Tirinta codadka doorashadii Somaliland ka dhacday oo caawa bilaabaneysa

Ku soo dhowaada tebintenna tooska oo aan maanta inta badan ku eegi doono doorashada Somaliland

Kooban

Tebin toos ah

  1. Sudan oo oggolaatay inuu sii furnaado xadka Chad oo ay ku eedeysay in loo adeegsan jiray in hub looga soo daabulo Imaaraadka Carabta

    Mas’uuliyiinta Suudaan ayaa ku dhawaaqay in ay sii furnaan doonaan soohdimaha Adre ee ay la wadaagto dalka Chad si loogu oggolaado in la gaarsiiyo gargaarka bini’aadantinimo ee aadka loogu baahan yahay.

    Isgoyska ayaa dib loo furay bishii Agoosto ka dib markii ay u ololeeyeen Qaramada Midoobay iyo hay'adaha gargaarka. Waxay ahayd in mar kale la xiro Jimcaha ina soo aaddan.

    Ciidanka Sudan ayaa hore u xiray xadka Chad bishii Febaraayo ee sannadkan, iyaga oo ku eedeeyay in loo adeegsan jiray in hub looga soo daabulo Imaaraadka Carabta oo loo gudbiyo ciidamada RSF – Inkasta oo ay gaashaanka u daruureen eedeyntaasi. Isgoyska Adre ayaa ah wadada ugu dhaqsiyaha badan ee lagu gaaro meelaha macluushu ay halis gelisay ee gobolka Darfur.

  2. Tirinta codadka doorashadii Somaliland ka dhacday oo caawa bilaabaneysa

    Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Somaliland Muuse Xasan Yuusuf
    Qoraalka sawirka, Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Somaliland Muuse Xasan Yuusuf

    Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Somaliland Muuse Xasan Yuusuf oo goordhaweyd hadlay ayaa sheegay in sida uu qabo sharciga caawa bilaabaneyso.

    “Sida sharciga uu dhigayo laga bilaabo caawa tirinta waxay ka bilaabanaysaa heer goobeed, sida u dhaqsiyaha badan marka ay dhammaato waxay u soo gudbeysaa heer degmo, tirinta waxa ay bilaabaneysaa marka ay goobta xiranto 6-da maqribnimo goobtaas haddii aysan jirin wax cilad ah oo ka yimid,” ayuu yiri

    Waxa uu sheegay inay goobaha ay codbixinta iman karaan goobjoogeyaasha maxalliga ah iyo kuwa caalamiga ah.

  3. Trump oo la kulmaya Joe Biden ka dib doorashadii

    .

    Donald Trump ayaa gelinka dambe ee maanta xilliga Mareykanka la kulmaya Madaxweyne Biden markii ugu horreysay tan iyo markii uu ku guuleystay doorashada.

    Biden waxa uu carabka ku adkeeyay baahida loo qabo in la dammaanad qaado kala guurka oo si fudud xilka loo wareejiyo balse xiriirka labada nin ayaa weli ah mid kacsan.

    Trump ayaa dhanka kale ku dhawaaqay xilal cusub oo uu yeelan doono maamulkiisa. Maalqabeenka teknoolajiyada iyo deeq bixiyaha Trump Elon Musk ayaa loo xilsaaray horumarinta iyo hufnaanta dowladda.

  4. Nin la cafiyay iyadoo 30 ilbiriqsi ka dhimantahay toogashadiisa oo muddo ka dib la toogtay

    Isku daygii ugu horreeyay ee dilkiisa ayaa dhacay horraantii sanadkan laakiin tiirka ayaa laga furay
    Qoraalka sawirka, Isku daygii ugu horreeyay ee dilkiisa ayaa dhacay horraantii sanadkan laakiin tiirka ayaa laga furay

    Dadka u dhaqdhaqaaqa xuquuqul insaanka Iran ayaa sheegay in nin la daldalay markii labaad, ka dib markii xukunkiisii ​​hore la joojiyay soddon ilbiriqsi kadib markii qoyska dhibanaha ay sheegeen in ay cafiyeen. Ahmad Alizadeh ayaa lix sano ka hor loo xiray dil – taasoo uu diiday – xukun dil ah ayuuna ku xukunaa.

    Isku daygii ugu horreeyay ee dilkiisa ayaa dhacay horraantii sanadkan laakiin tiirka ayaa laga furay oo dib loo soo celiyay ka dib markii qoyska dhibbanaha ay ku qayliyeen: 'Cafis' ayuu naga yahay.

    Balse Alizadeh ayaa lagu soo waramayaa in uu awoodi waayay in uu bixiyo lacagihii magta ahaa ee loo baahnaa – sidaas darteedna lagu sii socdo xukunkii dilka ahaa ee horay loogu xukumay.

