Trump oo isku diyaarinaya inuu magacaabo jagooyin sarsare kadib markii ay Kamala ballan qaaday inay ka caawin doonto xil-wareejinta

Ku soo dhowaada tebinta tooska ah ee maanta oo aan ku eegi doonno

Tebin toos ah

  1. Bukaannada Falastiiniyiinta ee qaba xaalad caafimaad oo naadir ah oo laga daadgureyay Gaza

    Gaza

    In ka badan 200 oo qof oo qab dhaawacyo halis ah iyo kuwa aad xanuunsan oo Falastiiniyiin ah iyo daryeelayaashooda ayaa laga daadgureeyay Gaza, mid ka mid ah hawlgalladii ugu weynaa ee noocan oo kale ah muddo bilo ah, sdia ay sheegtay Israa'iil .

    Hawlgalka – oo ay kormeeraysay Cogat, oo ah hay’adda milatariga Israa’iil ee mas’uulka ka ah arrimaha bini’aadannimada ee Gaza, iyo Ururka Caafimaadka Adduunka – ayaa 231 ree Gaza ah oo loo oggolaaday in ay maraan marinka Kerem Shalom ee ay Israa’iil maamusho.

    Waxa ka mid ah dadka qaba cudurrada difaaca jirka, cudurrada dhiigga, kansarka, xaaladaha keliyaha iyo dhaawacyada aragagax leh.

    WHO waxa ay sheegtay in ay wali jiraan ilaa 14,000 oo qof oo sugaya in la qaado sababo caafimaad.

    Israa'iil iyo Masar ayaa xiray marinkooda Gaza kaddib markii Xamaas ay weerar ku qaadday Israa'iil 7-dii Oktoobar ee sannadkii hore.

    Ku dhawaad ​​4,900 bukaan oo Falastiiniyiin ah oo u baahnaa daaweyn dibadda ah ayaa loo ogolaaday inay baxaan intii u dhaxeysay November, markii Masar ay dib u furtay isgoysyada Rafah si loogu daadgureeyo caafimaadka, iyo bishii May, markii Masar ay xirtay marinka kaddib markii ciidamada Israel ay qabsadeen dhanka Gaza.

  2. Biden oo jeediyay Khudabddii ugu horreysay ee meel fagaare ah kaddib dib u doorashadii Trump

    USA

    Hadalkiisii ​​ugu horreeyay ee fagaare u ka jeediyo tan iyo markii xisbigiisa Dimuqraadiga ah uu lumiyay Aqalka Cad, Joe Biden wuxuu sheegay in guulaha madaxweynanimadiisa la dareemi doono toban sano.

    Waxa uu ballan qaaday in uu si habsami leh oo nabad ah ugu wareejin doono dhaxal-sugaha Donald Trump.

    Waxa aan ka tageynaa dhaqaalaha ugu xooggan adduunka," ayuu yiri.

    "Hadda waxa aan haysanaa 74 maalmood oo aynu ku dhammeeynayno waqtiga muddo xileedkayagu, aynu maalin walba xisaabinno" ayuu yiri, waxaa uu intaas ku daray inay tani tahay mas'uuliyad saaran xukuumad ahaan.

    "Guuldaradu waa mid aan laga maarmi karin, laakiin quusashadu waa mid aan la cafin karin," ayuu raaciyay.

    Dhammaanteen waa nalaga adkaaday ayuu yiri, laakiin "cabbirka dabeecaddeena" waa sida aan dib uguso noqonno.

    Hadalka Biden ayaa ahaa mid niyad-qaboojin u ahaa taas oo l,ooga dan lahaa in lgu qaboojiyo heerkulka taageerayaashiia.

  3. Biden oo la hadli doona dadka Mareykanka kaddib markii dib loo doortay Donald Trump

    USA

    Madaxweyne Biden ayaa la hadli doona dadka Mareykanka wax yar ka dib Khudbaddiisi ugu horreeysay ee meel fagaare ah uu ka jeediyo tan iyo markii dib loo doortay Donald Trump.

