Waanwaantii la doonayay in lagu dhexdhexaadiyo Muranka Galmudug oo fashilantay

Qoraalka Codka, Waanwaantii la doonayay in lagu dhexdhexaadiyo Muranka Galmudug oo fashilantay
Published

Ismari-waaga siyaasadeed ee ka taagan Galmudug ayaa gaaray heerkii ugu sarreeyay kaddib markii lagu guul darreystay waan waan la doonayay in lagu dhex-dhexaadiyo dhinacyaa is-haya.

Murankan oo salka ku haya khilaafka ka dhex taagan dowladaha carbeed ee khaliijka ayaa keenayay in hoggaanka sare ee maamul goboleedkaasi uu labo garab u kala jabo, taa oo markii dambe keentay in qaar ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka maamulkaasi ay ku dhawaaqaan in madaxweyne Xaaf xilka laga qaaday, arrintaa oo madaxweynahuna ku gacan seyray.

Labada dhinac ayaa kala garabsanaya siyaasiin iyo mas'uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka waxaana midba midka kale ku eedeynayaa inuu wado fowdo.

Haddaba waxaan qadka taleefoonka magaalada Cadaado kula xiriiray madaxweyne kuxigeenka Galmaudug Maxamed Xaashi Cabdi Carabey oo aan marka hore weydiiyay halka uu xaalka marayo.