TOOS , Ciidanka Ilaalada Kacaanka Iran: Waxaan beegsanay diyaaraddii 58-aad ee Maraykanku leeyahay
Waaxda xiriirka dadweynaha ee Ilaalada Kacaanka Iran, ayaa ku dhawaaqday inay beegsadeen diyaarad casri ah oo aan duuliye lahayn, nooca MQ-9, taas oo uu leeyahay milatariga Maraykanka, kuna sugnayd hawada sare ee marin-biyoodka Hormuz.
Sida lagu sheegay qoraal la soo dhigay barta Faceboog ee Madaxtooyaddda
Turkiga, madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la qaatay taliyaha
Ciidanka Milatariga Jamhuuriyadda Türkiye, Jeneraal Selçuk Bayraktaroğlu.
Madaxtooyadda Soomaaliya waxay sheegtay in kulanka looga
hadlay xoojinta xiriirka ka dhexeeya
Soomaaliya iyo Türkiye,“sii adkeynta iskaashiga labada dal ee dhinacyada
difaaca iyo amniga, iyo dardargelinta dadaallada wadajirka ah ee lagula
dagaallamayo argagixisada caalamiga ah.” ayaa lagu yiri qoraalka.
Turkiga ayaa Soomaaliya ku leh saldhig ciidan kaas oo sidoo kale
uu tababar ku siiyo cutubyo ka tirsan ciidamada Soomaaliya.
Xiriirka u dhaxeeya Ankara iyo Muqdisho ayaa dhowr iyo
tobbankii sane ee la soo dhaafay ahaa mid xooggan, marka la eego dhinacyada
iskaashiga difaaca, taageerada, iyo maalgashiga Turkiga ee Soomaaliya.
War deg deg ah, Madaxweyne ku xigeenka Trump oo shaaciyay hadal aan horey looga maqli jirin
Xigashada Sawirka, EPA
Madaxweyne ku-xigeenka Maraykanka JD Vance ayaa ka gaabsaday inuu sheego inuu qaadan lahaa go’aankii Madaxweyne Donald Trump ee weerarka milatari ee Iiraan, haddii go’aankaasi isaga gacantiisa ku jiri lahaa.
Hadalkiisa ayaa yimid xilli Trump uu mar kale difaacay weerarka, isaga oo sheegay inuu go’aankaas mar kale qaadan lahaa haddii xaaladdu soo noqoto.
Vance ayaa hore dagaalka Iiraan ugu tilmaamay sabab weyn oo keentay guuldarradii xisbiga Jamhuuriga ee doorashooyinkii dhexe ee Kongareeska, isaga oo yiri: “Sababta guuldarradeennu waxay ahayd dagaalka.”
Trump ayaa sheegay inuusan ka xumaan mowqifka Vance, balse uu jeclaan lahaa inuu si cad u taageero go’aanka weerarka.
Vance kama uusan hadlin inuu taageersan yahay ama ka soo horjeedo dagaalka, balse wuxuu sheegay in ka hortagga in Iiraan hesho hubka nukliyeerka uu yahay ujeeddo muhiim u ah Maraykanka.
Vance oo hore door muhiim ah uga lahaa dadaallada diblomaasiyadeed ee lagu soo afjarayo colaadda Iiraan, ayaa hadda Trump faray inuu xoogga saaro arrimaha gudaha ee Maraykanka.
War deg deg ah, Qarax ka dhacay Ciraaq oo dhaliyay dhimasho iyo dhaawac
Xigashada Sawirka, Reuters
Ugu yaraan afar qof ayaa ku dhintay, 30
kalena way ku dhaawacmeen dab ka dhashay qarax ka dhacay warshad koronto oo ku
taalla magaalada Basra ee koonfurta Ciraaq. Mas’uuliyiinta ayaa ka cabsi qaba
in tirada dhimashadu ay intaas ka badato.
Sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka
Ciraaq, dhacdadu waxay ka dhacday warshadda korontada ee Haritha oo ku taalla
waqooyiga magaalada Basra. Wakaaladda wararka rasmiga ah ee Ciraaq, INA, ayaa
sheegtay in shaqaalaha gurmadka dab-demiska ay goobta gaareen, isla markaana ay
xakameeyeen dabka.
Mas’uuliyiintu waxay sheegeen inaan weli
la ogeyn sababta keentay qaraxa iyo dabka, sidoo kalena aan la shaacin qiyaasta
khasaaraha guud ee ka dhashay. Ilo dhinaca ammaanka ah ayaa sheegay in dabku uu
ku fiday xaafado ku dhow warshadda, taas oo sababtay in la hakiyo howlihii ay
warshaddu waday.
