Shir lagaga hadlayo kobcinta Af-Soomaaliga oo Jigjiga ka furmay

Qoraalka Codka, Shir lagaga hadlayo kobcinta Af-Soomaaliga oo Jigjiga ka furmay
Published

Murtimaalka ugu caansan Soomaalida ayaa lagu wadaa in maanta oo Sabti ah uu magaalada Jigjiga uga furmo kulan ay ku falanqayn doonaan kobcinta Af-Soomaaliga.

Kulankan oo lagu magacaabay Bandhig Faneedka Caalamiga ah ee Sayid Maxamed Cabdille Xasan ayaa dadka caanka ah ee ka qeybgalaya waxaa ka mid ah qoraa Axmed Farax Cali (idaajaa) oo caan ku ah sugaanta Soomaalida.

Weriyaha BBC-da Cabdinaasir Sheekh Maxamed Xikam ayaa Jigjiga waraysi kula yeeshay Axmed Faarax Cali (idaajaa) ugu horrayna waxa ka waydiiyey taariikhdii nololeedkiisa.