Waraysi: Bandhigga masrixiyad dhamaystiran.
Published
Abwaan Dhuux Cabdillahi Cabdi waa mid ka mid ah hal abuurrada suugaanta ku xeesha dheer oo ku nool magaalada Hargaysa Hargeisa, ayaa si ka duwan hal abuurada da'yarta ah ee filkiisa ah u soo bandhiga sugaanta gaar ahaan ruwaayadaha, waxaanu dhawaan dhamaystiray riwaayad marka la jilo socon karta afar saacadood oo xidhiidh ah, wariye Cabdillahi Jaamac ayaa abwaan Dhuux kala sheekaystay riwaayadan waxanu marka hore uu abwaanku ka hadlaya magaca riwaayadan iyo ujeedadeeda.