Shiinaha oo wacad ku maray inuu dagaal adag la geli doono canshuuraha Trump

Ku soo dhowaada tebinta tooska ah ee BBC

Tebin toos ah

  1. Sacuudiga oo waqti u qabtay in dadka cumreysanaya ay dalkiisa uga baxaan

    Sacuudiga

    Wasaaradda Xajka iyo Cumrada ee Sacuudiga ayaa 1-da Dul Qacda, oo ku beegan April 29, u asteysay maalinta ugu dambeysa ee cid walba oo ajaanib ah oo dalkaasi cumro u tagtay ay uga baxdo.

    Wasaaradda ayaa sheegtay in tallaabadan ay qaadday si loo bilaabo isu diyaarinta Xajka.

    War ay soo saartay, ayay wasaaraddu ku sheegtay in 15ka Shawaal, oo ku beegan April 13, ay tahay maalinta ugu dambeysa ee aan loo oggolaan doonin dadka inay dalkaas u tagaan cumro.

    Wasaaradda ayaa sheegtay in cid walboo lagu helo inay dalka sii joogto muddada kama dambeysta ah ay meel uga dhacayso shuruucda ayna ciqaab mudan doonto.

    Waxay ugu baaqday dadka iyo shirkadaha cumrada inay u hoggaansamaan amarrada.

    Ciddii u hoggaansami weysa amarkan ayaa wajihi doonta ganaax dhan 100,000 oo riyaal.

  2. Soomaaliya oo ka mid noqotay dalalka xukunka dilka ugu badan fuliyay 2024

    Xukun dil

    Hay’adda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International ayaa sheegtay in tirada dadka lagu riday xukunnada dilka ah ee sannadka 2024 ay si weyn kor ugu kacday.

    Sida ku cad warbixin cusub oo ay hay’addu ka soo saartay 2024, waxa dil lagu fuliyay 1,518 qof, taasi oo ka dhigan in tiradu ay kor u kacday 32 boqolkiiba marka loo eego sannadkii kaasi ka horreeyay.

    Tirakoobka Hay’adda Amnesty ayaa muujinaya in tirada dadka la toogtay sannadkii hore ay ahayd tii ugu badnayd tan iyo 2015, inkasta oo ay yaraadeen waddamada weli fulinaya xukunka dilka.

    Waddanka loo arko in u yahya kan ugu badan ee fuliya dilka ugu badan caalamka waa dalka Shiinaha. Hase ahaatee, la ma hayo tirakoob rasmi ah oo sax ah oo ku saabsan dadka uu Shiinuhu dilay.

    Sacuudi Carabiya ayaa kaalinta labaad ka galay isaga oo 345 dil, halka Ciraaq ay ku xigto iyadoo fulisay 63 xukun oo dil ah.

    Amnesty waxay sheegtay in Iraan iyo Soomaaliya ay xukun dil ah ku fuliyeen afar qof oo dhallinyaro ah oo ka yar da'da 18 sano jirka.

    Iraan iyo Afghanistan waa dalalka fuliyay dilalka fagaareyaasha lagu sameeyo ee dhacay sannadka 2024.

  3. Suudaanta Koonfureed oo qarka u saaran dagaal sokeeye

    Suudaanta Koofureed

    Mucaaradka ugu weyn dalka Suudaanta Koonfureed ayaa iska diiday amarro ka soo baxay dawladda ee la yidhaahdo SPLM/A-IO in ay hubka dhigaan oo ay iska xaadiriyaan xeryaha dawladda.

    Mucaardka hubaysan ayaa sheegay in ciidammada dawladdu aanay xaq u lahayn in ay ka arrimayaan goobaha ay mucaaradku maamulaan.

    Xiisaddan ayaa ku so beegmaysa xilli uu xabsi guri ku jiro madaxweyne ku xigeenkii dalkaasi Riek Machar, iyada oo cabsida laga qabo dagaal sokeeye oo mar kale ka dhaca dalkaasi ay tahay mid aad u sarraysa.

  4. Taliye loo heysto inay xabsiga ka sii daysay xidhiidh jaceylna la billowday nin ka ganacsada daroogada

    Kerri Pegg

    Haweeney madax ka ah xabsi ku yaalla dalka Ingiriiska ayaa maxkamad la soo taagay iyada oo ku eedaysyan in ay xabsiga ka sii daysay nin ka ganacsada daroogada oo ay xiriir la yeelatay, kadib markii uu siiyay baabuur Mercedes ah oo qiimihiisu yahay £12,000.

    Kerri Pegg, oo 42 jir ah, ayaa loo arkayay xubin firfircoon iyada oo u dallacday shaqooyin dhow ah ilaa ay ugu dambayn noqotay taliyaha xabsiga.

