxmadda Ciidamada Qalabka Sida ee dowlad Goboleedka Puntland.

    Dhallinyaradan oo ku eedeysnaa inay ka tirsan yihiin al-Shabaab ayaa afar ka mid ah lagu xukumay dil toogasho ah halka labada kalena lagu riday xukunno xabsi sannado ah.

    Garsooraha maxkamadda ayaa dil ku xukumay Barkhad Cawil Xirsi, Cabdullaahi Faysal Xuseen, Liibaan Aadan Muuse iyo Farxaan Faysal Salaad.

    30 sano oo xarig ah ayaa lagu xukumay mid ka mid ah dhallinyarada oo lagu magacaabo Cabdiqani Farxaan Cabdullaahi halka 20 sano lagu xukumay Cabdiraxmaan Cawil Maxamed.

    Weli ma cadda in ay racfaan ka qaadan doonaan xukunka iyo in kale.

  13. Dacwadda dilkii Thomas Sankara oo la hakiyay

    Thomas Sankara

    Maxkamad ku taalla waddanka Burkina Faso ayaa hakisay dacwadda la xiriirta dilkii madaxweynihii hore ee dalkaas, Thomas Sankara, oo ay wajahayeen eedeysaneyaal.

    Sankara oo ahaa hoggaamiyihii kacaanka dalkaas ayaa la dilay sanadkii 1987-kii.

    Qoyska Mr Sankara ayaa codsaday in la hakiyo kiiska sababo la xiriira afgambigii militari ee waddankaas ka dhacay isbuucii lasoo dhaafay.

    Waxa ay sheegeen in ay dib u billaabi doonaan marka sharciga dastuurka lagu soo celiyo dalka.

    Midowga Afrika ayaa Isniintii sheegay inuu xubinnimada ururkaas ka saaray Burkina Faso, go’aankaas oo yimid afar maalmood kaddib markii urur goboleedka Galbeedka Afrika ee Ecowas uu sidoo kale iska saaray Burkina Faso.

    Wafdi isku dhaf ah oo ka kooban Qaramada Midoobay iyo Ecowas ayaa ku sugan magaalada Ouagadougou si ay wada hadal ula yeeshaan hoggaanka militariga.

  14. Assalaamu Calaykum

    Subax wanaagsan. Kusoo dhawaada tebinta tooska ah ee BBCSomali.com maanta oo Talaado ah.

    Halkan kala soco wararkii ugu dambeeyay ee dhulka Soomaalida, iyo deegaamadooda qurbaha, wararka gobolka iyo calaamka intiisa kalaba.