Soomaaliya oo ka qeyb gali doonta koobka adduunka ee tartanka Mini Football-ka
Published
6-da ilaa 15-ka bisha Oktoobar ee sanadkan waxaa dalka Tunisia ka dhici doona koobka adduunka ee tartanka loo yaqaano Mini Football.
Soomaaliya ayaa ka mid ah 24 dal oo caalamka oo dhan ka socda, kuwaasoo ka qeybgali doona tartankan.
Haddaba waxa uu yahay mini football, cidda maamusha iyo su'aalo kale ayaan ka waraysanay Xasan Cabdi Goodax, gudoomiyaha xiriirka Mini Football ee Soomaaliya.
Wuxuu u warramay Maxamed Xaaji Xuseen Shiine.