Waraysi: Soomaaliya maxay Sucuudiga ula safatay?!
Published
Iyadoo uu cirka isku shareeray ismaan dhaafka u dhexeeya dalalka Canada iyo Sacuudiga ayaa dowladda federaalka ee Soomaaliya war qoraal ah oo ay soo saartay ku sheegtay mawqifka ay ka taagantahay khilaafka labada dal dhex yaal. Waxaana qoraalkaas lagu yidhi
''Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay ku adkaysanaysaa taageeridda mowqifka diidmada ee Dowladda aanu walaalaha nahay ee Boqortooyada Sucuudi Carabiya ee ah faragelin dibadeed oo lagu sameeyo arrimaheeda gudaha".
Hadaba wasiirka arimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad, ayaa Bashiir Maxamed Caato uga waramay waxa ay dowladdu ku saleysay go'aankan ay Sucuudiga kula safatay.