Midowga Yurub oo go'aansaday inuu dib u eegis ku sameeyo xiriirka ay la leeyihiin Israa'iil dagaalka Qasa awgii

Ku soo dhowaada tebinta tooska ah ee maanta

Tebin toos ah

  1. Talyaaniga oo wax ka beddelaya xeerarka lagu qaato dhalashada wadankaas

    .
    Qoraalka sawirka, .

    Baarlamaanka dalka Talyaaniga ayaa ansixiyay sharci wax ka beddelaya xeerarka lagu helo dhalashada wadankaas.

    Sharciganwaxaa soo jeediyay xisbiga midigta fog ee ay hogaamiso raysal wasaaraha dalkaas, Giogia Meloni bishii Maarso.

    Waxaa uu qaadashada dhalashada dalkaas ku koobayaa sharcigan dadka mid kamid ah waalidiintiisu yihiin Talyaani, kuwaas oo sidoo ku hadli kara luuqadda afka Talyaaniga islamarkaana degganaa Talyaaniga muddo saddex sano ah.

    Dowladda ayaa sheegtay in isbedelan uu yimid ka dib markii ay kordheen qulqulka muhaajiriinta dalkaas iyo sidoo kale dalabyo badan oo ugu imanaya meelo kale sida Mareykanka iyo Latin America.

  2. Raysal wasaarihii hore ee Israa'iil oo sheegay in loo baahanyahay cadaadis hor leh oo la saaro Netanyahu

    .
    Qoraalka sawirka, .

    Raysal wasaarihi hore ee Israa’iil, Ehud Olmert, auaa sheegay in aysan jirin wax aan ahayn cadaadis siyaasadeed oo gudaha iyo dibadda ah oo Benjamin Netanyahu ku qancin doona inuu ka laabto howlgalka cusub ee Qasa.

    Waxaa arrintan ka sheegay wareysi uu siiyay BBC-da qeybteeda barnaamijka Radio.

    Shalay, dawladda UK waxay ku dhawaaqday inay hakisay wadahadaladii ku saabsanaa heshiis ganacsi oo ay la lahayd Israa’iil.

    Waxay UK sidoo kale u yeertay safiirkeedi Israa’iil, waxaanay cunaqabatayn hor leh ku soo rogtay dadka ka soo jeeda qowmiyadda yuhuudda ee deegaano laga siiyay Daanta Galbeed.

    Waxa ay sidoo kale ku biirtay dowladaha kale ee cambaareeyey xaaladda Qasa ka taagan, sida Canada iyo Faransiiska, waxayna ku baaqday in gargaar dheeraad ah la geeyo dhulkaas.

    Olmert, raysal wasaarihii hore ee Israa’iil, haatanna dhaliila hogaanka Israa’iil, ayaa sheegay in cadaadiska uusan ahayn “mid ku filan” , isagoo soo jeediyay in madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, “laga yaabo” inuu wax badan bedeli karo.

    Waxaa uu sidoo kale taageeray tallaabada ay qaaday dowladda UK.

  3. Xaaladdii ugu dambeysay ee Qasa

    .
    Qoraalka sawirka, .

    Dad gaaraya laba milyan oo qof ayaa xaalad macluul ah ku wajahaya magaalada Qasa.

    Waxaa indhaha lagu hayaa halka ay gawaarida gargaarka sida ay gargaarkaas geyn lahaayeen iyo qaabka ay dadka u gaarsiin lahaayeen gargaarka.

    Tan iyo shalay, kolonyada gargaarka sida ayaa sugayay oo doonayay inay gargaarka dadka gaarsiiyaan balse weli waxba iskama bedelin arrintaas.

    Xitaa hadii ay 100 gawaari oo gargaar sida ay gudaha u galaan Qasa, xaaladda waxba kama bedeli doonto sababtoo ah Qasa waxay cunto la'aan ahayd muddo 11 todobaad ah.

    Sawiro la soo dhigay baraha bulshada oo suuqyada magaalada laga soo qaaday ayaa muujinaya in suuqa aysan waxba oolin, khudaar jirin, cunto, hilib iyo digaagna aysan suuqa yaalin.

    Waxaa taasi ka muhiimsan, in isbitaalada aysan koronto lahayn, iyo sidoo kale shidaal loo adeegsado in lagu kiciyo matoorada ku shaqeeya shidaalka. Dawooyin ma leh, boqolkiiba 25 biyaha Qasa waa kuwo nadiif ahayn oo la cabi karin.

