Qaxooti Kismaayo ku noqday oo isdhexgal bulsho loo sameeyey

Qoraalka Codka, Qaxooti Kismaayo ku noqday oo isdhexgal bulsho loo sameeyey
Published

Boqolaal qaxootigii ka noqday deegaanka Dhadhaab oo Kismaayo la geeyey ayaa hada loo bilaabay barnaamija isdhexgal ah oo Qaxootigii hore lagu barayo dhaqanka iyo hidaha Soomaliyeed, waxay sidoo kale isdhexgal la samaynayaan dhalinyarada reer Kismaayo,

Waa markii ugu horaysa oo qaxooti dib ugu noqday Soomaliya loo sameeyo mashruuc isdhexgal bulsho ah

Cabdiwaaxid Axmed Yare Wasiirka Dhalinyarada iyo ciyaaraha ayaa arimahani iiga waramay.