  5. Canada oo dhaqaale ugu deeqday haweenka Africa

    Canada ayaa sii wada in waddamada Africa ay kala shaqeyso arrimaha sinaanta jiinsiga iyo horumar guud oo laga gaaro arrimaha haweenka.

    Axmed Xuseen, wasiirka horumarinta caalamiga ee Canada oo ay wehliyaan Randy Boissonnault, wasiirka shaqada iyo shaqaaleynta iyo xildhibaanka laga soo doorto bartamaha Edmonton, ayaa shaaciyay lacag dhan 35 milyan oo doolar, dhaqaalahaas oo lagu caawin doono haweenka qaaradda Africa.

    Dhaqaalahan ayaa lagu taageeri doonaa mashaariic kala duwan oo loogu talo galay in lagu xoojiyo sinaanta jiinsiga iyo xuquuqda aadanaha, taageeridda hoggaanka haweenka, iyo horumarinta helitaanka adeegyada muhiimka ah.

    Dhaqaalahan la shaaciyay iyadoo ay goobjoog ka yihiin xubno ka tirsan qurba-joogta Afrika, ayaa hoosta ka xariiqaysa sida ay Canada ugu heellan tahay kobcinta iskaashi qotodheer oo ay la yeelato bulshooyinka Afrika ee gudaha iyo dibaddaba.

  6. Madaxweynaha Azerbaijan oo sheegay in gaaska iyo shidaalka yihiin "hadiyad Eebe"

    .
    Qoraalka sawirka, .

    Madaxweynaha dalka sanadka marti geliyay shir-weynaha cimilada COP29, ayaa madaxdii ka soo qeyb galayshirkaas Qaramada Midoobay u sheegay in shidaalka iyo gaaska ay yihiin “hadiyad Eebe”.

    Madaxweynaha Azerbaijan, Ilam Alived ayaa dhaliilay “wararka beenta ah ee waddamada reer galbeedka” isagoo sheegay in dalalka aan lagu eedeyn” inay leeyihiin keydka shidaalka adkaha ah.

    Dalkaas Azerbaijan ayaa qorsheynaya inuu ballaariyo wax soo saarka shidaalka ilaa saddex meelood meel tobanka sano ee soo socda.

    Intaa kadib, xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Antono Gutteres, ayaa shirka u sheegay, in laba jibaarinta shidaalka adkaha ah ay tahay “wax aan loo baahnayn”.

  7. Somaliland: Goobo doorashooyinkii hore ay ka dhaceen oo aan laga codeyn doonin

    .
    Qoraalka sawirka, .

    Waxaa xusid mudan in doorashada jamhuuriyadda gooni isu taageeda ku dhawaaqday ee Somaliland ee sanadkan aysan ka dhaceyn goobo ay ka dhacday doorashadii tan ka horeysay.

    Waxaa ka mid ah goobaha aysan sanadkan ka dhaceyn magaalada Laascaanood iyo magalooyin kale oo ay doorashada ay horey uga dhaci jirtay.

    Arrintan ayaa ka dambeysay ka dib markii uu dagaal ka dhacay magaalada Laascaanood islamarkana lagala wareegay Somaliland.

    Ciidamada Somaliland iyo maleeshiyaad deegaanka ah ayaa wuxuu dagaal ku dhex maray Laascaanood billowgii bishii February ee sanadkii hore.

    Laascaanood waxaa imika ka jira maamul cusub oo la magac-baxay Khaatumo.

  8. Tirada cod-bixiyeyaasha Somaliland oo korodhay

    Dadweynaha Jamhuuuriyadda gooni isu taageeda ku dhawaaqday ee Somaliland ayaa saaka u dareeray goobaha codbixinta dooorashooyinka isku sidkan ee madaxtooyada iyo tan ururrada.

    Doorashada maanta ayaa waxyaabo badan kaga duwan kuwii hore Somaliland uga dhici jiray.

    Waxaa sanadkan kordhay tirada dadka codkooda dhiibanaya, taas oo kor u dhaafay hal milyan oo codbixiyayaal ah.

    Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Somaliland, Muuse Xasan Yuusuf, oo BBC la hadlay ayaa sheegay, in guddiga ay sanadkan si wayn u diyaar garoobeen maaddaama tirada codbixiyayaasha ay kordheen oo ay howl badan u taallo.

    "Tirada codbixiyayaasha kama dambeysta ahi ee xaqa u leh inay codeeyaan waxaa weeye 1,227,48 qof, goobaha laga codeynayana waa 24,650 goobood" ayuu yiri Muuse.

  9. Maxay tahay xilka sare ee cusub ee loo magacaabay ninka dunida ugu qanisan, Elon Musk?

    .
    Qoraalka sawirka, .

