Ibraahim Roobow Cali: "Ma garaneyno in mudadii 3-da sano ahayd ee Nisa uu u afduubnaa ay xaas kale ku dareen Roobow"

Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur)
Qoraalka sawirka, Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur)
Published

Ehelada Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) ayaa ku gacan saydhay xog ku jirtay warqad ay soo saartay hay'adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Soomaaliya oo lagu sheegay inuu nabad qabo, caafimaadkiisuna wanaagsan yahay, xaasaskiisa iyo ciddii kale ee uu dalbadaana ay booqdaan sidoo kalena uu waxbarasho jaamacadeed ku jiro, amnigiisana ay gacanta ku hayaan.

HSNQ ee Soomaaliya oo ka jawaabeyso dalabki wasaaradda arrimaha gudaha ee ahaa iney 48 saac gudahood kaga soo warbixiso xaaladda Mukhtaar Roobow Cali (Abu-mansuur) ayaa soo saartay warqad ay kaga warbixineyso xaaladda Abu-Mansuur.

Hay'adda Nabad Sugidda waxay intaasi ku dartay Roobow inuu deggan yahay guri amnigiisu sugan yahay ciidamo amnigiisa loo xilsarayna ay ilaaliyaan isaga iyo hoyga uu daggan yahayba, qoyskiisa, xaasaskiisana iyo ciddi kale uu dalbadana ay si joogta ah u soo booqdaan.

Xaaladdiisa caafimaadna ay wanaagsan tahay dhakhaatiir caafimaad oo xaaladdiisa caafimaad la socotana uu leeyahay.

Hasayeeshee Ibraahim Roobow Cali oo ay walaalo yihiin Mukhtaar Roobow ayaa ku doodaya in muddo saddex sanadood ah aanay indha-saarin walaalkood, cid booqatayna aanay jirin, caafimaadkiisana ay ka walwalsan yihiin.

"Warqadda waxaa ku jirtay been abuur cad oo loga been abuurtay hadaan nahay dhibanayaashii ehelada Sheekh Mukhtaar Roobow, waxa lagu qoray dhammaana waxba kama jiraan," ayuu yiri Ibraahim Roobow Cali.

Ibraahiim oo ay BBC-da waydiisay xilligii ugu wardambeysay walaalkii Mukhtaar Roobow ayaa yiri: "Aniga waan ka duwanahay qoyska intiisa kale sababtoo ah waxaan ku noolahay magaalada Muqdisho, waxaana igu dambeysay Janauary 2019, markaas oo aniga iyo xildhibaano reerkayga noola ogolaaday oo aan soo aragnay isagoo ku afduuban Xarunta Hay'adda Nabad Sugidda ee NISA."

Ibraahim oo sidoo kale sharraxay sababta muddadaasi oo 3 sannadood laga joogo uga baaqsaday inuu la kulmo walaalkii ayaa sheegay in markasta oo uu isku dayo inuu booqdo laga hor istaagayay loona sheegayay in uusan fasax u haysan.

"Waxaan ahay walaalkiisa keliya ee joogo Muqdisho, waxaana ahaa qofka ugu dhow ee ay fududeyd inuu arko taasna waa ay adkaatay. Muddadaasi ka dib waxaa hadana noogu horreysay inaan codkiisa oo liidasho, tabar darri iyo daruuf ka muuqato maqalno 22-kii bishii tobnaad isaga oo VOA wareysi siinaayo markaas ayaana xaqiijinay inuu nool-yahay."

"Ma garaneyno mudadii 3-da sano ahayd ee Nisa uu u afduubnaa ay xaas kale ku dareen Robow ee anaga dhankeena waxaan beeniaynaa inaysan jirin booqasho ay ugu tageen xaasaskiisa."

Warqadda ka soo baxday Hay'adda NISA ayaa lagu sheegtay in Mukhtaar Roobow oo ahaa amiir ku xigeenki hore ee ururka Al-Shabaab oo sheegtay inuu dowladda iisu soo dhiibay uusan buuxinin shuruudihi isa soo dhiibe laga doonayey.

