Shaqaalaha Soomaalida ah ee shirkada Amazon oo ka cabanaya xaaladaha shaqo ee shirkadaasi
Published
Shaqaalaha Soomaalida ah ee shirkada Amazon oo kaashanaya mid ka mid ah ururada shaqaalaha ayaa xalay dibadbaxyo ka hor dhigay qeyb ka mid ah goobaha shirkadaasi ee magaalada Shakabi ee gobolka Minnesota.
Soomaalida oo boqolkiiba 65 ah ka ah shaqaalaha shirkada Amazon ayaa qaarkood iyaga oo shaqada ku jira dibada uga sooo baxay si ay uga qeybgalaan dibadbaxaasi.
Dibadbaxa ayaa sidoo kale waxaa kala soo qeybgalay Ilhan Cumar oo dhawaan loo doortay aqlaka congareska iyo Hodan Xasan oo ka mid ah noqoneysa xildhibaanada Minnesota.
Siyaad Siciid Saalax oo tagay goobta dibadbaxa ayaa warbixintaan inooga diyaariyay.