Saraakiisha ayaa sheegay in warshadda
Haritha ay awood u leedahay inay soo saarto 800 oo megawatt oo koronto ah,
balse ka hor dhacdada ay soo saari jirtay qiyaastii 400 oo megawatt.
Qaybta korontada ee Ciraaq ayaa muddo
tobannaan sano ah la daalaa-dhacaysay maalgelin yari, dayactir la’aan iyo
dhibaatooyin ka jira kaabayaasha dhaqaalaha. Dalka ayaa marar badan la kulma
koronto la’aan muddo dheer socota iyo cilado ku yimaadda nidaamka korontada,
gaar ahaan xilliga xagaaga oo baahida korontadu kororto.
Dababka iyo ciladaha farsamo ee ka dhaca
xarumaha tamarta, saldhigyada korontada iyo warshadaha korontada ayaa horey u
saameeyay sahayda korontada ee qaybo kala duwan oo dalka ka mid ah.
War deg deg ah, Xuutiyiinta Yemen oo weerarro ku qaaday caasimadda Sacuudiga ee Riyad
Xigashada Sawirka, Getty Images
Isbahaysiga milatari ee uu Sacuudigu hoggaamiyo ayaa
sheegay in uu soo riday saddex gantaal oo riddadoodu dheer tahay, kuwaas oo
fallaagada Xuutiyiinta Yemen ay ku rideen magaalada caasimadda ah ee Riyad.
War qoraal ah oo lagu baahiyay barta X ayuu
isbahaysigu ku sheegay in nidaamyada difaaca cirka ee Sacuudigu ay ogaadeen,
qabteen, isla markaana soo rideen dhammaan saddexda gantaal, sidaasna looga
hortagay isku day lagu doonayay in lagu weeraro caasimadda.
Dhanka kale, fallaagada Xuutiyiinta ayaa war-saxaafadeed
ay iyaguna ku baahiyeen X ku sheegtay in ay bartilmaameedsadeen goobo kala
duwan oo ku yaalla Sacuudiga, oo ay ku jiraan xaafado ay dadku deggan yihiin oo
ku yaalla caasimadda Riyad.
Shalay, isbahaysiga uu Sacuudigu hoggaamiyo ayaa
weerarro ka fuliyay dekedda Xudeydah iyo goobo kale oo ku teedsan xeebta Badda
Cas ee Yemen. Isbahaysigu weerarradaas ayuu ku tilmaamay “hawlgal gaar ah”.
Xuutiyiinta ayaa ku hanjabay inay ka aargudan doonaan
weerarradaas.
Dagaallada sokeeye ee Yemen ayaa toddobaadyadii u
dambeeyay mar kale sii xoogaystay, iyadoo ay kordheen weerarrada Xuutiyiinta ay
ku qaadayaan Sacuudiga.
Xanuunka Istarooga iyo waxyaabaha soo dadajiya ee ay Soomaalidu Isticmaasho
Xigashada Sawirka, Getty Images
Xanuunka Istarooga ama dhan qalalku waa natiijo ka timaada waxyeelo maxkasda ah, kaas oo ku dhaci kara waqti kooban gudahiis. Waxaa suura gal ah in qofku dareeemo kabuubyo gacmaha iyo lugaha ah, iyo hadalka oo googa’aya taas oo u baahan inaa dhaqtar la xiriirto.
Xanuunkan ayaa ka dhex dhacaa maskaxda iyo xididida waraabiya, kuwaas sababa in xididadu xirmaan ama dilaacaan. Inta badan 85% waxaa keena xididada xirma oo ah kuwa ugu saamaynta xun, sida ay qabaan dhaqaatiirtu.
"Maskaxda waxay leedhaay unugyo yar yar oo nool oo loo yaqaano Neurons kuwaas waxaa loogu yeeraa askarta shaqaynaysa, waxaana lagu qiyaaso boqol bilyan oo unug balse waxaa ka badan kuwa iyaga ilaaliya ee ka shaqeeya ilaalinta kuwa shaqayna si ay u helaan daryeel," ayuu yiri Dr. Maxamed Cabdi Gabboose oo ka mid ah dhaqaatirta Soomaalida.
DHaqtar Gaboose ayaa sharraxay in guud ahaan unugyada maskaxda ay u sameysan yihiin qaab ay isku caawin karaan.