BBC-da ayaa oo wareyi gaar ah la yeelatay C/rashiid C/laahi Maxamed oo xilligaas ahaa wasiirka gaashaandhigga ee xukuumadda federaalka Soomaaliya oo xilligaas ahaa wasiirka gaashaandhigga ee xukuumadda federaalka Somalia, kana soo shaqeeyey in Mukhtaar Roobow uu ka soo baxo ururka Al Shabaab waxaana weeydiinay sidee labada dhinac isugu soo dhawaadeen, maxaase xilligaas lagula heshiiyey mukhtaar Roobow?

"Heshiiskii lala galay Roobow xilligaasi waxaa ka mid ahaa inuu marka hore ka tanaasulo oo uu soo wareejiyo wixii hub ah oo uu haystay si uu u caddeeyso inuu ka tanaasulay kooxdii uu ka tirnaa, tii wuu caddeeyay oo waa uu ka soo baxay kadibna waxay ahayd inuu dadkiisa ka mid noqdo, midda xigtayna waxay ahayd inuu dowladda ka caawiyo sidii loola dagaalami lahaa Al-Shabaab, labadaas qodob ayaa ugu muhiimsanaa shuruudaha," ayuu yiri C/rashiid C/laahi Maxamed.

Markii la xiray Muktaar Roobow, Dowladda Soomaaliya waxay sheegtay in sababta loo xiray ay tahay in uu ka soo bixi waayay shuruudihii lala galay markii uu isa soo dhiibay, sidaas awgeedna aan la aamini karin.

Roobow oo horay u ahaan jiray hogaamiyaha labaad ee ugu sarreeya ururka Al Shabaab, ayey mas'uuliyiinta xukuumadda Soomaaliya ku eedeeyeen in hub iyo ciidan isaga u gaar ah la tagay magaalada Baydhabo. Balse kooxda Abuu Mansuur ayaa beeniyay eedaas.

Wuxuu Baydhabo u tagay inuu uga qeyb galo doorashada madaxweynaha maamul goboleedka Koonfur Galbeed oo xilligaas uu socday ololeheeda.

Xukuumadda federaalka waxay sheegtay in sababta ay uga mamnuucday inuu tartamo doorashadii Koonfur Galbeed ay aheyd, arrin la xiriirta xayiraado ka saaran dhinaca beesha caalamka, kuwaas oo aan laga qaadin.

Waa kuma Roobow?

.

Sheekh Mukhtar Robow wuxuu ka mid yahay aasaasayaashii ururka Al-Shabaab oo in ka badan 10 sano ka dagaallamaya Soomaaliya.

Wuxuu ahaa taliye ku xigeenkii Midowgii Maxaakiimta oo 2006-dii ka adkaaday isbeheysigii la dagaalanka argagixisada oo ay ku mideysnaayeen dagaal oogayashii Muqdisho.

Abuu Mansur Roobow wuxuu ka mid noqday hoggaamiyayaashii Al-Shabaab ee soo caanbaxay ka dib markii Maxaakiimtii laga saaray Muqdisho, dhammaadkii 2006-dii.

Wuxuu noqday afhayeenka iyo ku xigeenka Al-Shabaab, sannadkii 2007-dii, isaga oo ka hadli jirey fagaarayaasha dadka la isugu keeno iyo waliba saxaafadda.

Laakiin waxaa loo arkay in Roobow uu xagga aragtiyada ka dabacsanaa hoggaamiyeyaashii kale ee mayalka adkaa ee Alshabaab, ayna ku jirtey waddaniyad, sida laga soo xigtay dadkii ka agdhowaa.

Waxaa xitaa la sheegey in Roobow uu ka qeybgalay shirkii Asmara ee la isugu geeyey siyaasiyiin ay ka mid ahaayeen Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Shariif Xasan Sheekh aadan oo markii dambe dalka madax ka noqday.