Qalabka doorashooyinka Somaliland oo Hargeysa soo gaaray
Published
Guddiga doorashooyinka Somaliland ayaa maanta ku dhawaaqay in dhammaan waraaqihii lagu codeynaayay iyo agabkii kale ee lagama maarmaanka u ahaa doorashada madaxtooyada Somaliland ee 13 Nofembar 2017 ay maanta oo Axad ah soo gaadheen magaalada Hargeysa.
Weriyaha BBC-da ee Hargeysa Axmed Saciid Cige ayaa shir jaraa'id oo ay qabteen guddiga doorashooyinku ka qeyb galay, wuxuu markii danbe wareystay afhayeenka guddigani Saciid Cali Muse , wuxuuna ugu horeyn weydiiyay waxay keeneen.