"Maskaxdu waxay ledahay kayd ka yar kuwa murqaha jirka oo haddii ay waydo dhiiga waxaa durba bilowda dhimashada xididada," ayuu yiri Dr Gabboose.
War deg deg ah, War cusub: Markab shidaal oo hadda lagu weeraray Marin-biyoodka Hormuz iyo warar dheeraad ah oo ka soo baxaya
Xigashada Sawirka, Getty Images
Markab shidaal oo marayay marin-biyoodka
Hormuz ayaa dhabarka dambe lagaga dhuftay shay aan la aqoonsan, meel qiyaastii
11 mayl waqooyi ka xigta magaalada Khasab ee dalka Cumaan, sida ay sheegtay
Hay’adda Ganacsiga Badaha ee UK.
Lama soo sheegin cid wax ku noqotay
dhacdada, halka aan weli la ogeyn saameynta ay ku yeelatay deegaanka.
Khasab waxay ku taallaa Jasiiradda
Musandam ee dalka Cumaan, halkaas oo laga galo marin-biyoodka Hormuz.
Ka hor inta uusan bilaaban dagaalka
milatari ee u dhexeeya Maraykanka, Israa’iil iyo Iiraan, marin-biyoodkan
istaraatiijiga ah waxaa mari jiray qiyaastii shan boqolkiiba saliidda cayriin
ee dunida.
Gaadiidka badeecadaha ee mara
marin-biyoodkan ayaa hakad iyo carqalad galay tan iyo markii Iiraan ay tallaabo
milatari ka qaaday 28-kii Febraayo.
Laba hay’adood oo kale oo dowladda Maraykanka oo weeraro lagu qaaday
Xigashada Sawirka, Reuters
Waxaa la soo sheegay laba kiis oo kale oo la xiriira
weerarro dhanka internetka ah oo lagu qaaday hay’ado ka tirsan dowladda
Maraykanka.
Weerarradan ayaa ah kuwii ugu dambeeyay ee ka mid ah
weerarro dhanka internetka ah iyo cilado isdaba joog ah oo dhawaanahan
saameeyay kaabayaasha tiknoolajiyadda ee Maraykanka.
Hay’adda Dambi-baarista Federaalka ee FBI-da ayaa baaraysa
weerar la tuhunsan yahay in lagu jabsaday kaydkeeda xogta dambiyada, kaas oo
isku xira hay’adaha heer federaal, heer gobol iyo heer deegaan.
Dhanka kale, waxaa weerar dhanka internetka ah lagu qaaday
nidaamyada lacag-bixinta beeraleyda ee wasaaradda Beeraha Maraykanka.
Wasaaraddu waxay ka walaacsan tahay in qaybo kale oo ka mid ah shabakaddeeda ay
iyaguna saameeyeen weerarradu.
Bishii la soo dhaafay, waxaa weerarro dhanka internetka ah
lagu qaaday nidaamyada duulista, bangiyada iyo amniga qaranka ee Maraykanka.
Weerarradaasi waxay sababeen carqalado baahsan, waxayna horseedeen inuu is
casilo Sean Cairncross, oo ahaa sarkaalka ugu sarreeya ee Aqalka Cad u
qaabilsanaa amniga internetka.
Waxaa la rumeysan yahay in kooxaha wax jabsada ay
adeegsanayaan garaadka macmalka ah (AI) si ay u ogaadaan meelaha nugul ee
nidaamyada, kuwaas oo laga yaabo in aadanuhu uusan si fudud u ogaan karin.
War deg deg ah, Trump oo qiray in qiimaha shidaalka uu ku xiranyahay Iran
Xigashada Sawirka, Getty Images
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in
qiimaha shidaalku uu hoos u dhici doono ka hor intii uusan bilaaban hawlgalka
milatari ee Maraykanku ka fulinayo Iiraan, isaga oo saadaaliyay in qiimuhu si
weyn hoos ugu dhici doono dhawaan.
“Waxaad arki doontaan qiimaha oo aad u hooseeya muddo aan
fogayn,” ayuu Trump ka sheegay shir jaraa’id oo uu shalay qabtay.
Madaxweynaha Maraykanka ayaa intaas ku daray in qiimaha
shidaalka wixii hadda ka dambeeya uu ku xirnaan doono sida Maraykanku u xalliyo
khilaafka kala dhexeeya Iiraan.
Trump ayaa carrabka ku adkeeyay in Iiraan ay doonayso inay
heshiis la gaarto Maraykanka, balse aysan diyaar u ahayn inay aqbasho
shuruudaha Washington.
“Waxaan doonaynaa heshiis dhab ah, ee ma doonayno heshiis
been ah,” ayuu yiri.
Sacuudiga oo hadda war ka soo saaray qaraxyo laga maqlay
Isbahaysiga uu hoggaamiyo Sacuudiga ee dagaalka kula jira
Xuuthiyiinta Yemen ayaa sheegay inuu soo riday saddex gantaal oo lagu soo
tuuray caasimadda Riyadh.
Waxaa magaalada laga soo sheegay qaraxyo.
Tani waa markii labaad oo Xuuthiyiintu ay weerar ku qaadaan
Riyadh muddooyinkii u dambeeyay. Khamiistii, waxaa la weeraray dhismaha
dabaqyada ugu dheer magaalada, waxaana waxyeello soo gaartay dhowr
dabaq iyo dhismayaal kale oo ku dhowaa.
Xuuthiyiinta ayaa hore ugu hanjabay inay weerari doonaan
bartilmaameedyo ku yaalla guud ahaan Sacuudiga, kaddib weerarradii Jimcihii ay
isbahaysiga uu hoggaamiyo Sacuudigu ku qaadeen dekedda Xudeyda ee Badda Cas iyo
bartilmaameedyo kale.
BBC-da oo ogaatay arrin halisteeda leh oo Imaaraadku dhaqaale ku bixiyo
Xigashada Sawirka, Getty Images
Imaaraadka Carabta ayaa maalgeliyay dilal siyaasadeysan oo ka dhacay Yemen, baaritaan ay BBC-du sameysay ayaa sidaa lagu ogaaday, taasoo oo sii xumeyneysa colaadda ay ku lug leeyihiin dowladda Yemen iyo kooxaha ka dagaalamaya Yemen oo dhawaanahan soo jiidatay indhaha caalamka ee badda cas.
Tababarro ka dhan ah argagixisada oo calooshood u shaqeystayaal Mareykan ah ay siiyeen saraakiisha Imaaraadka ee Yemen ayaa loo adeegsaday in lagu tababaro dadka gudaha ah oo ku shaqeynaya qaab hoose, taasoo dhalisay sare u kac weyn oo xagga dilalka qorsheysan ah, sida ay BBC-da Carabi u sheegeen ilo wareedyo xog ogaal ah.
BBC-da ayaa sidoo kale ogaatay in inkastoo calooshood u shaqeystayaasha Mareykanka ay sheegeen in ujeeddada ay tahay mid lagu ciribtirayo kooxaha jihaad doonka ah ee Al-Qaacida iyo dowladda Islaamiga ah (IS) ee koonfurta Yemen, haddana Imaaraadku wuxuu sii waday in ay xubno hore oo Al-Qaacida ka tirsan uu u qoro ciidamada amaanka ee Yamen si ay ula dagaallamaan dhaqdhaqaaqa fallaagada Xuutiyiinta iyo kooxaha kale ee hubeysan.
Xusuusin-Warbixintaan waa sheeko ay BBC-du horey u baahisay
Trump ayaa Khamiistii, intii uu socoday kulan saddex
geesood ah oo taariikhi ah oo uu la yeeshay yeeshay hoggaamiyaha Shiinaha Xi
Jinping iyo Putin, ka sheegay in Putin
uu yahay “saaxiibkiis”, isla markaana ay muddo sannado ah lahaayeen xiriir
wanaagsan.
Zelensky ayaa weerarradii ugu dambeeyay ee Ruushka ku
qaaday Ukraine ku tilmaamay kuwii ugu cuslaa ee sanadkan dhaca. Waxa uu sheegay
in weerarradaasi ay sababeen dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad rayid ah,
kaddib markii Ruushku uu adeegsaday 110 gantaal, oo ay ku jiraan 27 gantaal oo
riddadoodu gaaban tahay, iyo in ka badan 400 oo diyaaradood oo aan duuliye
lahayn.
Saacado kaddib weerarrada Ukraine, Trump ayaa
weriyeyaasha kula hadlay Aqalka Cad, isaga oo sheegay in Putin uu doonayo in
dagaalka la soo afjaro.
“Zelensky iyo Putin labaduba waxay doonayaan in
dagaalku istaago, waana arrin wanaagsan inaan xiriir la leeyahay labadoodaba,”
ayuu Trump yiri Jimcihii.
