Hadal hayn ka dhalatay sawir laga qaaday wasiir Pakistan ah iyo safiir Sucuudi ah

Xigashada Sawirka, Social media
Sucuudiga iyo Pakistan waxaa ka dhexeeya xiriir soo jireen ah, wuxuu Pakistan ka caawiyaa dhibaatada dhaqaale isaga oo siiya lacago deyn ah.
Dood xooggan ayaa ka dhalatay sawir dhawaan laga soo qaaday wasiirka arrimaha dibadda Pakistan Shah Mehmood Qureshi iyo safiirka Sacuudiga u fadhiya Pakistan Nawaf bin Saeed Al-Malki kuwaas oo yeeshay kulan, dadka markii ay arkeen sawirka waxay Pakistan ku eedeeyeen inay aflagaadeysay Sucuudiga.
Sawirka kasoo baxay kulanka kadib ayaa la arkayay wasiirka arrimaha dibadda Pakistan, Shah Mehmood Qureshi oo lugaha is dul saartay xilli uu hor fadhiyay safiirka Sacuudiga ee Pakistan.
Waxaana la arkayay wasiirka lugtiisa oo ku jeeday dhinaca safiirka, Dhanka kale Ambassador Al-Malki ayaa si asluubaysan u hor fadhiyay wasiirka arrimaha dibadda Pakistan.
Dadka ku nool dalalka Pakistan iyo Sacuudiga ayaa dhaliilay sida uu u dhaqmay wasiirka.
Dadka qaar ee adeegsada barta Twitter-ka ayaa ku tilmaamay tallaabada wasiirka, "wax laga xishoodo', 'ixtiraam-la'aan' iyo 'dhaqan ka baxsan diinta Islaamka"
General Cabdul Caziz Othman Altwijri, oo ah Agaasimihii hore ee Hay'adda Islaamka ee arrimaha Waxbarashada, Sayniska iyo Dhaqanka Adduunka ayaa qoraal uu soo dhigay barta Twitter-ka ku sheegay in wasiirka uu sameeyay tallaabo "Ixtiraam la'aan ah.
Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.
Dhammaadka X boggan, 1
"Dhaqanka Wasiirka Arrimaha Dibadda Sucuudiga uu lugihiisa isku dul saaray xilli uu hor fadhiyay Safiirka Sacuudigu waa wax aan la aqbali karin gebi ahaanba, waxaa aadaabta Islaamka kamid ah in la la ixtiraamo qofka martida kuu ah"
Qof kamid ah dadka isticmaala baraha bulshada ayaa sheegay, "Waxaan raali gelinayaa dhammaan saaxiibadayada Sacuudiga, waxa uu wasiirkeena arrimaha dibadda sameeyay waa wax aan la aqbali karin, waxaa laga doonaya in uu raali gelin ka bixiyo tallaabadaas"
Inkasta oo si xooggan loo dhaleeceeyay wasiirka arrimaha dibadda Sucuudiga, dadka qaar ee isticmaala Twitter-ka waxay bartilmaameedsanayeen safiirka Sucuudiga "Waxay aheyd in safiirka uu isaga kaco fadhiga madama loo muujiyay dhaqan xun"
Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.
Dhammaadka X boggan, 2
Dadka baraha bulashada isticmaalka waxay khaladka u leexinayaan dhinaca safiirka Sucuudiga, "Safiirka Sacuudiga wuxuu sameeyay khalad markii uu muujin waayay sida uu uga xun yahay falkaas".
Qof u dhashay Sucuudiga oo tallaabadan kaga falcelinayay baraha bulshada ayaa yiri, "Sucuudiga waa dal sharaf leh ma aqbaleyno wax dhaqan xumo ah, wasiirka arrimaha dibadda Pakistan wuxuu sameeyay khalad"
Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.
Dhammaadka X boggan, 3
"Waa in uu wax bartaa"
Qaar kamid ah dadka isticmaala baraha bulshada ee Pakistan ayaa sidoo kale sheegay in wasiirka arrimaha dibadda uu weli u baahan yahay inuu wax badan barto.
Waxaana kamid ah qof Twitter-ka soo dhigay qoraalkan, ""Aad buu wasiirka ugu baahan yahay inuu wax barto, Pakistan waxay sanad kasta gacanta u hoorsataa Sucuudiga"
Halka qaarkoodna ay ammaan dul huwiyeen safiirka Sucuudiga oo ay ku sheegeen inuu muujiyay dhaqan wanaag kadib hab dhaqanka wasiirka.