    Biden, oo soo afjaray ololihiisii ​​dib-u-doorashada bishii Luulyo iyada oo ay sii kordhaysay dhaleecaynta loo jeedinayey dooddiisa liidatay ee uu la galay Trump, Bdien ayaa taageeray Harris in ay tahay qofka ugu fiican ee isaga ku beddeli kara tartanka.

    "si aan aan caadi ahayn, waxay sare u qaaday oo hogaamisay olole taariikhi ah," ayuu yiri Biden, isaga oo intaa ku daray in uu dooratay madaxweyne ku xigeenkiisa in ay ahayd "go'aankii ugu wanaagsanaa" ee uu qaato.

    War saxaafadeedka laguma xusin natiijada doorashada iyo xilliga kala guurka ah ee imaan doona, balse horraantii maanta ayuu baraha bulshada soo dhigay inuu mowduucyadaas uu kaga hadli doono hadal uu shacabka uga jeedinayo Aqalka Cad.

    Waxaan sidoo kale ognahay in Biden uu horey u wacay Trump si uu ugu hambalyeeyo guushiisa isaga oo uu ku casumay Aqalka Cad si uu ugala hadlo maraxaladda kala guurka.

  4. Dowladda Japan oo Soomaaliya ka cafisay lacag deyn ah oo ka badan 100 milyan oo dollra

    Somalia

    Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in dhamaan daymihii dowladda Japaan ku laheed Soomaaliya ay kacafisay kaddib kulan ka dhacay magaalada Niarobi oo uu ka qyab galay wasiirka maaliyadda dowladda federaalka Soomaaliya ayna ku kala saxiixdeen labada dal heshiis arrintaa la xiriira.

    Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige iyo Safiirka Dowladda Japan ee Dalka Kenya Mr. Ogihara Hiroshi, ayaa maanta si wadajir ah u saxiixay heshiis Dowladda Japan ay ku cafinayso lacag dhan 14-Bilyan oo lacagta Japan ah, doolar ahaan u dhiganta in ka badan Boqol Milyan oo Doolar.

    Tallaabadaan ayaa qayb ka ah hannaan muddo soo socday oo Soomaaliya looga cafinayo daeymo ay ku leeyihiin dalal iyo hay'ado caalami ah.

  5. Nato oo doonaysa in ay Trump kala shaqeeyaan khatarta ka soo socota Ruushka iyo Kuuriyada Waqooyi

    NATO

    Madaxa Nato Mark Rutte ayaa saaka la hadlayay warbaahinta ka hor shirka madaxda Yurub ee maanta ka furmaya Budapest.

    Isagoo tixraacaya ku lug lahaanshaha Kuuriyada Waqooyi ee dagaalka Ukraine iyo bixinta tignoolajiyada Ruushka ee Kuuriyada Waqooyi, Rutte waxa uu sheegay in uu rajaynayo "in uu la fariisto Donald Trump" si ay baaraan hanjabaadahaas "si wada jir ah".

    Waxa uu intaa ku daray in iskaashiga labada dal aanu "khatar ku ahayn qaybta Yurub ee Nato oo keliya balse sidoo kale uu khatar ku yahay dhul weynaha Maraykanka."

    Dhamaadkii bishii hore, Nato ayaa markii ugu horeysay sheegtay in ciidamada Kuuriyada Waqooyi la geeyay dalka Ruushka, arrintaas oo ay kooxda ammaanku ku tilmaantay "in ay xaaladda sii adkeyneyso".

  6. Ra’iisulwsaarah Poland oo sheegay in madaxtinimada Trump ay cawaaqib xun ku yeelan doontaa ammaanka Yurub

    Poland

    Ra’iisulwasaaraha Poland Donald Tusk ayaa sheegay in guusha Donald Trump ee doorashada madaxtinimo ee Mareykanka ay cawaaqib xub ku yeelan doonto ammaanka Yurub, balse wuxuu intaas ku daray in uusan si sax ah u saadaalin karin cawaaqibtaasi.

    "Doorashooyinka Maraykanku waxay cawaaqib xun ku yeelan doonaan siyaasadda Yurub, gaar ahaan dhinaca ammaanka," ayuu ku sheegay shir jaraa'id ka hor inta uusan u duulin Budapest oo uu kaga qaybgalayo shir madaxeedka hoggaamiyeyaasha Yurub.

