Isbedel ma lagu tilmaami karaa waxa imika ka socda Itoobiya?

Qoraalka Codka, Isbedel ma lagu tilmaami karaa waxa imika ka socda Itoobiya?
Published

Waxaa muddooyinkii dambe dalka Itoobiya ka dhacayay isbedelo siyaasadeed, kuwaasi oo dadka qaar ay shegeen inay yihiin kuwa xowli ku socda tan iyo intii xafiiska yimid raysal wasaaraha cusub ee Itoobiya, Dr Abiy Axmed.

Isbedeladan ayaa waxaa u dambeeyay xaaladii degdeg ee sarneyda dalka Itoobiya oo laga qaaday iyo in dowladda dalkaasi ay cafis u fidisay maxaabiis siyaasadeed oo qaarkood ay ku xukunaayeen dil toogasho.

Haddabo Su'aasha dadku ay isweydiinayaan ayaa waxaa ay tahay bal in isbedel lagu tilmaami karo waxa imika ka socda dalkaasi

Su'aalahaasi iyo kuwa kale ayaa weriyaha BBC-da Bashir Maxamed Caato waxaa uu weydiiyay Dr. Ibraahim Farah Bursaliid oo ka faalooda arrimaha geeska Afrika.