Shirkadda Uber oo cambaareesay gacan qaad dhexmaray darawaladooda iyo kuwa Koonfur Afrika

Calaamada shirkadda Ubber
Qoraalka sawirka, Calaamada shirkadda Ubber
Published

Mas'uuliyiinta shirkadda tagaasida ee Uber ayaa cambareeyay gacan qaad dhexmaraya darawalada shirkadooda iyo kuwa tagaasida kale ee ka howgala dalka Koonfur Afrika.

Warbaahinta dalkaasi ayaa kusoo warantay in darawalada shirkadda Uber ay sameyeen fal aargosasha ah, kaddib markii darawalada kale ee tagaasida dalkaasi ay dab qabadsiyeen dhowr baabur oo ah kuwa shirkadda Uber.

Dagaalkan u dhaxeeya darwalada taagisada dalkaasi iyo shirkadda Uber ayaa la sheegay in uu salka ku hayo loolan xaga suuqa taagsida, waxaana shirkadda Uber oo ah shirkad dhanka tagaasida ee laga dalbado taleefoonada gacanta ay caqabado badan kala kulantay darwalada taagisada dalal badan oo caalamka, kuwaa oo u shirkadda Ubber u arkay inay ka saareyso suuqa tagaasida.