    Marka xaaladdu waa mid aad u daran.

  4. Socdaalka uu laacibkii hore ee Arsenal ku tegey Hargeysa muxuu ka beddeli karaa duruufaha kubadda cagta Somaliland

    .
    Qoraalka sawirka, .

    Ciyaaryahanka caanka ah ee u safan jiray xulka Nigeria iyo Kooxda Arsenal Nwankwo Kanu oo maalmihii u dambeeyey socdaal ku joogay Magaalada Hargeysa, ayaa balanqaadyo kala duwan u sameeyey ciyaartoy da' yar oo ka mid ah kooxaha akadeemiyadaha Hargeysa, isagoo oo shalay ka qayb galay daawashada ciyaar kooxahaas da'yarta ah ay ku ciyaareen Hargeysa Stadium.

    49 jirkan labada jeer ku guuleystay Xidigga Qaarada Afrika iyo koobka olombikada ee 1996 oo Hargeysa u yimid ka qayb galka xuska 18-ka May ee maalintii Somaliland ku dhawaaqday gooni isu taageeda, iyo kulamo uu la yeesho bahda ciyaaraha, ayaa da' yarta ciyaaraha ee Hargeysa ee uu la kulmay uga warramay duruufihii iyo caqabadihii kala duwanaa ee uu soo maray muddadii uu ku jiray ciyaaraha ee heer kooxeed ilaa heer qaran.

    Xukuumadda Somaliland oo Ciyaaryahankan ruugcaddaaga ah soo casuuntay ayaa sheegtay in ay ka rajeynayso inuu u fududayn karo xidhiidho kala duwan oo ay Somaliland la samayso xidhiidho caalami ah, maadaama aanay aqoonsi haysan.

    Socdaalka Kanu ee Hargeysa

    Weeryahankii hore ee Kooxaha Arsenal, Ajax, Inter Milan iyo West Bromwich ayaa maalintii sabtidii ka soo degay Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Hargeysa, halkaas oo masuuliyiin kala duwan ay ku soo dhaweeyeen.

  5. Qarax khasaare dhaliyay oo ka dhacay dalka Pakistan

    Mas’uuliyiinta dalka Pakistan ayaa sheegay in shan qof ay ku dhinteen tobonaan kalena ay ku dhaawacmeen qarax lala eegtay bas arday siday.

    Qaraxa ayaa ka dhacay gobolka Balochistan, halkaas oo uu baska ku sugnaa.

    Booliska ayaa sheegay in ilaa afartan arday ay saarnaayeen gaariga markii uu qaraxu dhacay subaxnimadii Arbacada manta ah.

    Ma jirto cid ilaa hadda sheegatay qaraxaas.

    Gobolka Balochistan waxaa ka jira dhaqdhaqaaq gooni u goosad ah oo si joogto ah u bartilmaameedsada ciidamada ammaanka.

  6. Ingiriiska oo uu ka dhamaaday dulqaadkii uu u hayay Israa'iil

    .
    Qoraalka sawirka, .

    Ka dib in ka badan muddo sanad iyo bar ah oo uu socday dagaalka Qasa, Ingiriiska ayaa u muuqda in ugu dambeyntii uu ka dhamaaday dulqaadkii uu u hayay Israa’iil.

    Raysal wasaaraha Ingiriiska, Sir Keir Starmer iyo xoghayaha arrimaha dibadda, David Sir Keir, oo la hadlayay xildhibaanada dalkaas, ayaa labadooduba u hadalladooda ka muuqday xanaaq.

    Raysal wasaare Keir Starmer ayaa sheegay, in heerka dhibaatada ka jirta Qasa gaar ahaan carruurta ay tahay “wax aan loo dulqaadan Karin”.

    Waxaa uu sidoo kale ka hadlay go#aanka Israa'iil ee ah in ay ogolaato in yar oo gargaar ah gudaha Qasa, taas oo uu sheegay inaysan "gebi ahaanba ku filneyn".

    Ingiriiska ayaa ku biiray waddamada Faraansiiska iyo Canada, kuwaas oo wadajir u saxiixay bayaan xooggan oo lagu cambaareynayo tallaabada ay Israa’iil ku ballaarisay milatarigeeda.

    Waxaad sidoo kale akhrisan kartaa: