Golaha Amaanka ee QM oo galabta u codeynaya kordhinta cunaqabateynta saaran Al-shabaab
Gelinka
dambe ee manta o ay taariikhdu tahay 3-da bisha Maarso, Golaha Amaanka ee
Qaramada Midoobay ayaa la filayaa inay u codeeyaan qaraar qabyo ah oo lagu
kordhinayo mudada cunaqabateynta la saaray kooxda Al-shabaab.
Waxaa
sidoo kale goluhu lagu wadaa inuu cusbooneysiiyo howlgalka guddiga khubarada (PoE),
kuwaas oo caawiya guddiga loo xil saaray cunaqabateynta al-shabaab.
Qabyo-qoraalka,
oo diyaarinteedu ay ka shaqeysay dowladda UK, ayaa sidoo kale ayaa sidoo kale
lagu cusbooneeysiin doonaa howlgalka
ilaalada xeebaha, gaar ahaanna soo dejinta hubka sharci darrada, dhoofinta
dhuxusha, iyo manuucidda walxaha qarxa.
Daawo gaaska loo cuno balse haweenka ay siyaabo kale u isticmaalaan
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, .
Ilma iska soo xaaqidda, waa wax kala qeybsanaan ballaaran ka dhex abuuray waddamo badan oo caalamka ah, waxaana laga mamnuucay qaar kamid ah dalalkaas.
Arrintan ayaa sidoo kale saameyn wanaagsan ku leh nolosha malaayiin haween ah oo dunida ku nool.
Kuwa go'aansada inay ilmaha iska soo xaaqaan, waxay keliya u mari karaan laba waddo, oo kala ah qalliin ama arrimo caafimaadkooda la xirriira.
Hay'adda Caafimaadka Adduunka (WHO) ayaa sheegtay in la adeegsan karo dawooyinka qaar si ilmaha loo soo saaro.
Waxay sheegtay in hadii la heli waayo dawada mifespristone, la isticmaali karo dawada kale ee misoprostol keliya.Ha yeeshee dawadan, looguma talo galin ilma iska soo rididda. Waxaa loo isticmaalaa gaaska caloosha, waxaana suuqa ay soo gashay bartamihii 1980-yadii iyadoo markaas la oran jiray Cytotec.
Haween ka soo jeeda koonfurta waddanka Mareykanka ayaa noqday dadkii ugu horeeyay ee ogaaday in siyaabo kale loo isticmaalo karo dawada, oo ah in loo adeegsan karo ilma iska soo xaaqidda.
Dhulgariir ku dhuftay Hollywood kadib abaalmarintii Oscars
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, .
Dhulgariir cabirkiisu
yahay 3.9 magnitude ayaa ku dhuftay xarunta aflaanta ee Hollywood, kadib markii
jilaayaasha caanka ah ee caalamka ay bilaabeen dabaal degga abaalmarinta Oscars.
Xadunta dhulgarirka ayaa
la ogaaday inay tahay buurta waqooyiga Hollywoodka, taas oo dhowr meeyl u jirta
halka ay ka dhacday xafladda abaal marinta Dolby Theatre.
Ilaa hadda ma jiro wax
war ah oo soo baxay oo la xiriira khasaaraha ka dhashay dhulgariirkaas, gaar
ahaan burbur ama dhaawacyo.
Dhulgariirku waxa uu
dhacay wax yar ka dib 22:00 xiliga maxaliga, xilli dadka caanka ah ay isugu soo
baxayeen fagaaraha caanka ah ee Vanity Fair.
Xarunta dabagalka ku
sameysa dhacdooyinkan oo kale ee Mareykanka, ayaa sheegtay in dhulgariirku laga
dareemay goob fog oo Los Angeles ah.
Dhulgariirkan ayaa kamid
ah 40 kale oo ku dhuftay koonfurta California, tan iyo bilowgii bishii Maarso,
inkastoo ay ahaayeen kuwo ay dadka aad u dareemin.
Qaar kamid ah dalalka Carabta
iyo Qaramada Midoobay ayaa cambaareeyay tallaabada ay Israa’iil ku joojisay
gargaarkii bini’aadanimo ee la geynayay marinka Qasa.
Masar iyo Qadar ayaa
sheegay in tallaabada ay Isra’iil ku dhaqaaqday Axadi, ay tahay mid jebineyso
heshiiskii ay labada dhinac dhawaan gaareen.
Xoghaya Qaramada
Midoobay ee arrimaha bini’aadanitinimada, Tom Fletcher, ayaa go’adoominta Israa’iil
ee gargaarkii Qasa ku tilmaamay "mid
qeylo dhaan muujineyso".