    Elon Musk, oo ah ninka ugu qanisan ama ugu taajirsan addunka, ayaa waxaa la siiyay shaqo jago sare ah, kadib markii uu garab istaag weyn u muujiyay Donald Trump, xiligii ololahiisa doorashada madaxtinimo.

    Ninkan oo ah mulkiilaha baraha X, Tesla iyo SpaceX, ayaa hogaamin doona waax cusub oo ah “waaxda hufnaanta iyo isla xisaabtanka dowladda”, waaxdaas oo bixin doonta talooyin iyo tusaale la xirriirta dhimista ama hoos u dhigidda kharashaadka dowladda iyo xeerarka dalka.

    Ilaa hadda wax faahfaahin dheeraad ah lagama bixin qaabka ay u shaqeyn doonto waaxdan cusub balse waxay u muuqataa inay ka madax banaanaan doonto waaxyada kale ee dowladda ee caadiga ah.

    Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka, Donald Trump, ayaa sheegay inay waaxdani ka shaqeyn doonto “tala bixin” ka baxsan dowladda, balseay kaashan doonto aqalka cad iyo xafiiska maamulkaa miisaaniyadda.

  10. Ballan-qaadyada ay sameeyeen musharixiinta madaxweyne ee Somaliland

    .
    Qoraalka sawirka, .

    Muuse Biixi - oo 1-dii January ee sanadkan heshiis is af-garad oo Badda Cas ah la saxiixday Itoobiya - ayaa sheegay inuu sii wadayo heshiiskaas oo weli aan hirgelin, maaddaama uu sheegay inuu muhiim u yahay aqoonsiga Somaliland.

    Soomaaliya oo u aragta Somaliland inay ka tirsan tahay dhulweynaha Soomaaliya ayaa si caro leh uga jawaabtay heshiiskaas, waxayna ku tilmaantay faragalin arrimaha gudaha Soomaaliya lagu sameeyay.

    Heshiiska is-afgaradka ee labada dhinac oo weli aan loo beddelin heshiis sharci ah, ayaa waxaa muuqata in Somaliland ay diyaar u tahay inay Itoobiya u oggolaato in ay baddeeda ka dhisato dekad ganacsi.

    Somaliland waxaa kale oo ay sheegtay in dhul dhan 20 Km oo xeebaha ah ay ka kireyn doonto ciidamada badda ee Itoobiya, arrintaas oo ay Addis Ababa xaqiijisay.

    Laakiin halka arrinta adag ay ka jirto ayaa ah in Itoobiya ay sheegtay in ay Somaliland u aqoonsanayso dal madax-bannaan, tallaabadaas oo aanay jirin waddan kale oo sameeyey 30-kii sannadood ee Somaliland ay tilmaantay in madax bannaanideeda ay Soomaaliya kala soo laabatay.

    Cabdiraxmaan Cirro ayaa isagana mar uu wareysi gaar ah siiyay BBC wuxuu sheegay inuu soo celinayo heshiiska Somaliland iyo Soomaaliya "haddii ay ku jirto danta Somaliland". Wuxuu sidoo kale ballan-qaaday xoojinta amniga iyo isu soo dumidda shacabka.

    Feysal Cali Waraabe ayaa isaguna sheegay in ahmiyaddiisa koowaad ay tahay aqoonsi u raadinta Somaliland.

  11. Dadweynaha Somaliland oo safaf dhaadheer ugu jira goobaha codbixinta

    .
    Qoraalka sawirka, Codbixiyeyaasha Boorama

    Dadweynaha Jamhuuuriyadda iskeed madax bannaanida ugu dhawaaqaday ee Somaliland ayaa saaka u dareeray goobaha codbixinta dooorashooyinka isku sidkan ee madaxtooyada iyo tan ururada.

    Xilka madaxweynaha waxaa ku tartamaya saddex musharax oo uu ka mid yahay madaxweynaha hadda xilka haye Muuse Biixi Cabdi kana socda Xisbiga Kulmiye, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro oo u sharaxn Xisbiga Mucaaradka ee Waddani, iyo Faysal Cali Waraabe oo ka socda Xisbiga Ucid.

    Saddexda Xisbi ee u tartamaya madaxtooyada iyo ilaa toddobo urur oo kale ayaa la filayaa in ay ka soo baxaan saddex Xisbi oo bud-dhig u noqda Somaliland.

    Madaxweyne Biixi ayaa xilka hayay toddobo sano, iyadoo ay ahayd in doorashadu dhacdo sanadkii 2022-kii hase-yeeshee taa ma dhicin oo laba sano ayuu ku darsaday, taasoo dhalisay muran iyo is qab-qabsi.

    Doorashadan ayaa noqonaysa tii siddeedaad ee ka dhacaysa Somaliland tan iyo intii ay ku dhawaaqday in ay ka go'day Soomaaliya inteeda kale 33 sano ka hor.