Xubin sare oo iskacasilay guddiga ka tallabixiya dhibaatada Rohingya

Xigashada Sawirka, Getty Images
Xubin sare oo ka tirsan guddiga ka talabixinta caalamiga ah ee dhibaatada Mayanmar oo ku booiryay boqolaal kun oo muslimiinta Rohinja ah inay u qaxaan waddanka dariska la ah ee Bangaladesh ayaa iscasilay.
Bill Richardson- oo dowladda Mynmar ay ku casuuntay inuu ku biiro guddigan ayaa ku eedeeyay inay guuldareystay.
Waxa uu ka cawday in dhibaatada qaxooitga gobolka Rakhine aanan looga hadlin si cadaalad ah.
Dad gaaraya 300 oo kun oo ka qaxay gobolka Rakhina galayna dalka Bangaladesh labadii isbuuc ee la soo dhaafay ayaa waxay ka qaxeen degmooyinka Maungdaw,Buthidaung iyo Rathedaung,
Deegaanadan wey adag tahay in la gaaro wadooyinka oo liita iyo waliba ruqsad ay tahay in laga qaato dowladda. Weriyayaashuna inta badan ma tagaan halkaasi.
Inkastoo dowladdu ay ku doodayso dood in la dhagaysto mudan, hadana waxaa jira iska caabin dagaal oo ay wadaan jabhada Rohingya. Mishkilada Rohingya waa mid taariiq dheer leh. Weyna adag tahay in dowladu ay la tacaasho.
Inta badana safarka gobolkan Myanmar ku yaalla waa mid adag oo dhoobo iyo wabiyo doomo badan leh looga gudbo.Safarkii aan kaga baxnay ayuu yiri weriyuhu ' Magaalada Sittwe ilaa Buthidaung waxuu nagu qaatay lix sacaadood'.
Mr Richardson ayaa si weyn u dhaleeceyn jiray hoggaamiyaha Myanmar, Aung San Suu Kyi.
Waxa uuna sheegay inuu isaga baxay wax uu ku tilmaamay colaadeeda ku wajahan warbaahinta iyo hay'addaha caalamiga ah sida Qaramada Midoobay.





