    "Annaga, aad ayay muhiim noogu tahay, waxa aan rabaa in aan xoogga saaro tan, Poland waxay leedahay dana si cad loo qeexay," ayuu yiri.

    Ra'iisul wasaaraha Poland ayaa sheegay in fariintiisa ugu weyn ee uu u dirayo hogaamiyayaasha kale ee Yurub ay noqon doonto "in la xoojiyo xiriirka transatlantic", isaga oo intaa ku daray in uu "xiriir shaqsiyeed oo wanaagsan" la lahaa Trump xilligiisii ​​ugu horeyay ee uu ahaa Madaxweynaha Golaha Yurub.

    Waxa uu Trump ku tilmaamay saaxiib “loo baahanyahay” kaas oo aan aa saadaalin Karin siyaasaddiisa ku wajahan xulafadiisa iyo cadawgiisaba.

    "Waa inaan u diyaargarownaa isbeddel marka la barbar dhigo madaxweynenimada Joe Biden. Tani miyay nooga dhigantahay arrimaha muhiimka ah ee amniga, Ukraine, Ruushka, dagaalka -in isbeddel u uku yimaado Washington? Ma garanayo qof si sax ah uga jawaabi kara asu’aashan,” ayuu intaasi raaciyay.

  7. Hogaamiyayaasha adduunka oo carrabka ku adkeeyay muhimadda ay leedahay taageerida Ukraine doorashada Trump kadib

    USA

    Haddii aan ka nasano Maraykanka oo aan u gudubno Hungary - halkaas oo hoggaamiyeyaasha ay ku kulmayaan si ay uga hadlaan caqabadaha ammaanka ee Yurub.

    Ra’iisul wasaaraha Finland Petteri Orpo ayaa ka hor shir madaxeedka u sheegay suxufiyiinta in dalalka Yurub looga baahan yahay inay fariin cad u diraan Mareykanka iyo maamulka Trump ee imaan doona taas oo ku saabsan dalka Ukraine, isagoo sheegay inay taageerayaan Ukraine intii loo baahdo.

    Finland, oo xubin ka ah Midowga Yurub, ayaa ku biirtay NATO kaddib duulaankii Ruushka ee Ukraine 2022.

    Dagaalka Gaza iyo Lubnaan ayaa sidoo kale la filayaa in laga wada hadlo. Socdaalka aan joogtada ahayn iyo ilaalinta dhaqaalaha ayaa sidoo kale la sheegay inay ka mid yihiin ajandaha.

    Kulanka shanaad, Bulshada siyaasadda Yurub ee Budapest ayaa waxaa ka qeybgalaya 47 madax dowladeed oo ay ka mid yihiin iyo dawlado ka socda dalal ay ka mid yihiin UK iyo Ukraine iyo sidoo kale hay'adaha EU.

  8. Yaa ka mid noqon doono golaha wasiirada Trump?

    USA

    Donald Trump intii uu ku guda jiray ololihiisa doorashada waxa uu sameeyay ballanqaadyo yar oo ku saabsan qaar ka mid ah cidda uu doonayo in uu ku daro maamulkiisa.

    Susie Wiles: Waxaa loo arkaa inay door muhiim ah ka ciyaartay tartanka madaxtinimada ee Trump, waxayna noqon kartaa madaxa shaqaalaha ee xiga. Lataliyihii hore ee siyaasadda gudaha Brooke Rollins ayaa sidoo kale loo arkaa inuu buuxin karo booskaas.

    Mike Pompeo: Agaasimihii hore ee CIA iyo xoghayihii hore ee arrimaha dibadda ee madaxtinimadii ugu dambeysay ee Trump waxaa lagu tilmaamaa inuu uu sharraxanyahay xoghayaha difaaca.

    Ric Grenell: Waxa uu soo noqday safiirka Maraykanka ee Jarmalka iyo ku simaha agaasimaha sirdoonka qaranka ee maamulkii ugu dambeeyay ee Trump. Waxa loo maleynayaa inuu u tartamayo xoghayaha dawladda ama la taliyaha amniga qaranka.

