Isku aadka Champions league-ga: Chelsea iyo Real Madrid oo qoorta la isu geliyey

,
Published

Isku aadka rubac dhammaadka ee Champions League-ga ayaa waxaa goradda la isu gliyey kooxda difaacaneysa koobka ee Chelsea iyo Real Madrid oo horay u qaaday 13 jeer.

Manchester City ayaa la ciyaari doonta Atletico Madrid, Liverpool waxay la ciyaari doontaa Benfica, halka Bayern Munich ay wajihi doonto Villarreal.

Ciyaarta Semi-finalka ah ayaa kooxda soo badisa ee Chelsea iyo Real Madrid ay wajihi doonaan kooxda soo baxda Atletico Madrid iyo Manchester City, halka kooxda soo baxda Benfica iyo Liverpool ay la ciyaari doonto kooxda soo badisa Villarreal iyo Bayern Munich.

Lugta hore ayaa la ciyaari doonaa 5-ta iyo 6-da bisha April, halka kulamada soo laabashada la ciyaari doono 12-ka iyo 13-ka isla bisha April.

Kulamada lugta hore ee semi-finalka ayaa la ciyaari doonaa 26-ka iyo 27-ka bishan April, halka kulamada labaad la ciyaari doono 3 iyo 4-ta May.

Garoonka Stade de France ee magaalada Paris ayaa marti galin doona ciyaarta finalka sabtida 28-ka May, kadib markii laga soo wareejiyay Saint Petersburg kadib duulaankii Ruushka ee Ukraine.

Isku aadkan ayaa ka dhigan in kooxda chelsea ay la ciyaari doonto tababarihii hore ee Carlo Ancelotti kaas oo ku guulaystay koobabka premier League iyo FA Cup-ka intii u dhaxaysay 2009 ilaa 2011.

Tababaraha reer Talyaani ayaa ka mid ah seddexda tababare ee ku guuleystay Champions League seddex jeer, asagoo horyaal-na la qaaday Real Madrid 2014-kii. Ancelotti ayaa ku soo laabtay kooxda reer Spain xagaagii hore ka dib markii uu ka tagay Everton.

Chelsea iyo Real Madrid ayaa sidoo kale ku kulmay semi-finalka xilli ciyaareedkii hore, kooxda Ingariiska oo uu hogaamiyo macalinkeeda Thomas Tuchel ayaa ku badisay seddex gool hal gool labadii lug ee lugtii hore, ka hor inta aysan finalka garaacin Manchester City.

Kooxda reer London ayaan waligeed laga badin shan kulan oo hore oo ay la ciyaartay Real Madrid

Waxaa jirta fursad ay Atletico Madrid ku ciribtiri karto birta labaad ee magaalada Manchester, kaddib barbarihii ay galeen kooxda Manchester City oo uu hoggaamiyo macallinka reer Spain ee Pep Guardiola, halkaasoo kooxda reer Spain ay ku guuleysatay inay Manchester United ka saarto wareegga siddeeda. finalka ka dib markii ay ku badiyeen laba gool oo ay ka dhaliyeen hal gool labadii lug ee labada kulan.

Kulankan ayaa noqon doona kulankii ugu horeeyay ee tartan rasmi ah oo dhexmara labada kooxood ee Champions League, Manchester City oo 5-0 ku xasuuqday Sporting Lisbon lugtii hore ee Champions League ayaa doonaysa in ay hesho koobkeedii ugu horeeyay ee Champions League.

Dhanka Liverpool, waxa ay hore 10 jeer ula ciyaartay kooxda reer Portugal ee Benfica tartamada Yurub, iyadoo kulankii ugu dambeeyay ay ku badisay shan gool iyo saddex wadar ahaan labadii kulan ee wareega 8da ee horyaalka Yurub 2010kii.

Liverpool oo uu hogaamiyo macalinka reer Jarmal ee Jurgen Klopp ayaa doonaysa in ay ka guulaysato afartan kooxood markii ugu horaysay taariikhdeeda iyada oo hore ugu soo guulaysatay koobka Leaque-ga waxayna wali ku tartamaysaa labada koob ee Premier league iyo FA Cupka.

Isku Aadka Rubac Dhammaadka Champions League

  • Chelsea - Real Madrid
  • Manchester City - Atletico Madrid
  • Villarreal - Bayern Munich
  • Benfica - Liverpool