Maxay horseedi karaan heshiisyada ay gaareen Eriterea iyo Itoobiya?
Waddamada Itoobiya iyo Eritrea ayaa ku heshiiyay dhawr arrimood oo ay ka mid yihiin in dal waliba uu dalka kale ka furto safaarado iyo in ay duulimaadyadii isaga kala gooshi jiray Addis Ababa iyo Asmara dib loo billaabo.
Labada hogaamiye ayaa sidoo kale markii ugu horeesay muddo 20 sano fasaxay khadadka taleefoonada ee labada wadan, madaama shacabka labadaasi dal ay ku adkeyd inay iswacaan.
Heshiisyadan ayaa imaanaya xilli ra'iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmad uu shalay booqday xarunta Eritra ee Asmara, waana markii ugu horreysay oo hoggaamiyeyaasha waddamadani ay kulmaan tan iyo colaaddii dhexmartay labada dal oo la soo afjaray sanadkii 2002.
Haddba heshiiskani muxuu uga dhigan yahay gobolka, su'aashaasi iyo kuwo kale ayaa weriyaha BBC-da Bashiir Maxamed Caato waxaa uu hordhigay Dr Ibraahim Bursaliid oo ka faalooda arrimaha Afrika.