    Elon Musk: Waxaan aragnay oo aan maqalnay wax badan Elon Musk - ninka ugu taajirsan dunida - doorashadan. Trump ayaa ka dhawaajiyay in uu Musk u dhiibi doono boos aan ka tirsanayn golaha wasiirada maamulkiisa si uu gacan uga geysto baabi'inta waxyaabaha aan loo baahneyn ee dowladda, waxana uu bilyaneerkan ku tilmaamay "Waaxda Waxtarka Dowladda

  9. Israa'iil oo 40 qof ku dishay koonfurta dalka Lubnaan

    Ugu yaraan 40 qof ayaa lagu dilay duqeymo ay Arbacadii shalay ahayd Israa’iil ka geysatay Koonfurta waddanka Lubnaan, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka Lubnaan.

    Sarkaal ka tirsan Israa’iil, ayaa sheegay in weerarrada ka dhacay magaalada Bacal-beek iyodooxada beqaac, lala beegsaday kooxda Xisbullah ee ay Iiraan taageerto.

    Wasiirka arrimaha dhaqanka ee Lubnaan ayaa sheegay in mid kamid ah duqeynahaas ay burburiyeen dhisme la dhisay xiligii cusmaaniyiinta, kaas oo ku yaala magaalada Baalbek.

    Israa’iil waxay sheegaysaa in bartilmaameedka kaliya uu yahay goobaha Xisbullaah, balse shaqaalaha gurmadka ee Ciidanka Difaaca Rayidka Lubnaan ayaa sheegay in dad badan oo rayid ah, oo ay ku jiraan haween iyo carruur, la dilayo.

  10. Trump oo isu diraanaya magacaabidda jagooyinka sarsare kadib ballan qaad ay sameysay Kamala

    .
    Qoraalka sawirka, .

    Donald Trump, ayaa isu diyaarinaya inuu xubno u magacaabo jagooyinka ama xilalka sarsare, ka hor inta uusan dib ugu laaban aqalka cad.

    Tani ayaa imaaneysa kadib markii Kamala Harris, ay ballan qaaday inay ka caawin doonto inay si nabad leh xilka ugu wareejiso isla markaana ay ka qeyb qaadan doono howlahaas.

    Harris ayaa qiratay in looga adkaaday doorashada madaxtinimo.

    Khudbadeeda ugu horreysay ee ay jeedisay kadib guul darada so gaartay, ayaa waxay taageerayaasheeda u sheegtay in “dad badan ay dareemayaan inaanu galnay xili mugdi ah”.

    Trump ayaa ku guuleystay 5 kamid ah 7-da gobol ee aadka loogu tartamo ee muhiimka ah, wuxuuna sidoo kale ku horreeyaa laba gobo loo aan weli la shaacin natiijadooda, kuwaas oo kala ah Nevada iyo Arizona.

    Maalmaha soo socda ayaa lagu wadaa inu xubnaha magacaabo.

  11. Maxay Iiraan ka tiri guusha Trump?

    .
    Qoraalka sawirka, .

    Guusha madaxweyaha la doortay ee Mareykanka, Donald Trump, ayaa falcelinno kala duwan ka dhaliyay gudaha dalka Iiraan, iyadoo qaarkood ay ka baqayaan inuu sii xoogeysto dagaalka iyo saameyn dhaqaale oo dhacda, halka qaar kalena ay rajeynayaan in mowqifkiisa adag uu isbedel adag ku keeni karo siyaasadda Iiraan.

    Afhayeenka dowladda Iiraan, Fatemeh Mohajereni, ayaa Arbacadii shalay la soo wariyay inay tiri: “doorashada Mareykanka ma saameyneyso nolosha dadka reer Iiraan”.

    Mas’uuliyiinta waddamada Carabta iyo reer galbeedka, ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay, in Trump uu dib u soo celin karo “cadaadiskiisa siyaasadeed” oo uu cunaqabateyn ku soo rogo shirkadaha shidaalka ee Iiraan oo uu maal geliyo Israa’iil si ay u weerarto xarumaha nukliyeerka Iiraan sidoo kalena uu dilal geysto.

