Sida cagaftu cago ugu noqotay Baladweyne

Xigashada Sawirka, Abdishukri Haybe
- Author, Abdishukri Haybe
- Role, Wariye madaxbanaan
- Published
Markaygii iigu horeysay ayaan ka dagay garoonka diyaaradaha ee Beledweyne. Gaadhi yar ayaan kasoo raacay gegida diyaaradaha ee Ugaas Khaliif, wadahii baabuurkuna waxuu ii sheegay in uusan magaalada gudaha ii geyn karayn; meel banaan ah ayuu igu dejiyay waxuuna ii tilmaamay halka gaadiidka Cagafta oo ah tan kaliye ee magaalada gudaheedda ka shaqaysa laga raaco. Halkii ayaan teggay, waxaa taagan cagaf nooca beeraha lagu qodo ah oo ay dadku raacayaan, waan soo galay anniga oo boorsadaydii dhabarka sita kaamirad aan sawirro ku qaado ayaana kalasoo baxay.
Cagafta waxaa saaran dad kala duwan dumar iyo rag, kuwaas oo markaas magaalada hoose u socda, waxayna cagaftu maraysaa jidka magaalada dhex mara oo ah kan keliya ee ay hadda ku socon karto. Xowliga biyaha socdana waxayba awoodaan in ay gediyaan gabi ahaanba cagafta iyo waxa saaran haddii wadahu kaadsiinyo iyo jidka dhankuu ka yaqaanno uusan ku wadin.
Waa magaalo dhan oo aad moodo war, guryo laga barakacay oo biyahu ka buuxsameen una muuqda kuwo aan waayahan la deggin ayaana jidadka hareeraheedda ka muuqda, wadaha cagafta ayaan su’aalay “Magaalada dhan ma sidan ayay hadda isugu socotaa?”
“Haa, maanta Beledweyne caggo aan cagafta ahayn maleh; biyahu haddii ay sidan kasii bataana iyaduna ma socon doonto”. Ayuu iigu jawaabay isaga oo sii jeeda hayana isteerinka cagafta.

Xigashada Sawirka, Abdishukri Haybe
Gadiidkaan hadda dadka u noqday waxa keliya ee ay magaalada ku yimaadaan alaabahana kaga qaataan waa kuwii beeraha lagu falaayay, beerahii lagu fali jirayse waxaaba burburiyay fataahada Wabiga Shabeelle oo magaaladii markii danbe barakiciyay. Balse, wadayaasha cagafta halkaan iyaga shaqo ayaa ugasoo baxday. “Cagaftaan meel ayay iska taalay beero lagaga shaqeeyo ileen hadda ma jiraane; haddana anniguna waan ku shaqaysanayaa magaaladana waan ugu shaqeynayaa waana gaadiidka keliya ee hadda magaalada dhex mari kara”. Ayuu yidhi Barre Aadan Shire oo kamid ah wadayaasha cagafta markiisii horena ahaa beeroleey.
Intaad magaalada dhex socoto ishaadu gadiidka keliya ee ay qabanayso waa cagafta, oo si aan joogsi lahayn isu dabamaraysa.
Dadka raacaya cagafta waxaa laga qaadayaa lacag u dhexeysa 4-6 doolar qofkii iyada oo kolba la’eegaayo halkuu qofku kasoo raacay, sidaas oo ay tahayna haddana raacitaanka cagaftu waa ay tahay wax laga baqo biyaha ay dhex marayso markaad eegto iyo sida kolba dhan ay ugu ciirayso. Halisteeda ayayna leedahay oo mararka qaar iyada ayaaba godad kula dhacaysa dadkii iyo alaabadii ay siteenba.
“Marwalba ma sahlana in aad jidkaan ku noqnoqoto waa mid cabsidiisa leh, sidaas oo ay tahay wax kale oo aan samayno maleh; dadkiinna wax kale oo ay cunto xiitaa ku qaadan karaan ma helayaan.” Ayuu yidhi Barre.
Magaalad Beledweyne oo ay fatahaadu si mugleh u saamaysay ayayna illaa iyo hadda ka jirin cid gargaar muuqda oo bin’aadantinimo ka wada, waxayna u badantahay in xaaladdu kasii darto haddii biyaha badan ee Wabiga Shabeelle ka keenaayo buurelayda sarre ee Itoobiya ay sii bataan.
