Raysal wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netnyahu, ayaa
sheegay in dalkiisu qaaday talaabada maadaama ay Xamaas uu sheegay inay xadeyso
gargaarka ayna u adeegsanayaan inay ku maalgeliyaan howlahooda argagaxisenimo,
waa sida uu hadalka u dhigayee.
Waxaa uu sidoo kale Xamaas ku eedeeyay inay dadka reer
Qasa kahor istaagaan gargaarka.
Waxa uu sidoo kale ku eedeeyay kooxda falastiiniyiinta
inay diideen soo jeedinta Mareykanka ee ah in mudada loo kordhiyo xabad
joojinta Qasa, taas oo Sabtidii ku ekayd. Israa’iil ayaa sheegtay inay
oggolaatay soo jeedintaas.
Afhayeen u hadlay Xamaas ayaa sheegay in go'doominta
Israa'iil ay tahay "caga jugleyn aan buurnayn" iyo
"afgambi" ka dhan ah heshiiska xabbad joojinta.
Heshiiska xabad joojinta
ayaa hakiyay 15 bilood oo dagaal u dhexeeyay Xamaas iyo millatariga Israa’iil,
taas oo hor seeday siideynta lahaystayaal gaaraya 33 Israa’iiliyiin ah iyo
1,900 falastiiniyiin ah.
Bayaan ay Axadi soo
saartay wasaaradda arrimaha dibadda Qatar, ayaa waxay ku sheegtay inay “si adag
u cambaaraynayso” go’aanka Israa’iil, iyadoo ku tilmaantay “xadgudub cad oo ka
dhan ah heshiiska xabbad joojinta” iyo “sharciga caalamiga ah ee
bini’aadantinimada”.
Dhanka Masar na, wasaaradda
arrimaha dibadda ayaa Israa’iil ku eedaysay in ay macluusha u adeegsato “hub ka
dhan ah dadka reer Falastiin”, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee AFP.
Qatar iyo Masar labaduba waxay gacan ka
geysteen dhexdhexaadinta heshiiskii xabbad joojinta ee Gaza
Madaxda Yurub oo u hiilliyay Zelensky kadib hadaladii kululaa ay is dhaafsadeen Trump
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, Waxaa uu sheegay in Yurub ay qaadi doonto culeys weyn, balse ay u baahan tahay taageerada Mareykanka.
Raysal wasaaraha Britain, Keir Starmer, ayaa shaaca ka qaaday qorshe afar qodob ka kooban,kaas oo lagu nabadeynayo Ukraine.
Waxaa uu sheegay in Yurub ay qaadi doonto culeys weyn, balse ay u baahan tahay taageerada Mareykanka.
Hadalkan ayuu jeediyay kadib shir madaxeedkii ka dhacay magaalada London ee madaxda Yurub ay isku raaceen, in sare loo qaado kaalmada milatari ee Kiev.
Madaxda Yurub waxay isku raaceen dhowr qodob oo ay kamid tahay in la sii wado taageerada Ukraine iyo in heshiis kasta oo la gaaro uu noqon doono mid ku saleysan qarranimada iyo madax banaanida Ukraine.
Raysal wasaaraha Britain waxaa uu sheegay in hogaamiyeyaasha Yurub ay isku raaceen la kordhiyo kaalmada milatari ee Kiev si ay uga wada xaajoodaan meelaha ay awoodda ugu baahantahay Ukraine.
"Marka hore, waxaan sii wadi doonaa gargaarka milatari, waxaaana sii kordhin doonaa cadaadiska dhaqaale ee Ruushka si imika loo
xoojiyo Ukraine . Marka labaad, waxaan ku heshiinay in nabad kasta oo waarta ay
tahay in la xaqiijiyo madax-bannaanida iyo amniga Ukraine waana in arrintaas ay
miiska saarnaato. Saddexaad, haddii uu dhaco heshiis nabadeed, waxaan sii wadi
doonaa xoojinta awoodda difaaca ee Ukraine si loo joojiyo weerar kasta oo
mustaqbalka ku iman kara. Marka afraad, waxaan sii wadi doonnaa in aan
horumarino heshiisyada Ukraine si aan u horumarino heshiisyada lagu difaacayo
ukraine mustaqbalkana dammaanad qaadka nabadeed loo helo", ayuu yiri Keir Starmer, xili uu warbaahinta u akhrinayay qodobada lagu heshiiyay.