    Laakiin waxaa lagu eedeeyay in jabisay xeerarka kaddib markii ay xidhiidh la bilowday maxbuus Anthony Saunderson, kaasoo siiyay gaadhi qaali ah, xilli ay madax ka ahayd xabsi ku yaalla magaalada Lancashire.

    Markii booliska ay weerar ku qaadeen gurigeeda oo ku yaalla Orrell, Wigan, waxay ka heleen burushka cadayga oo lagu ogaaday haidde-sidaha DNA, sida maxkamadda laga sheegay. Ms Pegg waxay diidday laba eedeymood oo mid ka mid ahi tahay in ku tumasho dhinaca sharciga ah.

  5. Trump oo loo oggolaaday inuu soo-galootiga u adeegsado sharci adag

    Trump

    Maxkamadda Sare ee Mareykanka ayaa oggolaatay in Madaxweyne Donald Trump uu isticmaali karo sharci si aan caadi ahayn oo si degdeg ah loogu masaafurinayo shakhsiyaadka ku lugta leh shabakadaha budhcadda.

    Hadda ka hor, maxkamadda hoose ayaa si ku meelgaadh ah u hakisay masaafurinta shaqsiyaadka lagu eedeeyay in ay yihiin xubno ka mid ah budhcadda reer Venezuela ee loo masaafurin lahaa El Salvador badhtamiha bishii la soo dhaafay, iyadoo xukuntay in ficillada ku salaysan Sharciga Ajaanibta ee 1798 ay u baahan yihiin in dib-u-eegis lagu sameeyo.

    Trump ayaa hore ugu eedeeyay in muhaajiriintaasi ay ku jireen xubno ka tirsan kooxda Tren de Aragua oo "dagaal aan joogto ahayn" ku haya Maraykanka, sidaas darteedna la tarxiili karo iyadoo la adeegsanayo sharcigan. Inkastoo maamulka uu sheeganayo in xukunka uu guul yahay, garsoorayaashu waxay waajib ka dhigeen in dadka la masaafurinayo la siiyo fursad sharci ah oo ay isku difaacaan.

  6. Waa kuma Janaraal Sheegow, ninka lagu muransanaa darajadiisa ee ku geeriyooday Muqdisho?

    Sheegow

    Magaalada Muqdisho waxaa shalay ku geeriyooday sarkaal ka tirsanaa ciidanka dawladda Soomaaliya oo la yiraahdo Sheegow Axmed Cali, laakiinse loo yaqaanno Jeneraal Sheegow.

    Sheegow ayaa ku geeriyooday Isbitaalka Rajab Dayib Erdogan (Ex Digfeer), sida uu xaqiijiyay wasiirka caafimaadka dowladda federaalka Soomaaliya, Dr. Cali Xaaji Aadan.

    Wasiirka ayaa sheegay in sababta uu u geeriyooday Sheegow ay tahay xanuun uu muddo la noolaa.

    "Wuxuu qabay fayraska cagaarshowga, sidaas ayuuna u geeriyooday sida ay isbitaalka noo sheegeen, maaddaama uu muddo la noolaa kaas oo beerka saameeyay kansarna isku beddelay,"

  7. Shiinaha oo wacad ku maray inuu dagaal adag la geli doono canshuuraha Trump

    Shiinaha

    Shiinaha ayaa si adag uga jawaabay hanjabaaddii madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ee ahayd in uu Beijing soo rogi doono canshuur dheeri ah oo 50% ah haddii aanay ka noqon cashuurta aargoosiga ah ee ay ku dhawaaqday Talaadadii.

    Wasaaradda ganacsiga ee Shiinaha ayaa sheegtay in aanay marnaba aqbali doonin waxa ay ugu yeedhay "nooca baad ah oo Maraykanku samaynayo" waxayna ku waxaanay wacad ku martay in ay "dagaallami doonaan illaa dhammaadka." Falanqeeyayaashu waxay sheegayaan in khilaafkaani uu kordhinayo suurtogalnimada dagaal ganacsiyeed calami ah oo si weyn u saamayn kara dhaqaalaha adduunka.

    Canshuuraha cusub waxay sababi karaan in shirkadaha Maraykanka qaarkood oo alaabaha ka keena Shiinahu ay wajahaan canshuur dhan 104%.

    Suuqyada intooda badan ee Aasiya ayaa si caadi ah u furmay Talaadada maanta ah, inkastoo Taiwan ay la kulantay hoos-u-dhac kale oo dhan 4%. Suuqyada saamiyada ugu waaweyn Yurub - oo ay ku jirto FTSE 100 ee London – ayaa dhammaantood xidhmay iyadoo 4% hoos-u-dhac ah la kulmay Isniintii.