Soomaali ka qeyb galay shirka dhalinyarada ee dalka Colombia

Qoraalka Codka, Soomaali ka qeyb galay shirka dhalinyarada ee dalka Colombia
Published

Magaalada Bogota ee dalka Colombia ayaa waxaa ka dhacaya shir ay isugu yimadeen dhalinayaro ka kala socota dalal badan oo caalamka ah.

kuwaasoo ka wada hadlayaa sidii dhalinyarada door muuqda ay uga qaadan lahayeen horumarka bulshada.

Dhalinyaradan ayaa waxaa ay sidoo kale ka wada hadlayaan sidii ay gacan uga geysan lahayeen xassiloonida caalamka iyo sidii looga hortagi lahaa dhibatooyinka ay kamid yihiin abaaraha.

Haddabo Soomaaliya shirkaasi waxaa ku matalay Cabdi Cadow oo khadka taleefonka ee dalka Colombia ugu warramay weriyaha BBC-da Bashir Maxamed Caato.