Ugu yaraan sagaal qof ayaa ku dhintay weerarro uu
Ruushku Jimcihii ku qaaday buundooyin ku yaalla Kyiv iyo saldhigyo tareen,
maalmo uun kaddib markii Ukraine ay si weyn u waxyeelleysay Buundada Crimea.
Hase yeeshee, Zelensky ayaa sheegay in isaga, inkastoo
mowqifka Trump uu sidaas yahay, uu Putin u arko “gacan-ku-dhiile”.
“Waxaan aaminsanahay in dad badan oo dunida ku nool ay
u arkaan gacan-ku-dhiile, maadaama uu habeen iyo maalinba dad dilayo,” ayuu
yiri.
Isweydaarsiga hadalladan kulul ayaa yimid xilli Poland
oo deris la ah Ukraine ay ku dhawaaqday in gantaal nooca cruise-ka ah oo
Ruushku leeyahay uu ka mid ahaa saddex walxood oo Jimcihii aroortii hore soo
galay hawadeeda, gaar ahaan koonfur-bari dalkaas.
Bahal laga helo inta badan guryaha Soomaalida oo sababay geerida qoys 5 qof ka kooban
Xigashada Sawirka, Kanganpur Police
Waxay ahayd 22kii Oktoobar markii xaaska Qaasim Cali ay quraac ahaan u samaysay macmacaan, tuulada 'Mahmood Khanike' oo u dhow magaalada Kanganpur, degmada Kasur ee gobolka Punjab.
War deg deg ah, Maxaad ka ogtahay afartii arrimood ee Farmaajo lagula taliyay xilligii ay Imaaraadka is qabteen?
Xigashada Sawirka, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo
Ururka xasaradaha caalamiga ayaa ka digaya in muranka kharaar ee u dhexeeya dawladaha khaliijka Carabta uu khatar ku yahay oo uu wiiqayo daganaanshaha Soomaaliya.
Hadalka ICG ayaa ku soo beegmaya sanadguuradii koobaad ee ka soo wareegtay markii uu billaamay muranka Khaliijka.
Bishii June ee sannadkii hore waxaa dhacay wax aysan dad badan filanynayn, taas oo ahayd in saddex dal oo ka mid ah dalalka ku bahoobay Khaliijka Carabta ee hodanka ah ay xiriirkii dublamaasiyadeed u jaraan dalka Qadar.
Dalalka Sucuudiga, Imaaraatka Carabta iyo Baxrayn ayaa xiriirka diblamaasiyadeed u jaray dalka Qadar oo ka mid ah dalalka saliidda qaniga ku ah, waxayna ku eedeeyeen in Qadar ay taageerto kooxaha argagixisada.
Soomaliya ayaa qaadatay go'an ah inay dhexdhexaad ka tahay muranka labada dhinac, balse Imaaraadka ayaa u arkayay dowladda inay u janjeerto dhinaca Qadar oo Turkiga uu taagersan yahay.
Andy Burnham Ra'iisul Wasaaraha UK, ayaa sheegay in Britain ay kala hadli
doonto Midowga Yurub fursado lagu sii xoojin karo xiriirka labada dhinac,
kaddib markii la gaaray heshiisyo khuseeya dhoofinta cuntada Britain, ganacsiga
qiiqa kaarboonka iyo barnaamij dhalinyarada u oggolaanaya inay labada dhinac ku
kala noolaadaan khibrad iyo waxbarasho.
Ra'iisul wasaaraha Britain ayaa heshiiska ku tilmaamay
“arrin wanaagsan” oo u soo hoyatay Britain iyo Yurub, isagoo intaas ku daray in
wasaaradda maaliyaddu ay aaminsan tahay in heshiisku dhaqaalaha Britain ku
kordhin karo ilaa 17 bilyan oo gini sannadkii.
Madaxweynaha Golaha Yurub, António Costa, ayaa sheegay
in Midowga Yurub uu weli diyaar u yahay inuu Britain lala yeesho xiriirka ugu
dhow ee suurtagalka ah.
Hoggaamiyaha xisbiga Conservative-ka, Kemi Badenoch,
ayaa sheegtay in heshiisku aanu ahayn mid caddaalad ah, halka Nigel Farage oo
ka tirsan xisbiga Reform ayaa ku tilmaamay “khiyaano loo geystay shacabka
Britain”.
Sharciga lagu dhaqan-gelinayo heshiiska ayaa la
filayaa in toddobaadka soo socda la horgeeyo baarlamaanka Britain.