    "Doorashooyinka Mareykanka nama khuseeyso. Siyaasadaheena way adagyihiin shaqsiyaadna waxba kama bedelayo”, ayay tiri afhayeenka dowladda Iiraan.

    Dadka reer Iiraan ayaa siyaabo kala duwan uga falceliyay guusha uu Trump ka gaaray doorashada Mareykanka.

    “Waxaan ku faraxsanahay in Trump guuleystay. Waxaan rajeynayaa inuu sii wadi doono cadaadiskiisa xooggan ee ka dhanka ah jamhuuriyadda islaamka isla markaana ay horseedi doonto inuu Meesha ka baxo nidaamka hadda jira”, ayay tiri Zohre oo 42 sano jir ah oo ku nool Texraan.

    Qaar ka mid ah shacabka Iiraaniyiinta sida macalinka hawlgabka ah, Hamidreza, ayaa ka walwalsan cadaadis dhaqaale oo dheeraad ah haddii Trump uu sii wado siyaasaddii adkayd ee uu soo rogay sannadii 2017-202-ki.

    Sanadkii 2018-kii, xukumadii Trump ee xiligaas jirtay ayaa ka baxay heshiiskii nukliyeerka Iiraan, oo sidoo kale lix waddan oo waaweyn oo reer galbeed ah ay la galeen Iiraan, wuxuuna Trump Iiraan ku soo rogay cunaqabateyno adag.

  12. Gobolka Mareykanka ku yaalla ee soo jiidanaya muhaajiriinta iyadoo Trump uu ballan qaaday inuu tallaabo ka qaadayo qulqulka soo galootiga

    .
    Qoraalka sawirka, .

    Soo galootiga ayaa ah arrin aad u weyn doorashada madaxtinimada Mareykanka ee soo socota, iyadoo Kamala Harris iyo Donald Trump labaduba ay ballan qaadeen inay yareynayaan tirada dadka ka gudbaya xadka Mexico. Laakiin mid ka mid ah gobollada Mareylanka ayaa ku dadaalaya sidii uu u soo jiidan lahaa muhaajiriin badan.

    Waa wakhtiga qadada warshada farsamaynta kalluunka ee Cordova, oo ah magaalo kalluumaysi oo ku taal cirifka Webiga Copper Delta ee Gacanka Alaska.

    Laakiin cuntada halkan waa ay ka duwan tahay tan Maraykanka, waxaa laga cunaa tacos iyo tortillas oo ah cuntooyinka ay intooda badan cunaan Mexico ah.

    Sida muhaajiriinta kale ee u safra kumanaan mayl sannad kasta si ay uga shaqeeyaan beeraha iyo kalluunka Alaska, waxay soo jiitaan rajada ah inay helaan dakhli ka badan inta ay guriga joogaan.

  13. Kamala Harris ma shaqo la'aan ayay noqon doontaa doorashada kadib?

    .
    Qoraalka sawirka, .

    Kamala Harris oo looga adkaaday doorashada madaxtinimo ee waddanka Mareykanka, ayaa sii wadi doonta shaqadeeda, oo waxay sii ahaan doontaa madaxweyne ku xigeen iyadoo la shaqeyn doontaa madaxweyne Joe Biden, ilaa iyo inta xilka loogu wareejinayo Donald Trump iyo ku xiigeenkiisa JD Vance, 20-ka bisha January ee sanadka soo socda 2025-ta.

    Balse marka xilka loo dhaariyo madaxweynaha la doortay, Donald Trump iyo JD Vance, Biden iyo Harris, labadooduba xil siyaasadeed kama heyn doonaan dowladda Mareykanka.

    Si ka duwan siyaasadaha Ingiriiska, ma jiri doonto fursad lamid ah ama u dhiganta “hogaamiye mucaaradka” oo Kamala Harris, waxay noqon doontaa shaqo la’aan balse taasi kama dhigna inaysan heli doonin fursado shaqo oo kale.

    Sii akhriso