Burnham ayaa gaaray magaalada Brussels si uu u soo
gabagabeeyo marxaladdii ugu dambeysay ee qorshaha dowladda Britain ee
dib-u-habaynta xiriirka Midowga Yurub kaddib ka bixitaankii Midowga Yururb,
kaas oo markii hore uu bilaabay ra'iisul wasaarihii hore Sir Keir Starmer.
Heshiisyada lagu dhawaaqay Jimcihii waxaa ka mid ah in
la baabi'iyo inta badan baaritaannada lagu sameeyo cuntada Britain ee loo
dhoofiyo Midowga Yurub, iyadoo Britain ay beddelkeeda laga doonayo inay raacdo
qaar ka mid ah xeerarka Midowga Yurub laga bilaabo sannadka 2028.
Dowladda Britain ayaa aaminsan in isbeddelladani ay
hoos u dhigi doonaan kharashaadka ganacsatada, isla markaana ay suuragal tahay
inay qiimaha badeecadaha dhimaan.
Hase yeeshee, dadka dhaliila heshiiska ayaa ku doodaya
in isbeddelku Britain ka dhigi doono dal raaca xeerarka Brussels halkii ay
iyadu ka ahaan lahayd dal dejista xeerarkeeda.
War deg deg ah, Trump oo ka jawaabay in Iran qorsheynayso in ay weerarto Washington
Xigashada Sawirka, AFP via Getty Images
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa
sheegay inuusan ogeyn in ay run tahay wararka sheegaya in Iran ay sameysanayso hubka
loo yaqaan “Dirty Bomb”, balse haddii ay dhab ahaantii dhisayso, Maraykanku wuu
ogaan doonaa isla markaana ka hortagi doono.
Trump oo Jimcihii shalay shir jaraa'id ku
qabtay Aqalka Cad ayaa sidaas kaga jawaabay su'aal la xiriirtay warbixinno
sirdoon oo sheegaya suuragalnimada in Iran ay bam noocaas ah ku weerarto
magaalada Washington.
Wuxuu intaas ku daray: “Wax badan ayaan
ka ognahay waxa ka socda Iran. Waan ognahay wax kasta oo ay sheegayaan, cidda
ay yihiin iyo meelaha ay joogaan. Arrintan waan ogaan doonnaa, mana oggolaan
doonno inay dhacdo.”
Warbaahinta CNN ayaa hore u baahisay
warbixin sheegaysa in xogaha sirdoonka ee hay'adaha amniga Maraykanku ay
muujinayaan in Iran laga yaabo inay isku dayayso inay sameysato bam wasakhaysan
oo ay ku qarxiso Washington.
Hase yeeshee, wakaaladda wararka Reuters
ayaa sheegtay inaysan si madax-bannaan u xaqiijin karin warbixinta CNN.
Saraakiisha Iran ayaa beeniyay
eedeymahaas, halka xoghayaha arrimaha dibadda Maraykanka Marco Rubio uu hore u
sheegay inuusan rumaysnayn inay jirto khatar degdeg ah oo Washington ku
wajahan.
Waa maxay bamka wasakhaysan?
Waa hub ka sameysan walxaha qarxa ee
caadiga ah si uu hawada ugu faafiyo walxo shucaac leh. Wuu ka duwan yahay bamka
nukliyeerka, maadaama uusan ahayn hub nukliyeer ah.
War deg deg ah, Iran oo sheegtay in ku dhawaad 60 diyaaradood oo Mareykanku leeyahay ay dhulka soo dhigtay
Xigashada Sawirka, EPA
Waaxda xiriirka dadweynaha ee ciidamada Ilaalada Kacaanka Iran, ayaa ku dhawaaqday inay beegsadeen diyaarad casri ah oo aan duuliye
lahayn, nooca MQ-9, taas oo ay leedahay milatariga Maraykanka, kuna sugnayd
hawada sare ee marin-biyoodka Hormuz.
War-saxaafadeed ay soo saareen Ilaalada Kacaanka ayaa
lagu sheegay in diyaaradda la ogaaday, lala socday, dabadeedna lagu beegsaday
nidaamka difaaca cirka ee ciidanka cirka ee IRGC, saacad ka hor.
Warka ayaa sidoo kale lagu sheegay in tani ay tahay
diyaaraddii 58-aad ee Maraykanka ee nooca MQ-9 oo ay beegsadaan.
Saraakiisha Maraykanka ayaan weli ka hadlin
sheegashadan, mana jirto xaqiijin madax-bannaan oo muujinaysa in diyaaradda la
soo riday.